Waxaa manta Khudbadii Salaada jimce ee Masidu Nuur Lagaga hadlay Falkii Qaraxyadii arxan dararada ahaa ee lagula kacay umada reer Somaliland

 

Waxaa  uu Sheekh C/laahi Cabdi Cali (Sh.Makaawi) oo khubadaasi akhriyay u iftiimiyay Dadwayihii Dhagaysanayay inaanay Diinta islaamka meelna ka soo galin Dadka Qaraxyadaasi Gaysta isaga oo Tilmaamay in lagala Xisaabtami Doono Maalinta Qiyaamaha Dhiiga Dadka muslimiinta ah ee ay daadiyeen,


Sh.Makaawi waxaa ka mid ahaa khudbadiisa “ Seddex ayaa lagala Xisaabtami doonaa Maalinta qiyaamaha Dadkii Qaraxyadaasi ismiidaaminta ah Gaystay kow: naftiisa ayaa lagala Xisaabtami Doonaa, Laba: Dadka muslimiinta ah ee ay laayeen ayaa lagala Xisaabtami doonaa, Seddex: Dhiiga dadkaa muslimiinta ah ee ay xalaashadeen ayaa lagala Xisaabtami Doonaa”


Sheekhu Waxa uu aad ugu Dheeraaday Diinta islaamku waxa ay ka qabto in Qofku is qarxiyo iyo in dadka muslimiinta ah la laayo waxaana uu tilmaamay inaanay Dadka waxyaalahaasi sameeyaa aanay diinta islaamka meelna ka soo galin, Sheekhu waxaa uu Tusaale iyo Daliilo farabadan usoo qaadatay Axaadiistii nabiga iyo Aayadaha Quraanka Kariimka ah ee uu ilaahay inoogu sheegay inaan Dhiiga islaamka la daadin,


Sh.C/laahi Cabdi Cali (Sh.Makaawi) Waxaa kale oo uu sheegay Waxyaabaha Suuqyada la soo galiyay iyo Dhaleecaynta Wadaada loo soo jeedinayo oo uu ku tilmaamay inay tahay Gaf iyo wax lagu canbaaraynayo Culimada iyo Wadaada islaamka waxaana uu sheegay in dadka qaar marka ku sheekaystaan Wadaado ayaa ka danbeeya waxan, Waxaana uu cadeeyay Sh. Inaanay Culimada Islaamka Marnba ka suuroobin Inay Dhiiga Dadka islaamka ah daadiyaan, Waxaana uu ugu baaqay dadka reer Somaliland inay ilaahay ka baqaan oo ay iska Dhex Qabtaan Cadawga Islaamka ee Dhuumanaya iyo Dadka waxaas Samaynaya ee sheeganaya inay Muslimiin yihiin, waxaana uu kula dardaarmay dadwaynaha in Culimada la ixtiraamo, oo Sunaha Nabigeena N.N.K.H la raaco oo lagu dheel dheelin Gadh dheer buu lahaa iyo Surwaalkuu gaaban buu xidhaa.


Sh.Makaawi Waxaa uu Tacsi U Diray Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaliland oo uu ilaahay ka badbaadiyay Dibindaabyadii ay soo maleegayeen Cadawga Somaliland Waxaa kale oo Tacsi udiray Qoysaskii iyo Qaraabadii Dadkii ku dhintay Alle ha unaxariistee iyada oo looga Duceeyay Masaajidada Gabiley, Waxaa kale oo Ka tacsiyeeyay Dhamaan Umada reer Somalind Qaraxyadii Waxshinimada ahaa ee loo Gaysta Umada reer Somaliland.


 




Mustafe Future

Gabiley News Desk
mccfuture@hotmail.com