“Maalintaynu Dalka Ku Soo Noqonay Maanta Ayay Ka Qiiq Badan Tahay, Axsaabta Tartamaysaa Waa Inay Si Nabadgalyo Ah Doorashada U Galaan"
 

 

 


Xaaji Cabdi Waraabe waxa kale oo uu ugu baaqay in xisbiyada iyo ururada tartamayaa ay ku..........


Hargeysa (TNN) – Gudoomiyaha guddiga joogtada golaha guurtida Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa sheegay in doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka dhici doo nta 28 bishan November 2012-ka, ay tahay mid xasaasiya oo u baahan in ololayaasheeda l aga ilaaliyo wixii nabad galyada dalka wax u dhimaya, waxaanu xukuumada Madaxweyne A xmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo) ugu baaqay inay nabadgalyada u feejignaato, Axsa abta ku tartamaysa doorashadana dhexdhexaad u noqoto.

Xaaji Cabdi Waraabe waxa kale oo uu ugu baaqay in xisbiyada iyo ururada tartamayaa ay ku qancaan natiijada ka soo baxda codbixinta doorashada golayaasha deegaan.

Xildhibaan Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu wargeyska Haatuf wax ka waydiiyay sida uu u arko doorashada golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoomi doon ta maalinta Arbacada todobaadka dambe, ayaa waxa uu yidhi “Maalintaynu dalka ku soo guryo noqonay ee aynu Kaba la’ayn ee aynu qaawanayn maanta ayay ka qiiq badan tahay, maxaa yeelay maalintaa maynu kala lahayn mucaarid iyo muxaafid oo meel baynu ka soo wada jeednay, maantana mucaarid iyo muxaafid baynu kala nahay oo doorasho ayaa inagu soo fool leh, doorashooyinkuna dawladaha waaweyn bay gilgilaan oo kharibaan, axsaabta tartamaysaana waa inay si nabadgalyo ah doorashada u galaan oo ku ololeeyaan, waa in layska ilaaliyaa dhulka yaa leh, cirka yaa leh waa waxyaalihii aynu 1960-kii dawladnimada aynu ku tuurnay, xisbiga laga helo doorashadu waa inuu haneeyo, xisbiga guulaystaana waa inuu cadaalad ku shaqeeyo looma baahna in la yidhaahdo waa lay dhacay, waa lagu shub tay, dawladaa xisbi hebel u eexatay, ninka sidaa yidhaahdaa isagaa wax isku dhimay”

Xaaji Cabdi waraabe oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray ‘Kursigaa la cilaaqaa, ninka kursiga ku fadhiyana waa la cilaaqi doonaa ee adkaysi iyo dulqaad baa laga doonayaa ninka kursiga ku fadhiista iyo daacadnimo, xukuumaduna waa inay maalmaha inagu soo socda feejignaato oo nabadgalyada ilaalinteeda u dhug yeelato, xukuumaduna waa inay dhexdhexaad u noqoto axsaabta tartamaysa”.

Xaaji Cabdi Waraabe oo aanu waydiinay sida uu u arko xilka gudoomiyaha guddiga joogtada guurtida oo ay laba musharax u tartamayeen, balse ay xubnaha guddigoodii Sabtidii todob aadkan si ku meelgaadh ah xilkii gudoomiyaha ay isaga ugu doorteen, waxa uu yidhi “Guddi gu haday sidaa garteen aniguna diiday afkayga maaha, Sheekh Yuusuf Sheekh Madar wiil iyo waalid baanu isku ahayn inaan maanta inankii saddexaad kursi kula tartamana cimrigaa igu simay, Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar barigii halganki xoraynta dalka lagu jiray ee aanu guurtidayadu joognay Cadaroosh iyadoo diyaaraduhu na dul hee haabay aan, oo la yidhi gudoomiye aanu kuu doorano ayaa waxaan idhi Sheekh Ibraahim ayaa gudo omiye inoo noqonaya oo guurtidana hogaaminaya, reer Sheekh Madar-na nin iiga aqoon badan oo maanta jooga ma jiro”.

Mar aanu waydiinay xanta looga soo jeediyo u dhago nuglaanshaha xukuumada iyo madax weynayaasha oo lagu tilmaamo inuu gar iyo gar-daraba ku taageero, waxa uu yidhi “Arrim ahaasi waxba kama jiraan nolosha dadka ayaan la shaqeeyaa, madaxweynayaashana anigu un baa runta u sheega oo la hadla, ilaa Siyaad Barre, Aadan Cade ilaa kan maanta jooga kol ka la hor yimaado aniguun baa la hadla, balse anigu cayda ma aqaano, qofka aniga I caaya ba ma caayo oo waa ceeb, ninka masuulka ahna waxa looga baahan yahay dulqaad iyo adk aysi”.


Source:Wargeyska Haatuf