Maansadan waxaa la yidhaa ,Gallad Eebbe

 


Waad salaamantiin dhammaantiin rag iyo dumar meel aad joogtaanba maansadan oon kula dardaarmayo wiilkayga ama aan idhaahdee dhamaan caruurta soomaaliyeed ee qurbaha ku dhalatay.....


Waana mid caam ah,waana waano wax sheeg iyo duco labadaba iyo tilmaamo sida badana caruurta qurbaha ku dhalata xaalkooda waynu ka war haynaa, siiba kuwa galbeedka yurub iyo americka ku koray ama ku dhashay.....akhris wanaagsan:
 

 

 

Gabanyahaow da,adaadiyo
muu korin garaadkaa
gurigiina mooyee
xusuusaha ma garansanid

*******

Gaddan aad is leediyo
waxa jira gadaashaa
gantaddii hangoolkiyo
waa faraarki geedkale
midba gooni ugu yiil

*******

Gayigaynu leeniyo
midkaan galabta joognaa
bari iyo galbeedoo
isba gaadhin weeyaan

*******

Waxsen gooha sheekada
aabo kuugu galaya
inaad gunudo hadalkoo
buugaaga gaariyo
taariikhda galisood
haddii guulle kugu simo
aad gabannadaadiyo
ubadkow garoocdaa

*******

Diinteenu waa guun
galladii illahiyo
islaam gaara baan nahay
sunahaynu gowskiyo
gadaashaa ku haynaa

*******

Salaadaynu gudanaa
sakadaynu gooynaa
soonkaynu garanaa
xajka gudashadiisuma
haddii guulle kuu qoro
waa inaad mar gaadhaa

*******

Ka gudboo intaa idhi
gadaal noqoshadeenuna
waa gooni midabkeen
afrikaan gobaan nahay
goobta ugu qurxoon iyo
gurigii udgoonkiyo
gacamada cadmeed iyo
barbaraad ka galaysaa

*******

Lowga gabal dhaciisiyo
Herer goonyaheediyo
Gedo iyo wajeer iyo
Barri goonyahiisiyo
Gubadliyo calaydh iyo
inta geed Galool iyo
Gumar lagu yaqaanee
Geeleenu daaqiyo
gayigeenu waa kaa

*******

Goodiga ban cowl iyo
Garanuugle iyo tuban
Ceeri gaabo iyo badhan
Gaashaamo iyo sirow
Gayigeenu waa kaa

*******

Guban iyo in raacdiyo
Buurta gacan libaax iyo
Boorame galbeed iyo
Gabiilay dusheediyo
Guuxaaga sarre iyo
halka laba go,oodliyo
mid garaysli joogtee
lagu raaco guunyada
gayigeenu waa kaa

*******

Afarta gaddaydii
gudbiyoo tilmaamee
aan waanadow galo
Dhaqan aan go,aynoo
ruuxba ruux ka gaadhoo
laysu soo gudbinayiyo
waxa jira ma guuraan
gunto oo ha sii dayn

*******

Gacal iyo xigaal iyo
tolka gurada wayn iyo
xidid aan la goyn iyo
waxa jira xasaba gura
gunto oo ha sii dayn

*******

Sharaf gogol dhigeediyo
gobonimo qadarinteed
gadhwadeenadeediyo
gaadiidka qaadiyo
gurgurshaaga sida noqo

*******

Baahanaha gargaar sii
goobta aad ku kulantaan
hadday gacantu madhantahay
haku gubin odhaahdee
u garwaaqso waayaha

*******

Gafna yaanu kaa tagin
gocashada ha laasimin
midkaad galab is jiidhaan
baritaba salaan gali
hadduu geesta kaamaro
isagay gubaysaa
goonidaa iskaga taag

*******

Garab qabo adoomaha
guulihii ku uuma
ajar kaaga gudayee
guto oo ka sii dayn
Nimcaddana u gogol-xaadh
garro waajibkeedoo
kibir yaanay kula galin
gudbanaha ha gaasirin

