Ku: MADAXDA JAAMACADAHA SOMALILAND

 

 


Waxa caado u noqotay madaxda jaamacadaha inay xafladda qalinjebinta ay ku martiqaadaa n hoggaamiyayaasha siyaasada ee dalka. Hoggaamiyayaashaas oo xaflada ka dhiga muran siyaasadeed, oo farqiga iyaga u dhexeeya, istixgelin laáantooda iyo is nacaybkooda halkaa ku soo bandhiga.


Waa nasiib darro ah in ubaxa dalka u soo kacaya lagu abuuro nin nacayb, kala qaybsanaan, gobalaysi iwm. Kama hadlaan mustaqbalka dhalinyarada qalin jabisay iyo wixii loo qorshayn lahaa. Siyaasiintu waxay qalinjebinta u arkaan fursad ay fikirkooga qaybsan ee siyaasadee d, xisbi - xisbi isku weerarkooda iyo is nacaybkooda ku soo badhigaan.



Eedda iyo qaladkan waxa iska leh madaxda jaamacadaha ee soo marti qaadaysa nimankan.
Waxaan ka codsnayaa hormoodka jaamacadaha inaan siyaasiin la soo casuumin. ee la soo martiqaado aqoonyahannada iyo waxgaradka umadda. Tusaale ahaan: Hadraawi, Gaariye, Xasan Ganay iyo aqoonyanno kale oo ka madaxbannaan siyaasad xisbiyeedka iyo doco docaynta.


Kuwaasi oo ka hadli doona: waddaninimada, taariikhda umadda, cilmiga, mustaqbalka iyo waayaha adduunka. Waxa loo baahan yahay wax ardayda waxtar u leh, oo u tilmaamaya dariiqa adag ee nolosha.

WSC,
 

 

 

 

Ayanle Xuseen
ayanle_60@hotmail.com