Xisbiga KULMIYE Oo Maanta Soo Bandhigay Barnaamijkiisa Siyaasadeed Ee Dalka Ku Hogaamin Doono Hadii Uu Ku Guulaytso Doorashada Madaxtooyada Somaliland

 


 


Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ayaa maanta soo bandhigay barnaamij-siyaasadeedkiisa, haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada Somaliland ee la filayo inay sannadkan dalka ka dhacdo.


Hargeysa (TNN)-Munaasibad ballaadhan oo Xisbiga KULMIYE maanta ku qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo ay ka soo qaybgaleen boqollaal qof oo isugu jira Masuuliyiinta sar-sare ee Xisbigaas, Xildhibaannada Golaha Wakiillada kaga jira Xisbigaas, Golaha dhexe iyo  dadwe yne tira badan oo ka mid ah taageerayaasha KULMIYE. Waxaana khudbado dhaadheer ka  jeediy ey Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, qaar ka mid ah Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbigaas iyo  Xildhibaa nno, Sidoo kale, waxa ka qaybgalay Salaadiin, Cuqaal, Abwaaniin, Culima-udiin, Fannaaniin, Xubno ka kala socday Hay’adaha Caalamiga ah ee dalka ku sugan, kuwa waddaniga ah iyo Ururrada Bulshada.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa xafladdaas ka akhriyey khudbad qoraal dheer oo uu sharraxaad kaga bixiyey barnaamij-siyaasadeedka  Xisbigi isu dalka ku hagi doono haddii uu talada dalka ku guulaysto doorashada soo socota. "Haddii  Eeb be idmo oo la ii doorto Madaxweynaha dalka doorashada soo socota, waxaan ballan-qaadayaa inaan caddaalad iyo sinnaan ku hogagaamin doono dalka, ma noqon doonno sida Xukuumadda  m aanta talada haysata kuma mashquuli doonno lacag urursi, hanta buub, dhul iibsi iyo dillaalnimo. Waxaannu ka shaqayn doonnaa horumarinta siyaasadaha arrimaha gudaha iyo dibadda, waxaa nnu ka shaqayn doonnaa horumarka dalka iyo dadka, xidhiidhka caalamiga ah iyo guud ahaanba dhinac kasta oo horumar ah," ayuu yidhi Siilaanyo.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, Md. Siilaanyo, waxa uu sheegay in haddii uu doorashada Madaxweyna-nimada inuu soo dhisi doono Xukuumad tira yar oo tayo badan, waxa ana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi, "Kulmiye waxa haddii uu guulaysto soo dhisi doonaa dawlad tayo leh oo tiro yar oo saacado kooban shaqaysa. Waxa aannu wax ka qaban doonnaa tayaynta iyo horumarinta Ciidamada Qalabka sida, kobcinta dhaqaalaha, la dagaallanka  sabooln imada, horumarinta haweenka, dhalinyarada, ciyaaraha iyo wixii la mid ah. Sidaas ayaa naga ballan ah oo haddii aannu guulaysanno nagula xisaabtamaysaan walaalayaal."

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed  Sam aale, oo isna Munaasibada ka hadlay ayaa si wayn uga hadlay mushaakilaadka ka jira dalka iyo maamul xumadu saamaynta ay ku yeelato shacabka marka ay ku badato "Marxaladan adag ee maanta Somaliland marayso waynu u baahnayn waayo marka aad wanaag hesho ayaa qiimihiisa garanaysaa." ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray " xukumada maanta jirta in laga hadlo oo la soo qaado ma mudna, waayo dadku way arkeen.

Guddoomiye ku xigeenku, waxa uu ILAAHAY ka baryey inuu xisbiga KULMIYE ka dhigo mid umaddu ku nasato "ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu KULMIYE ka dhigo kiilagu nasan lahaa, waayo  ink asta oo dulmigu shaqeeyo oo la dulmiyo umad aan dulmi u qalmin haddana way ka kacdaa." ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu sheegay in aan loo baahnayn in la yidhaahdo hebel hebel ku badal balso loo baahan yahay in guud ahaan nidaamka la badalo.

Waxa iyaguna Xafladdaa ka hadlay Masuuliyiin tira badan oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha  Xisb iga KULMIYE, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen, jagada madaxweyne ku-xigeenka KULMIYE  Cabdira xmaan Ismaaciil Cabdillaahi (Cabdiraxmaan-Saylici), Fu’aad Aadan Cadde iyo xubno kale oo fara badan. Dhammaantood waxay ballan-qaadeen barnaamij-siyaasadeedka Xisbigu soo bandhigay inay kaga dhabayn doonaan, isla markaana haddii KULMIYE waxa uu ballan-qaaday kaga dhabayn waayo, ay dhalliilihiisa farta ugu fiiqi doonaan, sida ay maantaba u muujiyaan dhalliisha  Xukuu madda Madaxweyne Rayaale ee talada dalka haysa wakhtigan.

Xisbiga KULMIYE ayaa in ka badan 700 oo qof oo taageerayaal ah, u qaybiyey Buug ka kooban 57 bog oo lagu daabacay barnaamij-siyaasadeedka KULMIYE.

Source
sdwo