*******

Marti galintu waa teer
laynagu galadayoo
guyaal iyo guyaal hore
ummad garasho dheerbaa
abaal guuna sugaysee
marna yay garaadkiyo
madaxaaga gees marin

*******

Maahmaahi gaar tidhi
nin galow ku aragnaye
tallow yaa ku gudi kara
dadaal baana gees furan
gunto oo ha sii dayn

*******

ha ku gubanin jaarkana
xaq u gooniyaa jira
guulaheen jideeyoo
garbihiyo waxaad tiin
gacmahaa sinaadee
gunto oo ha sii dayn

*******

Gaaf-wareega madhan iyo
xilliyada guracanee
gaaduhu u sahan yahay
ka gaboodso kiiniyo
hooyo gacaladaayoo
gadoodiga danbeeyee
bari kula gudboon iyo
aibaabkiyo garaaciyo
isguulkii nabdiga gali
gunto oo ha sii dayn

*******

Taariikhaa gudbaayoo
xilliyaa is gurayee
ha gufaynin dhagahee
godolkeed u yeelow
ha ka gaabin barashada
waa gantaalka kaliyeed
ku dagaal galaysaa
gunto oo ha sii dayn

*******

Hawaduna gad kale timi
cadceedii ku gubaysee
geedka laga hadhsanayiyo
maaha dhididki gobolaa

*******

Waa qabow ku galayiyo
baraf aan go,ayn iyo
dhibic goorna wadan iyo
dabaylaha gilgilayee
wadnu kula gariiriyo
dhaxan gaydhle oo daran

*******

Gaashaanku waa huga
hadba laga gashanayee
gunto oo ha sii dayn
gowgowda hadalkiyo
midka geedi dheer taga
gaabsigaa ka khayr roon
gunto oo ha sii dayn

*******

Geda socodka liicliic
garan waa sidiisii
hadba garab ha tuurine
gaashaan-qaad sidiisii
gaardiga ku laafyood

*******

Timahana gadaal hore
sida geed ha yeeline
taaloog ku gowsii
gadhfeedhana in teed reeb
hugan laysku giijiyo
midkan layska gurayee
miskihiiba gaadhayn
inta qurux u garataa

*******

Goblan weeye yimiyoo
dhaqankoodi gudhiyee
waad garan astaantii
huga loo gashanayee
gunto oo ha sii dayn
runta gogol dhigeediyo
gaashaanka samihiyo
geesinimadi yay lumin

*******

Beenta kala gurkeediyo
raad gaabnideedanna
duco qabe ma gaynee
waa gamaan magaanoo
orod geesa bixinoo
kula gaabinaayoo
dirir laguma gali karo

*******

Waxa aan ku gaabsaday
gabaygiina kaga baxay
duco aan go,ayn baan
guule kuu baryaayoon
gacmahana u fidiyaa
aqbalkana gadiisii
guusha waan ka filayaa

*******

Geesiyaasha joogiyo
guurtiday maqlaysaay
aamiinta ila gura
Rabow aanad goob daran
gabayooxsan waaqliyo
meel gacal ka dheer yahay

*******

Allow kuu gargaaroo
khaatumo ku garansii
Rabow guusha samihiyo
khayrkaba ku gaadhsii
Rabow goolka nololeed
geestuu u qaadaba
uu libin ka gaadhaa

*******

Allow guri barwaaqiyo
gayi lagu nabdoonyiyo
nimcadaba ku gaadhsii
Rabow guur hagaagiyo
marwo aan gubayn iyo
gaari lagu samaadiyo
dhabeel goonya haysiyo

*******
qaryad garasho dheer iyo...[qaryad]waa haween ta ugu sidata
 

*******


Aqal gurada buuxdoo
gabaniyo hablaba badan
fadligaaga gaadhsii

 


Sidaas ayay ku dhantahay .Hadaan wax qalday, waa shaydaan iyo naftayda,  hadaan asiiba yna, boqorka kali ahaaday ayay mahadi u sugnaatay ,ilaahayna hayna ilaaliyo if iyo aakhiro labadaba,  balaayooyinka meerayana hayna baal mariyo.
 

 

 

Mowlid Aden
qolqol3@hotmail.co.uk