La-taliyaha Madaxweynaha ee dhaqaalaha iyo Ganacsiga Axmed Carwo oo tacsi u diraaya ehelka Marxuum Cali Xasan Ibraahim iyo Wali Sheef

 


Waxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta
marxuum Cali Xasan Ibraahim
oo lagy aasay maanta 1/04/2014 magaalada Hargeysa iyo xabaalaha Xeedho.
Marxuum Cali Xasan waxuu ahaa nin ku hawlana arrimaha horumarinta bulshada degaanka Hargeysa isagoo ahaa Guddomiyaha Guddiga Golaha Degaanka intii doorashada ka horeysay ka dibna noqday xildhibaan Golaha degaanka Hargeysa ee hore. Cali waxuu ahaa nin ehelu diin ah af gaaban, oon waqti kaga lumin xan iyo sheeko, nin gacantiisa iyo afkiisu laasimeen tasbiixda.

Sidoo kale waxaan tacsi u diraya ehelka iyo asxaabta Wali Sheef Xandule oo isna maanta lagu aasay Hargeysa, xabaalaha Naaso Hablood.

Waxaan Ilaahay uga baryaya labada marxuum inuu ku abaal mariyo dambi dhaaf iyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla janatul-fardaws, ehel iyo asxaabna inaga yeelo kuwa laasima samir iyo duco. .

Inaa lilaa wa inaa illeyhi raajacuun.


Axmed Xasan Carwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha
Ganacsiga iyo Malgashiga


http://samotalis.blogspot.com/