"Kulmiye Jabi Maayee Ma Carab-Weyn Mise
Culimo Kale Kee baa Loo Cumaamadayaa"Gudoomiyihii hore ee Xisbiga
Udub Gobolka Gabiley Oo Katirsan Kulmiye
Gudoomiyihii hore
ee Xisbiga Udub Saleebaan Maxamed Sheekh Saleebaan(Madaxey) oo hada
ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley, ayaa
Cambaareeyay
ololihii uu shaley Ga biley Duqeyda , kaga dhex baadi goobayay
Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis
Muxumed Samaale
Hargeysa (TNN)-Gudoomiyihii hore
ee Xisbiga Udub Saleebaan Maxamed Sheekh Saleebaan (Mad axey) oo
hada katirsan Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley ayaa
Cambaareeyay ol olihii uu shal ey
Gabiley Duqeyda kaga dhex baadi goobayay Wasiirka
Wasaarada Maaliyada Som aliland Cabdicasiis
Muxumed Samaale si ay uga qeyb galaan munaasibad uu maanta ku
qabsadey huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Saleebaan
Maxamed Sheekh Saleebaan oo la soo xidhiidhay Shabakada Wararka ee
Timacade News, ayaa cambaareyn culus dhakada ka sa arey Wasiirka
Wasaarada Maaliyada Cabdicasiis Muxumed Samaale, iyo Xubnihii
Gabiley uga dhex wadey ololaha baad i goobka duqeyda ka qeyb galaya
Munaasibada uu maanta ku qabsadey Hut eelka Maansoor, isagoo ku
tilmaamay in Wasiirkaasi sabab u yahey baaba'a Gobolka Gabiley ku
yimid Mudadii ay Xukuumada Siilaanyo talada haysey isla markaana ku
kacey cadaalad daro iyo dulmi badan oo ay u geysteen Qeybo Buls hada
ka mid ah Maamulada uu geystey Tog-Wajaale iyo Gobolkaba, sida uu
hadalkiisa u dhigay.
Gudoomiyihii hore ee Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley
Saleebaan-Madaxey oo arimahaasi ka hadl aya waxa uu yidhi.
"Waxeynu maqli jirney Aduunyada nin noolow maxaa aragti kuu laaban,
waxa ceeb ah oo aan af akaba lasoo mariyeen in Wasiirka Maaliyada
maanta kaambeyn looga bilaabo Gabiley dhexdeeda Kaambeyn odoyaal
Munaasibad u buuxiya loogu ururinayo waa xaraan maqdac ah waxaan
leey ahey ninka magaca Gabiley sheeganaya ee ninkaa raacayow ama
odey ahow ama Culimo ahow waxaad la mid tahey nin kitaab gubey
sababtoo ah waxeynu wada ognahey hadeynu Reer Gabile y nahey mudadii
Xukuumada Siilaanyo haysatey talada dalka
dhibaatada ninkaasi soo
gaadhsiiy ay Gobolka Gabiley waa ta ay maant a
Gabiley ka hooseyso Miisaaniyad iyo arimo
kaleba Gobolka Saraar, Godobta Kaliya ee aynu Xukuumad a
Madexweyne Siilaanyo u haynaa waa Cabdicasiis Muxumed Samaale,
yacnihii uma qalmo habayraatee masuuliyad iyo xilalkaasi, uu
Madexweynuhu u magacaabay mid kalena hadalkii daa,
Wasiirkii Maaliyada oo
Lacagtii Umada haya oo kaambeyn wada waa Ceeb
Qaran oo aan laga soo kaban karin waligeedna may
dhicin, waxaad moodeysay hab dhaqankiisa in uu
aarsanayo maalin walba waxaan Warbaahinta kala socdey
muwaadin dhi
baato culus ay gaadhsiiyeen Maamulada
uu geystey Tog-wajaale,
oo leh aya an kaga dacwadoo daa" Ayuu yidhi Saleebaan-Madaxey.
Waxa kale oo uu intaa ku darey hadalkiisa,."marna aadbaan u qosley
marna aadbaan u yaabey ninbaa Telefoon igula soo hadley dibada jooga,
isagoo ileh Kulmiyaa jabey baan maqlee ,ma
Cara b-Weyn mise Culimo kale keebaa loo
Cumaamadayaa, waxaan leeyahay Kulmiye jabi maayo ee dibaa la
isugu noqon, imikana waan ku celinayaa mar kaelna waan ku celinayaa
meel walbana waan ka sheegayaaye nin aan calool fiicneyn, oo aan
dulqaad laheyn oo aan dadnimo laheyn cid qaadaneysaa majirto Reer
Gabileyow na ogaada, waxaan arkey boqolaal dhalinyar ah oo ah ragii
Kulmiye dhiigooda u shubey oo intoodaba Cabdicasiis Samaale been u
sheegay, Anigu Udub aya an ahaa laakiin Doorashadii Baarlamaanka iyo
Tii Madaxtooyadaba ragaa dhalinyarada ahi wey u hagar baxeen laakiin
nasiib daro wuxu ugu abaal gud ey in uu wajiga ka qarsado oo been u
she ego, waxaan hadalkeyga ku soo gunaanadayaa reer Gabilayow dib
isugu noqda oo codkiinii waad siiseen Madexweynaha ee xisaabtama oo
ogaada intuu dib u dhacey Gobolkiinii aad ku tabacd een"Ayuu
hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.
Waa Markii u horeysey ee uu hadal Warbaahinta Mariyo Gudoomiyihii
hore ee Xisbiga Udub oo xiligan ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga
Kulmiye ee Gobolka Gabiley
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|