Rag Madax Ka Ah KULMIYE Ayaanu Afkooda Ka Haynaa Inay Inqilaab Wadaan Oo Ay Leeyihiin Burco Aynu Dawlad Kaga Dhawaaqno 6-da April .. ”  Talaabo

 

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Yuusuf Ciise Talaabo, oo aan dhawaanahan is-bedbedalka siyaasadda ka hadal, ayaa maanta Xisbiga Mucaaridk ah ee KULMIYE ku eedeeyay in uu Iqilaab samaynayo, isla markaana ku hawlan yahay sidii Xukuumad Burco uu ugaga dhawaaqi lahaa 6-da April oo ku beegan Xuska maalinta Ururkii SNM.

Wasiir Ku-xigeenka Cadaaladda Mr. Talaabo waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Huteel Imperial ee Magaaladda Hargeysa, isaga oo Xisbiga KULMIYE ugu hanjabay inaan haddii ay isku daygaas ka waantoobin aanu sii jiri doonin, inqilaabka uu wadaana fashilan yahay, haddii aanu joojinna lagu qaadi doono Sharciga dunida uga yaala inqilaab fashilmay. Waxaanu ku hanjabay in dalka lagu xukumi doono Sharci deg-deg ah. Waxaanu sheegay in qaladaad badan oo dhinicii diiwaan-gelinta ka dhashay qayb ka yihiin dib u dhaca doorashada Madaxtooyada.

Wasiir Tallaabo waxa uu sheegay in muran Xisbiyada dhexdooda iyo Komishanka ka abuurmay ay dib-u-dhaca doorashada Madaxtooyada qayb ka ahaayeen. Taasina ay sababtay in Guurtida go’aan aan loo dhamayn Komishanku u gudbiyay, halkii awalkii hore wax loo dhan yahay loo gudbin jiray. Waxaanu intaa ku daray in ay Golaha Guurtidu guteen wajaabkii dalka iyo dadka ka saarnaa, oo ay muddo-kordhin Sharciya sameeyeen.

“Waxa kale oo aynu isticmaalay wax caadadeena noqday oo aan ceebteena ahayn, ceebteeda dambena aan cidi qaadanaynin, taasoo ah loolan doorashada ka horeeya oo had iyo jeer aynu Tabco-gudeed iskula wareegayno oo Xukuumaddiiba inaan doorasho lagu ridin ee horteed la rido oo la cimri-dedejiyo, Sharciga galdaloolo laga eegto. Waxba layskalama hadhin, KULMIYE ayaan wax iskala hadhin, Xukuumaddaan wax iskala hadhin, waxay noqotay Odayaashii halkaa fadhiyay inay qoloba wax ku shubato, oo ay noqotay markii ugu horeysay ee ay aad u kala dilaacaan, yeelkeeda maadaama ay fulinta arrinta iyagu lahaayeen go’aan bay soo saareen aqlabiyad ah oo mudda-kordhin ayay sameeyeen.” Sidaa ayuu yidhi Tallaabo.

Wasiir Ku-xigeenku waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi, “Kordhintaasi waxay abuurtay Cumuq-cumuq badan, hanjabaad iyo 6-da April dawladi iyo sidii Maadagastar ayaynu ciidamada kicinaynaa iyo Burcaynu dawlad ka dhisaynaa, wararkaas ayaa suuqa ku jira, wararkaas aan idin leeyahayna waa warar xogogaal ah oo rag ka Madax ah Xisbiga KULMIYE ayaanu ka haynaa. Waxaas oo dhamina waxay ka soo wada horjeedaan Shuruucda innoo taalaa oo dhan, waxay ka soo horjeedaan dantii aynu lahayn, qarannimadii iyo ictiraafka aynu doonayno. Annagu haddaanu Hay’ad Sharci nahay hadalkaa waxaan leeyahay yaan loo noqon.”

“Kii maalintii dhawayd laysku dayayna inqilaab qarsoon buu ahaa sidii Guddoomiyaha UCID sheegayay, caqliga dadka la xadayoaa oo la laaluushayo, waayo waxba inagama qarsoona ee korwaayeel waa wada indho, kan hadda ragga qaarkii aanu afkooda ka hayno ee Burco dawlad aan ka dhisanana, ka sii daran, ujeedadii dadkana way ka soo horjeedaa, far cadaw bay u eekaan kartaa, dambi bay dhali kartaa, ninka isku daya taas waa nin inqilaab dhigay oo kale, hadday u marto dee waa meesheeda, hadday u mari waydo-se waxa ninka inqilaabka sameeya waxa lagu sameeyo ayaa lagu samaynayaa, waa la xidhayaa, dil baa lagu xukumi karaa, waa nin inqilaab fashilmay ka shaqeeyay oo kale, hadduu intuu dadka kiciyo ay u suurtageliwaydo.” Ayuu yidhi Tallaabo.

