Waa maanso la magac baxday , Lafta  Toobin  Ha Saarin

 

 

Marka hore iga gudooma salaan qiimo leh dhamaan Timacade Media Group, iyo hawl-wadeenada shara fta iyo qiimaha naga mudan. Waxaan salaamayaa dhamaan reer Somaliland ka dhabta ah, ee jecel jirit aan keena. Halkan waxaan ku soo lifaaqay maanso la magac baxday ( LAFTA TOOBIN HA SAARIN),wax ayna ka hadlaysaa Dalkeena iyo waxa maanta socda, ee ah midi midi ku taag, taasoon danna u ahayn Dal iyo Dad toona, marka waxa maansado bixinaysaa tilmaan iyo toosin badan, cid gaar ahna ulama jee do , ee bal ila yara eega, idinkoo mahadsan.



 


Waa tilmaan iyo Toosin
Talo reer lagu beero
Oo tiribiico kaa saarta
Turuq wayn ma shaqeeyo
Caqligaa talinaaya
Ka tagaaya xumaanta
Toojo weel ha ku maalin
Toorin geela ka daa
Ha tigraarin wanaaga
Lafna toobin ha saarin
Ma Tagaayo xanuunku
Aduun tiigsan xumaanta
Ka taalibin wanaaga
Cafimaad ku tiraaba
Isla toosiya Beesha
Tilmaan fiicana doona
Waa tabaalo adduunyo
Mana toosto dhamaan
Tobankii lama gaadhin
Mid baa meel lagu tiirshay

*****
Waa tilmaan iyo toosin
Talo reer dhaqanaysa
Lagu tiirin wanaag
Taaha maanta baxaaya
Tawsta Reeraha heertay
Mid ma taagi karaayo
Hadaydaan isla tiirin
Oo tabaabusho keenin
Mid baa jeexi tubtiiye
Toobiyaaba ka leexan
Tagan oon la karaynin
Tahan uun dhabo roora
Tiisiina ka leexaday

*****
Waa tilmaan iyo toosin
Wa taabaalo adduunyo
Ma tarmaayo wanaagu
Rag baa toosin karaaya
Talo saara Ilaahay
Tiisa aan laga maarmin
Tu kaleetaba daa
Isu taaga wanaaga
dhulka taakada saara
Tacabkii isu geeya
Turuqiina dhaqaaja
Tafaha wada xayta
Tagoogaha isa saara
Risiqiina ku taama
Soo Saara waxa tuulan
Dhulka hoosena tiigso
Tamartiina caddeeya

*****
Waa tilmaan iyo toosin
Talo weeyi Nin wayne
Ragga tuuray dhibaato
Samadaa kuwa tiigsan
Heedhe maalin tasoobin
Caqli baa la tacaalay
Qof ka tuurta la saaray
Kaa tagoogaha belay
Kaa xanuunka la taaha
Mid caqligii laga tuuray
Looma tag heli waayin
Talo weeyi rabaani
Dadku waa isku tage
Midna taako ma dheera
Ha tawaawicin goortan
Ilaahay tiisa la beegso
Gaalku maaha tilmaane
Meel kalaa lagu tuuri
Isagaa tiisu dhamaatayoo
Naar baa taala hortiisa
lagu tuuri dhamaan

*****
Waa tilmaan iyo toosin
Toobinkii laf ha saarin
Hana tuujin Dadkaaga
Ha tagoorin Nin diiday
Inuu taa kula raaco
Wadaag weeyi tilmaantu
Tablekeena aqoon ta
Talantaali ha goyninoo
Ha tuurin sujuunta
Isagoon dambi taaban
Hana tuurin cadaalad
Sahrcigeena ha toogan
Haku tuurin gudaafad
Taagtaada ha dhaqaaqin
Caqli tiirshana raaci
Tafan toofka ilaali
Yaan laguu tabin Beenta
Oon laguu tumin daasad
Tabashaa Dalka buuxda
Tagoogahay qaarka jabeen
Qaar baa tuugsan karayninoo
Qaarbaa xanuunka la taaganoo
Tahlinaynin awoodba
Qaar baa toodi la laalay
Wiil yarbaa tunka saaray
Taladii ka xumeeyay

*****
Qaar baa tuugta la weela
Taajir kaa ku qadhaabta
Xumaan tuula agtooda
Tuhunkuna ka dheeryay
Toob caaro uun ku hagoogan
Taar kaagu ma gaadho
Toban baa ka horeeya
Sharci beena hor taagan
Adna aanad tabaynin
Tooda hoos u qodaaya
Kolba been ku tusaaya
Habeenkii dhib tolaaya
Jeebkoodun ku tuntuunsan
Tu kaloo dhanba daayay

*****
Waa tilmaan iyo toosin
Dadkii taajka ku saaray
Kula taabay adduunyo
Tacab xoog leh sameeyay
Caruurtoodi taseeyay
Suuqa tuugsada maanta
Hadaad tooda hilmaantay
Oo Tuludoodii cid ku soortay
Adigoo ku tilmaaman
Ilaahay taana ma mooga
Tusmadaa wuu arkayaa
Waana su’aal taala hortaada
Hooyadii toban wiil
todobi hore u dhinteen
Xabaashu taalo horteeda
Seddexdiina tageenoo
Tahriib Dooni u raacay
Isku tuuray badaha
Adigaa ku tilmaaman
Ilaahay taana wuu arakaya
Tusmadaa wuu arkayaa
Waana su’aal taala hortaada

*****


wa bilaahi tawfiiq

 

 

Abdulkhaliq Ali
Saudi Arabia