MAANSO , CAQLI GUDHANOO GAAGAXAW DARAN

 



Marka hore waxaan salamayaa dhammaan  Timacade Groub iyo hawlwadeenada sharafta mudan, iyo dhamaan reer soomaaliland meel ay joogaan ba.

 

 

 


Caqli gudhanoo Gaagxaw daran
Nin ka garashada Gaal shiraw diray
Gardarada badan Garab loo helay

*****

Geelaa bahal kiyo , Weere loo guray
Gabaaray iyo , Gofanena cunay
Gocashada madhan Galbis lagu rabo
Gabraar iyo tuug , Geesi laga dhigay

*****

Gurmad ka qarsoon Geed ka loo dhigay
Guuto xoog liyo Geesh kuna hor galay
Sacab geest iyo Garab laga tumay
Geenyo iyo Faras laysu soo guray
Kala guratee Maxaa lagu galay ?

*****

Shaxda galab tii, Lagu galo talo
Irmaan goor taa Oodan wada galay
Tacliin garashiyo Alif kii gabay
Gudcur iyo madaw Habeen loo galay
Gafka muuq daa Ma gaddeenaa ?

*****

Golxob muuqdoo Gacan lagu sido
Gumac lumayoo Ehel garab saday
Leeb ka goor taa Lagu ganay mulac
Qabiil goos moo Magac lagu gaday
Galool iyo qudhac Abaar loo galay
Gafka muuq daa Ma gaddeenaa ?

*****

Gayi kala baxay, galbeed iyo bari
Xeebtan gudhaneen kaluun laga guran
Ceel gun dheeroo Garaad lagu qodin
Biyo gobo loo lays ka garab maray
Buurtii golis oo Geesta laga maray
Sibidh guud kiyo iska yaal gees
Cudud gudhanoon Macadan lagu guran
Gafka muuq daa Ma gaddeenaa ?

*****

Oday guunoon Talo garanayn
Gurmad beenoon Dagaal lagu galin
Gashaan lumayoo, Sahan garab galin
Gudin xoog loo Geed ka lagu jaro
Caqli guu roon taarikh lagu garan
Galbis ceeb badan, Xumo lago galo
Gujo adagoon gacal reebayan
Gafka muuq daa Ma gaddeenaa ?

*****

Gabal dhacayoon Guri loo hoyan
Gudcur dumayoon Iftiin loo galin
Garaad dama hoo, Araggii gabay
Maskax garashiyo Caqli garab maray
Faan gabooboon, wax ba goyn Karin
Fariid gacal kiyo Gooye reeaha
Doqon garashada iska gees maray
Wiil kan guur kiyo Hablihii gabay
Haween gees kala Gurmad kaw baxay
Aabi Gurigiyo Ubad kii gabay
Hooyo gacaloon cidna garanayn
Gabal kaa dumay Ma gaddeenaa ?

*****

Gafuur been badan Xuma huun gura
Geed magooloon midha laga guran
Riyo gabanoo Orginana gabay|
Gaabanoow adhi , Geela hawl badan
Sacca geeree Gujo lagu wado
Dibi gees loo Beero lagu goyn
Awr gabwdoo Reer ka lagu guro
Gur-Gur qaad badan Awoodana gabay
Gayi roob loon Biyo loo galin
Raha goor taa dhiiqo hoos galay
Dhalan teed gudhan Gacal raad saday
Dawlad goohdoon cidi garan Karin
Gabal kaa dumay Ma gaddeenaa ?

*****

Gole baasoo, Meel xun laga guray
Nin gabooboon isba garanyn
Sharci garashiyo Raafa geesiga
Wax gumaadoo Maati lagu galo
Distoor goor taa Xumo garab galay
Dawlad magac loo shifto lagu galo
Calan gadanoo Meel kalaw galay
Gurmad baaqdoo Geed ka hoos galay
Waayeel gacaloo Gardarana wada
Galbis badanoo dhiiga lagu gado
Guri dumayoo Laga guuriyo
Calaf gudhayoo Gaagaxaa badan
Anna goor taa isma garan karo
Geeliiyoo dhacan Gurmad maan hurin

*****

 

 

 

Abdulkhaliq Mohamed