Warsaxaafadeed
17 July
2010
Qaar ka mid ah wargeysyada madaxabannaan ee dalka ka soo baxa, ayaa
daab acay in Madaxweynaha shacabku soo doorteen Mudane , Axmed
Maxamed Max amuud (Siilaanyo) magacaabay wasiiro hordhac u ah
oo ka mid noqon doona xu kuumadda Cusub ee uu soo dhisayo.
Hadaba, waxaan caddaynayaa inaanay jirin haba yaraatee wasiiro si
hordhaca loo magacaabay ilaa hada, Madaxwaynaha la doortayna wuxuu
ku mashquulsa nyahay sidoo uu talooyin iyo afkaaro haboon uga
uruursan lahaa aqoonyahan ada kala gedisan ee qarankani
leeyahay si uu u soo dhiso dawlad kooban oo ta yo leh, dalkana
horumar gaadhsiin karta.
Gebogebadii Madaxwaynaha la dooratay waxaa uu xukuumadiisa oo isku
dhan u u soo magacaabi doonaa hadii Alle yidhaa xiliga uu xilka si
rasmiya ula wareego Qarankana uu u dhaarto sida uu dhigayo dastuurka
Qaranku, sidaa daraadeed waxaan warbaahinta kula talinayaa inaanay
iska qorin waxyaabaha mala-awaa lka ah ee laysla dhexmarayo.
Allaa mahad leh
Maxamed Cilmi Aaden
Gudoomiyaha Warbaahinta
Xisbiga KULMIYE
|