La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha iyo Maal ga shiga Mustashar
Axned Carwo iyo hanbalyada ciidda.
Allaahu Akbar ,Allahu Akbar, Allahu Akbar. Waa dhawaaqa maanta ka
yeedhaaya daaf aha dunida oo dhan. Dal Islaam iyo mid gaalba. Ma jiro
dal aan dhawaaqaasi ka baxayn. Waa nimco balladhaan iyo guul Alle.
Waa ciidii soonfur oo ka dambeysay bishii quraanka bishii soonka ee
ramadaan. Ayaamo kheyr iyo barako oo is barkaday.
Ciid mubaarak dhammaan ummadda Islaamka. Ku ciida caafimaad, ku
ciida akhlaaq waca n iyo dhaqanka Islaamka. Isu duceeya isa saamaxa,
isu naxa, is gargaara, miskiinka iyo inta baahan caawiya. Allow
dabka ka baxaaya dunida Islaamka Allow bakhtii, Allow nabad iyo
naruuro ku soo dabaal. Allow madaxdooda ku toosi xaqqa, kana leexi
dulmiga iyo qalooca. Allow tubta toosan nagu hagaaji.
Soomaaliland shacab iyo xukuumad, rag iyo dumar, caruur iyo ciroole,
miyi iyo magaalo iyo Soomaalida kale dhammaan iga guddooma salaanta
ciidda iga guddooma hanbalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah, ciid
mubaarak, ku ciida caafimaad, ku ciida nabad kuna ciida barwaaqo iyo
naruuro, mustaqbal wacan iyo if iyo aakhiro san.
Ahmed I Arwo |