“Xaaladahaa aan ka sheekaynayo ee imika sheekada ku socdaa hadday ficil isku bedalaan oo ay fashilmaan, cidda waddaa ee intay waxaas ku kacdo ku fashilantaa wixii inqilaab fashilmay lahaan jiray ayay leedahay. Sidaa awgeed waxaan Annigu uga digayaa ragga waxaa ku nayaayiraya ama si furan u odhanaya, inay tahay qalad wayn oo khafar ah, inqilaab fashilmay ayuu noqonayaa, cidda ka dambaysa oo dhan ayaa la qabanayaa, qawaaniintii ayuu dulmarayaa ninka inqilaab sameeyaa, dabadeed, isagiina waa lala dulmarayaa aakhirka. Sidaa darteed, waxaan ka digayaa in falalka ka soo horjeeda go’aankaas Golaha Guurtida oo Dastuurkeena raacay. Wixiii kale ee ka soo horjeedaana waa qaran-dumus, qaran-dumisnimadana in laga fayoobaado ayaan jecelahay, addiga oo wax wanaagsan dodaya inaad wax xun ku bedashaana waa balaayo, addiga oo qabaw ku tartami karana inaad tidhaahdo is-bedal doon baan ahay oo meeshaba waan rogayaa waa qalad.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay oo uu yidhi Yuusuf Ciise Tallaabo.

Wasiir ku-xigeenku waxa uu sheegay, haddii aan nabadgalyada laga wada-shaqaynin in khasaare qaran oo balaadhi iman karo, isaga oo taa ka hadlayana waxa uu yidhi, Wasiir Ku-xigeenku. “Dawladaa sidaa lagu ridaa way adag tahay, laakiin khasaare qaran oo balaadhan ayaa ka dhalanaya, sidaa daraadeed, nabadgalyada hala wada illaaliyo, oo Shacbiga la kicinayaw iska illaaliya, siyaasiga inqilaab ku fikarayawna ka noqo, Xisbi dambe ayaanad gali doonin, oon jiri doonin, burbur baa iman doona, dimuquraadiyad baan jiri doonin, Saxaafad baan jiri doonin ee xaalad deg-deg ah ayaa lagu xukumi doonaa dalka wax lagu dili karo, waxna lagu xidhi karo, oo waxba ma jiri doonaan, haddii waxaas lagu talaabsado, Annigu si Sharciyan ah ayaan arrintan uga hadlayaa.”

Yuusuf Ciise Talaabo, mar uu ka hadlayay Xuska maalinta SNM-ta oo ku beegan 6-da bishan April, waxa uu yidhi, “Waar horta SNM waynu wada ahayn ee waxan ninka dibada joogaa SNM ugu murmaa maxay tahay. 6-da April maalintii SNM ayaa la xusayaa nin kale oo tarabal keeni karaana ma jiro, Nin SNM adeegsanayaana ma jiro, nin gaar u lihina ma jiro, nin waliba maalintii uu SNM yimi waynu isgaranaynaa oo isaga oo dhuumanaya ayuu yimi, SNM-na Somaliland ayay dhashay, waanay jirtaa oo Xukeedii bay qabsanaysaa, ee ninka leh maalinta 6-da April dawladi ma jirtooy, meel ay SNM ku gudoonsatay in dawladnimada la laalo ma jirto, waa qarda-jeex, waa qaynuun-darro, waa sharaf-darro, markaa ragga leh lilxda April dhibaa dhacysa, waxaan leeyahay 6-da April waa maalin nabadgalyo oo taariikhdeeda iyo xukeeda loo balamay iyo in quraan iyo ducooyin loo akhriyo raggii ku dhintay. Markaa ninka leh 6-da Aprilaw haddaad doonayso inaad qaladaad samayso maalin kale u balan oo u dhigo.”

Waxa uu sheegay Wasiir Talaabo in Xisbiyadu dadweynaha kaliya xaq ugu leeyihiin inay cod waydiistaan, ka dhex ololeeyaan, laakiin go’aanka hawlaha doorashooyinka Komishanka ayaa iska leh. Waxaanu qayrul-sharci ku tilmaamay in dawladda ay qabato cid aan doorasho ku imaninia. Isla markaana waxa uu xisbiga KULMIYE KU eedeeyay in waraaqo uu u gudbiyay hay’adaha Ajanabka ah ee dalka ku sugan, kuwaasoo loogu sheegayo in aan dalka deganansho ka jirin. “Waxaan leeyahay qaranimadii loo soo dhintay ee loo soo halgamay ma sidaas ayay u hawl-yaraatay, oo dhex haloo hayo, 6-da April ka dib ma jirayso. Ma dawladaha inna leh ma jirtaan ayuu la safan yahay mise Madaxweynenimo ayuu dalka ka rabaa, waar waddanka waa loo soo halgamay, loo soo dhintay, oo halgankii hore waxa ka sii dheer halganka maanta soconaya.” Ayuu yidhi Talaabo. Waxaanu Mucaaridka u soo jeediyay, in ay go’aanka Guurtidu haddii dhinaca kale ee inaan muddo-kordhin la samayn ay ku qanci lahaayeen, sidaa daraadeedna, waxa uu u soo jeediyay in haddii go’aanku dhinicii kale u dhacay ay ku qancaan.

 


Hadhwanaagnews