Maansadan oo la magac baxday, waxan Gabiley leeyahay; waxay soo baxday 29Kii bisha Noofambar 2014ka

 


Maansadani waxay jawaab iyo taageeraba u tahay, gabay aad u qiimo badan oo uu tiriyey; abwaan Cabdi Cali Xirsi.

Abwaanka oo si farshaxanimo iyo murtiba leh u soo bandhigay, dhaqammo aynaan lahaan jirin oo beryahan dalka ku soo kordhay iyo cabashooyin badan oo uu gobolka Gabiley soo sheegtay oo ku jihaysan dadka gobolka u dhashay ee daljoog iyo dibadjoogba leh.

Waxanan ku talin lahaa marka hore- qofkii heli karayaa in uu akhristo - gabayga abwaan Cabdi Cali. Waayo, gabaygani kaasi ayuu jawaab u yahay oo way is macnaynayaan labada gabay.
Waxanan dhammaanba akhristayaasha uga cudurdaaranayaa, wixii khaladaad ah ee ay kala kul maan maansadan- dhan kasta oo ay noqotaba. Waayo, isla markii aan gabaygaa abwaanka akh riyeyba jawaabta ayaan soo bixiyey- aniga oo aan shaandhaynin midhaha maansadan!

Waxayna maansadaani ku bilaabantay oo ay leedahay:

 

 


Ninka soo gabyaaye
Gabiley u doodee
Gantaalaha ridaayow
Salaantii gobeediyo
Gacanqaad sokeeyiyo
Gacaltooyo aan gudhin
Marka aad guddoontaan

Waxan Gabiley leeyahay:

Goohan kaa baxaayee
Gabayaagu sheegaan
Gama'ii la diidee
Maxaa gogosha kuu galay?
Gabaareyda shilintiyo
gargarangoorka naaxiyo
gafanaha ku cunayaa
Gayigaba idleeyoo
laga guur Hargeysee
Ma wax gaar baa jira?

Waxan Gabiley leeyahay:

Geedgaabkii heediyo
Galleydii baxaysiyo
Garowgii maxaa helay?

Waxan Gabiley leeyahay:

Guunyadii ma fooftaa?
Giirkii lo'daadiyo
Ido gorod madoowiyo
Geesleey riyaadiyo
Geelii xagguu maray?

Dameer gaambinaayoo
Dhiilaha gardaadshiyo
Gammaankii fardoodee
Gegada iyo fagaaraha
Galbiskiyo ciyaaraha
Lagu soo golayn jiray
iyaguna ma gaaw baa?

Hadmaa gorofka caydheed
Goonyaha laguu sudhay?


Waxan Gabiley leeyahay:

Adoo guri barwaaqa ah
Oo geshigaago wacanyaan
Geyiba ka dhoofee
Miyaan rooba gobo' odhan?
Gargoorkii Wajaaliyo
Geedbalaadh dushiisoo
Xarfadii is gooysiyo
Harihii gadhoodhee
Allaybaday ma gaaw baa?

Khudaartii isgooysee
Geed-deeble tiiliyo
Arabsiyo maxaa gubey?
Ma ayax guurayaa yimid?
Mise diir galgalatiyo
Gulufiyo col baa galay?
Gobka iyo galoolkiyo
Geedihii maxaa cunay?
Inta geedogaale ah
Iyo garanwaaga soo galee
Arladaadii gaasiray
Hubkii lagu gubaayiyo
Gudin maad u weydeen?

Waxan Gabiley leeyahay:

Adoo gaari wacaniyo
Geesiyada haldoorkeen
Gabashada aqooniyo
Gabayaaga koriyaan
Geyigaba ka dhoofee
Geeryaale fulayiyo
Nacas sacab garaciyo
Guulwadaha yaa dhalay??

Waxan Gabiley leeyahay

Intii geesi kuu kacay
Raggii geylanaan jirey
Ma gugaa haleeloo
Way wada gaboobeen?
Adduun waa gabaabsiye
Miyay wada gumaadmeen
Ma godkey u hooydeen?


Waxan Gabiley Leeyahay:

Intii geesi kuu dhalay
Iyo gurboodkii dambee kacay
Xaggee bay u guureen?
Ma adigaa gabnooboo
Godol yeelan waayoo
Markay gaajo dubatay
Halkii uu gudgude helay
iyo gobolada u yaaceen?

Waxan Gabiley leeyahay:

Ma roobkii ku gees maray
galacdiisii raaceen?
Dhallintii maxaa guray?
Daruurihii ku geesmaray
iyo xaggee buu gugii helay?


Waxan Gabiley leeyahay:

Geyigaan ka raagoo
Garan maayo xaajee
Gabre ina Salaasiyo
dhulka gaal miyaa yimid?
Garaadkaygii diidyoo
Ka gadoodey xaajadan!
Goobtu Gabiley weeyaan
Guri dhawrsanaayoo
Culimadu ka goohdoo
Golayaasha diintiyo
Gobonimo u soorlee
Ayaa baday gunnimadaas!

Geyigaba ka raagoo
Garanmaayo xaajee
Ma gayaan kaleetiyo
Gabre Ina Salaasiyo
Dhulka gaal miyaa yimid?

Geshash baa dagaalama
Gabdhahaa la xoogaa
Gorof xoor leh baa jira
Oo giniyaa siistaa!!
Garanmaayo xaajee
Waa maxay gunnimadani?

Waxan Gabiley leeyahay:

Habartii Gumaadee
Gabayaagii weynaa
Godka lagu janneegii
Geerideedii joogsadey
Godkii yaa ka soo faqay?
Yaa dhigay gidaarrada?
Sidii geel ayaa dhaqay?

Ninka soo gabyaayee
gurigaan ku koray iyo
Gabiley u doodoow

Taladaan gorfeeyee
Geesaha ka eegiyo
Gabaygaygii dheeraa
Haddaan soo gunaanado
Gobo'diisii waxay tahay:

U gargaara diintoo
 Guulihiin ku tiirsada

 Garashada aqoontiyo
Gacantiina maaloo
Gowskiinnu yuu baran
waxaan guunyadeeniyo
Beeraha ka soo go'in!

 Hadba wiilka geesiyee
garashadu u dheer tahay
Garabkiisa joogsada

 Hadba wiil garoocdoo
Tiisoo u gaariyo
Garabdaaq yaqaaniyo
Ninkii goojogeeliyo
Guulwadaha ha korinina!!

 Wax gumeysi bixiyiyo
Giniyaad la ururshaa
Maalmay kuu gargaaraan!
Gobonimo waxay tahay
Gacantoo la maaliyo
Xoolahoo la gaaxshaa!


Wa bilaahi At-towfiiq

 

C/llaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com