Dadweynaha Reer Somaliland Maxay Ka Yidhaa hdeen Khudbadii Madaxwayne Rayaale Ka Jeediyay Beerta Xoriyada 18-Kii May

 

Qaar ka mid ah dadweynaha reer Somaliland ayaa waxay dareenkooda ku cabireen muuqaalka Khudbadii uu madaxweyne Rayaale ka jeediyey fagaaraha khayriyada ee Beerta xoriyada maalintii 18-ka May, halkaas oo lagu xusayey munaasabadii 18 guuradii ka soo wareegtay la soo noqoshada Madax-banaanida Somaliland. Khudbadan uu Madaxweyne Rayaale ka jeediyey Beerta Xoriyada maalinta qaranimada ayay dadweynuhu ku tilmaameen mid nuxur ahaan xambaarsanayd 80% waxqabadka uu sheegay inay xukuumadiisu ku talaabsatay muddadii 6-da sanadood ee uu xilka hayey, iyada oo la ogyahay sida ay xukuumaddiisu ugu guul-daraysatay inay wax ka qabato dhibaatooyinka Dhaqaale, Siyaasadeed, Bulsho ee ka jira Somaliland.

Munaasibadan lagu xusayey 18-ka May maalinta la soo noqoshada madaxbanaanida Somaliland ayaanay gabi ahaanba ka muuqanin fagaaraha beerta xoriyada dadkii ehelka u ahaa maalinta la xusayo, Ugu horeyn Wali Mihindis Guud Cadde oo ka mid ah waayo araga reer Somaliland oo arigtidiisa cabiraya ku saabsan khudbadii madaxweynaha waxa uu yidhi “ waxaan la yaabay khudbadii madaxweynaha uu ka jeediyey beerta xoriyada xuska munaasidii loogu dabaal degayey gooni isu taaga Somaliland 18 May, isaga uun baa iska hadlayey, wax qabad aanu samayn maamulkiisu balse intii uu maamulka hayey khasaare weyni uu dalka ku yimid dhinackasta oo laga eego ee madaxweynuhu ma caruur ayuu la hadlayey. Ta kale dadkii maalintan ku suntanaa maxay uga maqnaadeen waa su’aal la isweydiiyey”ayuu yidhi

Sidoo kale Ismaaciil Daa’uud oo ka mid ah mujaahidiintii ururka SNM ayaa naqdiyey khudbadii madaxweynuhu ka jeediyey beerta Xoriyada, isago arintaa ka hadlayana waxa uu yidhi “ khudbada Rayaale waxay iila muuqatay guulo badan oo aanu gaadhin inuu sheeganayey oo uu ku faanayey waxqabad iyo guulo uu gaadhay, indhaha dadku way arkaan ee ma caad baa la saari, wax qabadka dawladan waa la og yahay in aanay waxba tarin waxyeelo mooyee. Dhinaca kale dadkii u soo halgamay dibu xoraynta dalka ee maalintan la xusayey keenay maxay meesha uga hadli waayeen? dee waa loo diiday” ayuu yidhi Muj:Ismaaciil

“khudbadii madaxweynaha aad baan ula dhacay, waana run oo guulo badan ayuu soo hooyey intii uu xilka hayey dibad iyo guddaba, waliba madaxweynuhu waxaanu sheegin oo uu qariyey guulo kale oo inta uu sheegay ka badan oo uu soo hooyey.

Markaa madaxweyne Rayaale waa in lagu hambalyeeyaa hawlaha fiican ee uu ka qabtay dalka dhinac kasta oo la eego-ba indhihiii caqligii fayoobi waa garan karaa horumarka u dalka gaadhsiiyey maamulka Rayaale” sidaa waxa yidhi, Faysal Gaas oo ka mid ah macalimiinta dugsiyada Hargeysa wax ka dhiga.

“Dadka adduun ma deeqo laakiin cadaalad ayaa deeqda, qofku hantida xaqiisa ah in uu si cadaalad ah u helo ayaa waajibku yahay, taas waxaan uga socda cadaalad daro laygu sameeyey oo ka dhacday Boorama oo aan dhalasho ahaan ka soo jeeddo, xaqayga anigu aan leeyahay ayaa maamulka Boorame iyo qaar ka mid ah wasiiradu ay si cadaalad dari ah oo baadil ah iiga xukumeen iyo dhinaca iga qaadayey siiyeen. khudbadii madaxweyne Rayaale ee khayriyada waxa ku jiray ama ay u badnayd waxqabadka ay xukuumad diisu ku talaabsatay intii uu xilka hayey, arrimaha uu sheegayo iyo arrimaha as uu ka sheegaynayo intooda badan waa waxba kama jiraan, mar haddii cadaalad iyo sinaan aan xukuumaddiisu ku shaqayn, waxqabadka uu ku faana yaa halkee buu ka yimid.

Fadlan dadweynaha reer Somaliland waxaan ka codsanaya in ficilada xun-xun uu Rayaale sameeyey ku maamulo wadanka oo musuqmaasuqu ugu horeeyo aan loo nisbayn reer Boorame oo aan loogu eedayn hayb ahaan, oo isaga iyo wasiiradiisa oo qudha ay ku eegtahay cadaalada darada baahday ee dalka iyo dadka oo dhan saameeyay” sidaa waxa tidhi hooyo magaceeda ka cudur daaratay in la sheego oo madaxweynaha ay isku beel yihiin.

Dadkan dareenkooda cabirayey ayaa intooda badani aad u saluugeen khudb ada madaxweynaha ee uu ka jeediyey Beerta xoriyada oo ay ku tilmaameen inay ahayd khudbad Raqiis ah oo ka sheekaynaysa guulo iyo waxqabad maamulkiisu dalka ka hirgeliyey, intii u xilka hayey, balse ay ku tilmaameen hadal meel loo waayey iidheh ahaa.

 


Haatuf