Kooxda Fc Dhoobo oo u awood sheegatahay kooxda Gaashaan ee Gabiley

 

 :

Gabiley(Longlivesomaliland News) Ciyaar Xiiso badan oo maanta ka dhacday Garoonka kubada cagta ee Gabiley ayaa waxay ku dhex martay labada kooxood ee ah Gaashaan iyo dhoobo, ciyaartani oo ka mid koob loogu magacdaray Mujaahidkii waynaa ee alle ha unaxariistee Mujaahid Mahdi cali.

Ciyaartaasi oo ahayd ciyaar aad uxiiso badan oo soo jiidatay dadwaynihii daawanayay ayaa waxa ku bilaabantahay jawi wanaagsan iyada ay labada kooxoodba muujiyeen ciyaar wanaag iyo degenaansho.

Ciyaartaasi oo aad uxiiso badnayd ayaa Guushu ku raacday kooxda dhoobo oo kaga awood roonaatay kooxda Gaashaan 3-1 halkaasi ay Guushu ku raacday Kooxda Dhoobo.

Kala soco ciyaaraha koobkaasi Mujaahid Mahdi Cali Shabakadda wararka ee Longlivesomaliland News.




Nimcaan Dheeg
Longlivesomaliland News Desk
nimcaan@longlivesomliland.com
Gabiley Somaliland