“Ma Jiro Weerar La Weeraray Guriga Wasiirka Xananada Xoolaha” Sarkaal Ciidanka Boliska

 


 

September 17th, 2010 Hargeysa (TNN) Waxa caawa fiidniimadii markay saacadu ahayd 7dii  fii dnimo qarax laga maqlayay guriga uu magaalada Hargeysa ka degan yahay wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Md Axmed Xaashi Oday. Ciidanka Booliska Somaliland ayaa marki ay tageen goobta qaraxa laga maqlayay waxay sheegeen in qaraxaasi ka dhashay ‘Boiler’ kii ama haanta biyaha kululaysa ee guriga ku xidhnaa oo qarxay.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha ayaa wakhtigan safar ugu maqan dalka Kenya, safarkaas oo ay ku weheliyan afar Wasiir oo xukuumada ka tirsan. Hase yeeshe, marwada wasiirka iyo caruurtiisi oo guriga ku sugnaa ayaa waxba ku noqon qaraxaas. Marwo Layla Cismaan oo ah marwada wasiirka ayaa mar wax laga waydiiyay qaraxaas sheegtay in qolka Bathka ee boilerku ku xidhnaa ay inyar ka hor inta qaraxu dhicin ay ka baxday. Waxay inta ku dartay in yada iyo caruurtiba ay ka badb aaden qaraxas oo cidna wax ku noqon.

Dhinaca kale saxaafadda qaar taabacda xukuumaddi dhacday ee UDUB sida Qarannews iyo  Waa heen ayaa soo qoray in guriga wasiirka la wareeray iyada oo ay sheegeen in guriga wasiirka la weerary oo u dhow guriga Madaxweynaha, ujeedadu ahayd in la weerarayo Madaxweynaha.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska oo guriga wasiirka ku sugnaa cawa fiidki aya sheegay in  saxa afad iyo shakhsiyaad faafinaya warar been abuur ah jiraan, taaso ay rabaan inay ku  waxyeeley an Qaranimada Somaliland. Isla markaana sheegay in la hubsado warka inta aanay faafin.

Gebegabadii, dhaawaca qaraxaas geystay ayaa la sheegay in ay tahay qolkii Bathka ee uu ku yaalay Boilerku iyo saqafki qolkaas saarna oo gubtay, hase yeeshe guriga intiisi kale waxba soo gaadhin.



Source: Somaliland.Org