maansadan waxa tirinaya  faysal cali waraabe

 

Waxaan dhamaan idinku salaamaya salaanta muslinka meel aad  joogt aanba ,rag iyo dumarba....Halakan waxaan ku soo gudbinaya jifto uu tiriyay Faysal Cali Waraabe, Gud Xisbiga UCID........Iyada oon hore u sameeyay laba maanso oo kala tiriyeen labada Gud Daahir Riyale  iyo Siilaanyo.

Waxaan ku cabiraya sida ay aniga ila tahay qaladna yaan loo arkin . maaha rayi aniga i dhaafsan waa kaftan , wax kale kuma ladhlana .
waxa ay soo baxday jiiftadani 8.09 waxa tirinaya mowlid qolqol
 

 

waxa faraska nadigiyo
usha loogu fiiqa
inu sii fogaadoo
nasigana ka fiigee

******
maantana fagaaraha
fuulmadeeda geenyada
firfircooni dheer iyo
faaliyo war guunnaan
fal-kinteeda maansada
farasaarayaayoon
fahamkeeda sheekada
ficillaan ku daraya
inaan feedha saaroon
ku tilmaamo farihiyo
halka falaga lagu waddo

******
fiirsiga dushaydiyo
foolkiyo garashada
galool laamo fidiyoo
ubax food ku yeeshiyo
waxaan ahay filow goba
ingineer farshaxanimo
farsamada yaqaanoo
la faduulin baan ahay

******

gaallada fartoodiyo
dabcigooda fara badan
cidla kama fadhiistee
yurub foognideediyo
finland waan ahay

******

faasiqnimo umaan dhalan
furqaantii illaahiyo
salaadiyo faralkana
kama faranfardaynine
inta waan u faydnahay
faraqaaan ku haystaa

******
fulaynimo umaan dhalan
daacadaan ku foofaa
dulmigaan figeeyaa
kuma foogni noolaha
kama tago facaygiyo
filka kii ileeg iyo
fikirkiyo aragtida

******
kuma faaqo noolaha
kuma caayo foolxumo
afarta falaadhiyo
furihiiyo guushiyo
faataxo ku magacow
fada kale waxay tay

******
feejignaantu waa daw
inaan fiiro yeeshoon
marba foodhi dheeriyo
qaylada fogeeyoon
fagaaraha ka sheegaa
necbiyaa faraaryaha
iyo kala faquuqiyo
qollo food la saariyo
tolka faaladiisoo
jecliyaa filaanshaha

******

marna waa faruur xidhan
ciidagalle ka faankiyo
guuleed fac joogsigu
komeshanka anna fura
jilibkay u foodalla
inay ii fadhiistaan
kuwa kale fogayntuna
ficil weeye igu jira

******

fooriyo marbaan ahay
sida roob faraaciya
marna waqal fogaadiyo
fadadkoo is dhaafiyo
mahiigaan furmaan ahay

******
marban faraska dirirtana
duulaanka fuulaa.........
fulaynimo marbay kali
farax ii ahaataa.....

******
faqash iyo gugeedii
taariikh filaataa
fayl laygu haystaa
falaadhina gilgilashada
kaagama fuqaysee
ficilkaa dhankaygii
ku firee halkiisaa .....

******
maantana falkaan gabbay
inaan guddo faciisaan
farxaanow tuhmaayee
fajac yaanay kula noqon
fooraraa nasiibkii
fuclo orodka waa wali

******
faahfaahin qodobada
fadhi kuma idhaahdee
marbaan gole ka fuulaa
feedhahayga hoosiyo
waxaan uurka kula faqo
faruuryaha ka sheegaa

******
koonfur waan fogeeya
ina geele uma furo
cabdulaahi taan faray
ku fatahay ayaan hore
feedhahay ku taala
ku fogeeyay nabarada
xaajigan ma fiirsade
faralaawe waa wali
faalkiisi muu iman

******

xagayaga faduul hore
fariid uu na yeela
lal fooganyahayoo
xisbiyada furba galay
kurtin fiiqan ba jira
fin baxaaya baa jira
foocfoca so kaca
qolaftaan ka fiiqna
fadhi baanu talina

******
xagna farsamo kale
udub fooladayntiyo
faadhumaysigaygiyo
furahaan ruxruxaya
fijaanaan u dhigaya
inu faran ku soo dhaco

******

kulmiyaan filaanshaha
fooradiisa leeyahay
yay kula fogaanine
goobaley faraha gali
ku filow halkaagoo
firfircooni laba raac

******
farajkana alla qray
fodkana sidaan qabo
rajo waan ka filaya
ii furan halkaasin



dhamaad naxlina kam jiro waa uun kaftan iyo xifaaale

 

 

Mowlid Aden
qolqol3@hotmail.co.uk