Khudbadii ugu horteysay ee uu jeediyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ka dib markuu ku guulaysatay Doorashadii

 


Hargeysa July 1st 2010 (TNN)-Walaalayaal waxaan maanta halkan uga soo tebinayaa umadda reer  Somalila nd meel ay joogaanba hambalyo iyo bogaadin, sida fiican ee ay inoogu  dhamaa tay doorashadii madaxtooyada ee aynu galnay 26, June, 2010.

Waxaan kale oo aan hambalyeenayaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka, sidii hufnayd ee hawlkarnimadu ku dheehnayd, ee ay u hirgeliyeen hawlaha doorashada. Waxa sidoo kale xusid mudan doorka laxaadka leh ee bulshada caalamku inooga taageertay qabsoomidda  doorasha da, oo ay u horreeyaan Wadamada midawga Europe iyo dawladda Maraykanka.

Hambalyo gaar ah, oo aan cidna la wadaagin ayaan u dirayaa dalka aynu jaarka nahay ee  Eth iopia, oo aan mar qudha ka nasan taageerada ay inooga fidinayeen qabsoomidda doorashada iyo dhamaynta khilaafyadii siyaasadeed ee ina soo dhexgalay sanadkii 2009. Ma aha markii u horraysay, ee inagoo taageero u baahan Ethiopia ina gacan qabatay. Waxaan leeyahay idiin ogin haddana, annagu dad abaal guda ayaanu nahay. Sidoo kale ayaa waxaan salaam iyo  ma hadnaq u diraynaa dadka iyo dawladda reer Djibouti, oo niyad wanaag inoo muujiyay kuna  fa rxay horumarkeena iyo dimuquraadiyadeena.

Dhinaca kale, waxa aan si gaaraa ugu mahadnaqayaa musharixiinta labada xisbi ee UDUB, UCI D, iyo taageerayaashooda. Waxaanan cadaynayaa in aan marin doono maamuuska iyo  qada rinta ay qarankan ku leeyihiin, aniga oo ugu horayn u fidin doona martiqaad wadatashi.

Ugu dambayntii, waxaan hambalyo u soo gudbinayaa taageerayaasha Kulmiye ee maanta  guu shan soo hooyay. Waxaan leeyahay waad mahadsan tihiin waxaanan idin xusuusinayaa in ay maanta inoo bilaabantay hawshii aynu ku ballan qaadnay inaynu dadkeena iyo dalkeena u  qa bano, sidaa darteed ogaada ineynaan kabaha bixin ilaa aynu balan qaadkeenii fulinayno.

Waxa kale oo aan leeyahay maanta keligeen maynu guulaysan, haddaynu nahay reer Kulmiye ee Somaliland oo dhan baa guulaysatay, dacal ilaa dacal. Haddaan qaar kooban wax ka tilmaamo anigoo kuwa aanan magacaabinna raalli gelin siinaya:

* Waxa guulaysatay taariikhdii halgankii dheeraa ee SNM iyo kuwii naftooda u huray xoraynta dalka.

* Waxaa guulaystay Balli Gubadle, Xaruntii Halganka.

* Waxa guulaystay baaqii u horreeyay ee nabadaynta beelaha Somaliland. Berbera  ,albaabk eena addunka u furay, oo heshiiskii isa saamaxa beelaha lagaga dhawaaqay.

* Waxa guulaystay go’aankii dib-ula-soo-noqoshada madaxbanaanida Somaliland ee Burco.

* Waxa guulaystay shirkii nabadda dhidibada u aasay ee Axdi Qarameedkii dhalay, Distoorka iyo dimuquraadiyadda aynu ku caano maalnay ee aynu doorashooyinkii hore iyo tanba ku galnay. Boorame ayaa guulaysatay.

* Waxa guulaystay hoyga tusaalaha wada noolaanshaha iyo is kaashiga bulsho kala beelo ah, hoygii axdi goboleedka. Ceerigaabo ayaa guulaysatay.

* Waxa guulaysatay hoyga gadhwadeenimada iyo gaashaanka birta ah. Oodweyne ayaa guulaysatay.

* Waxa guulstay hoyga garaadka iyo geesinimada. Gabiley baa guulaysatay.

* Waxa guulaystay hoyga gobanimada Somaliland ee Laascaanood.

* Waxa guulaysatay xarunta ilbaxnimada iyo degenaanshaha. Saylac baa guulaysatay.

* Waxa guulaysatay xundhurta iyo xarunta Dalka Somaliland. Waa habboon. Waa Hargeysa mugweyn. Magaalo madaxda dalka ee umaddeena oo dhan marti gelisay ayaa guulaysatay.

* Waxa guulaysatay dimuquraadiyadda oo ah dariiqa keliya ee ummad xor ihi himiladeeda ku gaadhi karto.

* Waxa guulaysaty nabaddii .

* Waxa guulaysay ciidamada qaranka oo aan dib u derejo la’aan doonin.

* Waxa guulaystay dhallinyarada mustaqbalkeena ah, oo aan tahriib iyo shaqo la aan dib bada isugu guri doonin.

* Waxa guulaysatay culmadeenii oo aan dib damabysa afmiishaar iyo beenaale looga door bidi doonin bulshadana kaalinta ka geli doona karaamada ay ku leeyihiina ka heli doona.

* Waxa guulastay shaqaalaha dawladda oo aan dib ugu jri doonin cagajuglayn iyo tahdiid la xidhiidha fikirkooda siyaasadeed.


* Waxa guulaystay hooyooyinka suuqa cadceediisa ganacsiga yar la fadhiya oo cashuurtooda wax loogu qaban doono.

* Waxa guulaystay golayaasha qaranka oo hab maamuuska ay leeyahiin ka heli doona  xukuu madda Kulmiye.

* Waxa guulaysatay caddaaladda oo la sugi doono.

* Waxa guulaystay bulshada rayidka ah oo kaalinta ay horumarka kaga jirto taageero ku heli doonta.

* Waxa guulaystay ganacsatada dalka rag iyo haween leh, oo si caddaalad iyo sinaan ah, oo sharciga waafqsan u guddan doona hawlahooda ganacsi, xisbigay doonaan ha ahaadeene.

* Waxa guulaystay dadweynaha guud ahaan oo u harraadanaa adeeg hufan oo habsami  loo gu qabto.

* Waxa guulaystay reer guuraageena oo aad moodaysay inaan xukuumadahii ina soo a maray kuba xisaabtamin wax u qabad kooda.

Walaalayaal, intiinii iga codaysay iyo intiinii ii codaysayba, waxa aan maanta idiin sheegayaa in aan madaxweyne u wada ahay, isla markaana aan si cadaalad ah idiinku hogaamin doono mudadda aan xilkaa hayo, Insha Allahu tacaala.

Gabagabadii, waxaan dhamaantiin idiin balan qaadayaa in aan taladiina dhug iyo dhaymo u ye elan doono, aniga oo ku soo dhaweenaya qalbi furan iyo niyad san. Walaalayaal, Somalidu  wa xay ku maahmaahdaa far kaliyi fool ma dhaqdo, sidaa darteed waxaan idinka codsanayaa  in aad xilka aad ii doorateen igu garab gashaan, isla markaana in aad Ilaahay ii baridaan in uu ii fududeeyo.

Allaahu akbar.

Somaliland ha Midowdo. Somaliland Hawada jirto.

Aamiin eebow.”

 


Timacade News Network (TNN)
Hargeysa Somaliland