Mudanayaasha Golaha Wakiilada ooy cod aqlabi yad ah ku ansixiyey Xu bnihii cusbaa ee Ko mish anka Doorashooyinka Qaranka Somaliland

 

Hargeisa (Longlivesomaliland news)Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada  Somal iland ayaa Mudanayaasha Goluhu ay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen Xubnihii cusbaa ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Fadhiga maanta oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada  Somalil and C/raxmaan Maxamed Cabdillahi (Cirro) ayaa waxa ka soo xaadiray 66 Mudane.


Jawiga maanta aad u daganaa, waxana Mudanayaasha ka hor halkaasi  warbix in dheer uga jeediyay Guddoomiyaha Guddi Hoosaadka Golaha Xildhibaan Saciid Cilmi Rooble isaga oo Mudanayaasha ka codsaday in ay ansixiyaan mar hadii ay buuxiyeen shuruudihiii guud ahaanba laga rabay.

Intaa ka dib Guddoomiyaha Golaha ayaa mudanayaasha ka codsaday in ay  an sixayaan. Mudnayaasha dhammaantood waxa ay cod aqlabiyad ah ku  anisiye en mudnayaasha cusub. Guud ahaanba 65-kii Mudane ee fadhiyay ayaa Haa ku ansixiyay ma jirin cid diiday iyo cid ka aamustay toona guddoomiyuhuna ma codayn.



Fadhigii Maanta ee Golaha Wakiilada Somaliland oo si rasmi ah loogu ansixiyay Xubnihii cusbaa ee Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa ahaa mid  bar yahan la sugayay. Mudanayaasha Goluhu waxa ay ku maqnaayeen Fasaxoodii caadiga ahaa. Hasa ahaatee, si ay u ansixiyaan ayaa ay u balameen in ay  isku gu yimaadaan fadhi aan caadi ahayn.

Maalintii uu Madaxwayne Rayaale u soo gudbiyay Golaha, Xubnahan cusub  ay aa Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu uu Mudanayaasha ku war galiyay in ay  is ugu yimaadaan fadhi aan caadi ahayn si ay u gutaan waajibaadka Dastuuriga ah. Waxana Guddoonka Wakiiladu uu u gudbiyay Guddi hoosaadka Arimaha  Gu daha ee Golaha si ay u hubiyaan Xubnaha cusubi In ay buuxiyeen guud  ahaa nba shuruudaha uu Dastuurku ka rabo cida ka mid noqonaysa Komishanka  Do orashooyinka. Waxana warar ka soo baxayay Gudida Arimaha Gudahu ay  she egayeen in ay dhammaantood buuxiyeen Shuruudihii laga rabay.

Hasa ahaatee, warar aan sugnayn oo ka soo baxayay Mudanayaasha ayaa  sh eegayay in ay diidi doonaan mid ka mid ah Seddexda Xubnood ee uu wato  Ma daxwayne Rayaale oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Xirsi. Iyada oo  war arkaasi ay sheegayeen in sababta ay Mudanayaashu u diidayaan ay tahay  Ni nkaasi oo ahaa imika ka hor Mid ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Udub, waqtiga asina uu ahaa kuwa ugu af xun Xisbiyada Mucaaridka ah sidaasi daraadeed ay Mudanayaasha Mucaaridka oo Golaha ugu badanina ay maanta ka aarsan doonaan.

Waxana arintaasi ay waxba kama jiraan noqotay saaka markii ay  Mudanaya ashu cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen guud ahaanba Tododabdii Masuul.
Fadhiga Maanta oo ay ka soo xaadireen 66 Mudane ayaa 65 Mudane oo ka mid ahi ay Cod Aqlabiyad ah ku ansixyeen.

Masuuliyiinta cusub ee ay ansixiyeen ayaa ahaa kuwa ka kala yimid Guurtida Xisbiyad Mucaaridka ah iyo Madaxwayne Rayaale.

Labada Xubnood ee ay Guurtidu soo Magacawday ayaa kala ah:

1. C/raxmaan Maxamed Ismaaciil. Waxa uu dhashay 1958-kii. Waxaanu ku dhashay Magaalada Hargeysa.

2. Raabi Shariif Cabdi. Waxa uu dhashay sanadkii 1965-dii. Waxaanu ku dhashay Magaalada Dhahar ee Gobolka buuhood

Xubnaha Madaxwayne Rayaale uu soo Magacaabay:

1. Maxamed Axmed Xirsi. Waxa uu dhashay 1953-kii. Waxaanu ku dhashay Magaalada Hargeysa.

2. Ciise Yuusuf Xaaji Muxumed. Waxa uu dhashay 1967. waxaanu ku dhashay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

3. Faarax Abiib Aaden. Waxa uu dhashay 1955kii. Waxaanu ku dhashay Magaalada Boorame ee Gobolka Awdal.



Xubinta Xisbiga Kulmiye:


1. Cali Khaddar Xasan Cismaan. Waxa uu dhashay 1958-kii waxaanu ku dhashay Magaalda Caynabo ee Gobolka Saraar.

Xubinta Xisbiga Ucid:

1. C/fataax Ibraahim Xasan. Waxa uu dhashay 1969-kii waxaanu ku dhashay Magaalda Hargeysa.

Ansixinta Xubnaha Cusub ee Komishanka ayaa ah Qodobkii ugu horeeyay ee  H eshiis Lix Qodob ahaa oo ay dhawaan si wada jir ah u kala saxeexdeen  Masuuli yiinta Seddexda Xisbi Qaran ee Dalka( Kulmiye, Ucid iyo Udub). Heshiiskaasi oo ahaa mid ay Beesha Caalamku ku khasbeen in ay sidaa yeelaan. Hase ahaatee, heshiiskaasi waxa uu dawo u noqday xal muddo la raadinayay oo ahaa sidii xal loogu heli lahaa khilaaf siyaasi ah oo Muddo wadanka ka jiray.

Xubnahan Cusub ayaan ilaa imika la garanayn in ay dhaami doonaan kuwii  iy aga ka horeeyay. Waxana jira aragtiyo kala duwan oo Dadka siyaasada  fala nqeeyaa ay ka bixiyeen Masuuliyiintan Cusub. Waxa Dadka qaarkii ay ku  mac neeyeen kuwan cusubi in aanay wax badan dhaami doonin kuwaa hore, hasa ahaatee, waxa jira fikrad taa ka duwan oo sheegaysa in ay wax badan kaga duwan yihiin kuwii hore oo ay ka leexan doonaan wadadii ay kuwii hore  mar een oo ahayd mid aan la mahadin.

Tallaabadan ayaa ta xigtaa ay noqon doontaa in Madaxwayne Rayaale uu si dhaqso u muddeeyo waqtiga qabashada Doorashada.

 



Axmed Ciisood

Longlivesomaliland News
Hargeysa Somaliland
ciisood@hotmail.com