KuLAMO LAGU DHAQAAJINAYO JAAMACADA AY YEELA YNAYSO GABILEY OO KA KALA DHACAY TOG -WAJAALE ARABSIYO IYO LACAGO HALKAAS LAGU GUDOOMAY

 

Waxaa  magaalooyinka Tog-Wajaale iyo Arabsiyo , ee ka tirsan Gobolka Gabiley, lagu qabtay kulamo baladhan, oo dhaqaale loogu  ururinayey Jaamcada Timaca dde ee Gobolka Gabiley,oo haatan dhismaheedii  faraha lagu hayo.


Kulamdan Jaamacadda dhaqaalaha loogu ururnayey,oo ay soo qaban qaabiyeen
Maamulka Gobolka Gabiley,ayaa waxa ka soo qaba galay:

-Wasiirka Wasaarada Arimah Gudah  Somaliland,Mudane C/Laahi Ismaaciil Cali (Cirro)

-Wasiirka Madaxtooyada Somaliland,Mudane Aw Nuur Aamiin Ismaciil

-Wasiiru  Dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud Iyo Guriyeynta Somaliland,Muda ne Xirsi Aw Cabdi Sheikh

-Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed

-Badhasaabka Gobolka Gabiley,Mudane Maxamed Axmed Aw Cabdi  (Xabiib)

-Guddoomiyaha Golaha Degaanka Gabiley,Mudane Aadan Maxamud  Bade

-Guddoomiyaha Degmada Tog-Wajaale,Mudane Cumar Aadan Qaasaalii

-Aqoonyahano ka socday Jaamcada Camuud ,oo uu hogaaminayey Professor  Saleebaan Axmed Guuleed

-Qoraaga  Boobe Yuusuf Ducaale

-Cuqaal iyo ganacsatada Gobolka Gabiley iyo qurbo joog aad u tiro badanaa

Waxaa   kulamadaasii lagu qabtay Tog-Wajaaleug  iyo Arbsyo, hadallo kooban ka soo jeediyay,Wasiirka Waasarada Arimah Gudah S/Land ,mudane C/Laahi Ismaaciil Cali ( Cirro),oo si gaar ah uga  hadlay, inay  maamul ahaan ay diyaar u yihiin wixii waxa qabada ah ee Jamacaddu u baahato.Waxaa kale oo uu wasiirku dadwaynaha reer Gabiley ugu baaqay, in ay kaalmo laxaad leh ka gaystaan Jaa macada Gobolka Gabiley .


Waxaa kale oo isna madashaa ka hadlay, Badhasabka Gobolka Gabiley Maxamed Axmed Aw Cabdi, oo mahadnaq balaadhan u soo jeediyay madaxwaynaha JSL, Mudane Daahir Riyaale Kaahin, oo uu badhasaabku yidhi waxa uu madaxwaynu Jaamacada Gabiley ku bixiyay digreeto,waxanu badhasaabku tilmaamay in ay Jaamacada Gabiley tahay jaamacadda labaad ee lagu bixiyay digreeto  Somalila nd oo dhan.

Waxaa kale oo uu mahadnaq balaadhan u soo jeediayay, jaaliyada reer Finland , oo iyagu waxtar ka gaysatay jaamacada ,una diyaariyay gaadhigii lagu hawl gal i  lahaa ee aay Jaamcada Gabilay yeelato .

Waxaa iyaguna halkaasi hadala ka soo jeediayay , Wassiirka Madaxtooyada So maliland iyo Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan iyo aqoonyahano ka soco day Jaamcada Camuud oo dhamaantoo bulshada reer Somaliland iyo Jaamacad aha reer somalilanba ugu baaqay in ay kaalmo laxaad leH ka gaystaan Jaamaca da  cusub ee hadda la dhisayo.



Ugu danbayntii, intii ay kulamadaasi socodeen , waxa iyagu deeqo lacago ah ku wareejiyay maamulka Gobolka, qurba joog ka soo qayb galay kula madaasi iyo ururada bulshada ee reer Tog-Wajaale , gaar ahaan Ururada Muruq Maalka ah ee reer Tog-Wajaale .

Waa markii ugu horaysay ee kulama noocan oo kale ah, lagu qabto degmada  Tog-Wajaale iyo Arabsiyo.Iyada oo aad ku arkaysay fagaaraha ay kulamadaasi ka dhacayeen, dadwayne aad u tiro badan oo soo xidhay meheradiihi ganacsiga


 

 

Weriye Nimcaan Dheeg Ibraahim
Longlivesomaliland News Desk
Gabiley Somaliland