MAANSO BAROORDIIQ AH OO KU SAABSAN GEERIDII A.H.U.N. M ARXUUM ABWAAN MAXAMED XAASHI DHAMAC (GAARRIYE)
 

 

 

 

Geeridu markii ay
garanwaa haleeshiyo
markay geesi qaadaa
dareen gaara weeyee
ma galbaday abwaankii
geesigii miyuu baxay
GAARRIYE ma jiitoo
ma god galay halyeygii
ina Xaashi miyu go'ay
gaadh buu ahaa adag
bulshadu ay ku gama'doo
gaashaan buu ahaa bira
geestiisa loo biqin

******

indheer-garad wuxu ahaa
garasho dheer lahaayow
ma gabbade wuxu ahaa
runta weligii gees marin
garyaqaan wuxu ahaa
dhibbanaha u gargaaree
Geeridu xaqweeyoo
NINBA GOOR AY NOQOTABA
Godka lama huraayee
goobtuu banneeyaan
mala goconayaayow
garasho dheeridiisii
mala goconayaayow

******
galilyaa jidhkeygii wada gaadhay maantee
Taariikhdu waa ma guurtee
diinwaan ayuu galay
Magaciisii muu go'in
murtidiisi ma ay gudhin
GAARRIYE ma uu dhiman
kamu guurin xiskeennii
gal dahab buu ku qoran yahay
aan soo gaabsho hadalkoo
gunaanado dhambaalkee
Gargaar kale ma hidin karo
duco ila gudboonoo
galabta aan awoodee
Guullow Allahayow
u waasici godkiisoo
kuwa gelaya Fardowsee
Geeshkii rasuulka ah
GAARRIYE ka yeelow
Galladdaada ugu deeq
Aamiin Aamiin Aamiin

******

 

 

 

Cali M. Aadam (Cali Xaruuri)
Waxa tiriyey Cali Xaruuri 01.10.2012