Maareeyaha TV-ga Qaranka Oo Uu Maanta Xafiiskiisa Ku Dhex Garaacay Midka mid Shaqaalaha Wasaaradiisa Oo Xaqiisii La Duudsiyey

 

 


Hargeysa (TNN):-Waxa Maanta Dagaal Gacan-ka-hadal ahi Dhex Maray Maareeyaha Telefi shanka Qaranka Somaliland iyo Mid ka mid ah Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, iyadoo Dagaalkaasi Ka Dhacay Gudaha Xafiiska Maareeyaha.

Dagaalkan ayaa ka bilaabmay Markii uu Maareeyuhu dhawaan Soo Saaray Amar uu Lacago Gunno ah kaga Joojinayo Xubno shaqaalaha Wasaaradda ka tirsan oo uu ku tuhmay inay Si Gaar ah ula Safan yihiin Wasiir Cukuse oo ay Si weyn isu Hayaan.

Xubinta Shaqaalaha ah Ee Maareeyaha la Dagaalamay, ayaa ah Wariye Saleebaan Haybe Laambad oo ka tirsan Hawl-wadeenada Firfircoon ee Wasaaradda oo muddo badan ka soo Shaqayanayey Halkaasi.

Sida ay Sheegayaan wararka ay Helayso Shabakadda Qurbejoog.com, waxa Dagaalkani Bil aabmay markii uu Wariye Saleebaan Haybe isku Dayey inuu Maareeyaha Waydiiyo Sababa ha uu lacagtiisa uga jaray, balse Maareeyaha ayaa Su’aashaas kaga Jawaabay Hadal Qall oocan oo uu iskaga Indho tirayo Xaq-darrada ee Uu Ku Tallaabsaday.

Inyar markii xafiiska Maareeyaha la iskula jirey, ayaa uu Labada Nin Hadalku ka Duulay, wa xana lagu war helay Dagaal Xooggan oo xafiiska dhexdiisa ka Socda, iyadoo Shaqaalaha W asaaraddu ay Kala Lad qabeeyeen Wariyaha iyo Maareeyaha.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ku Koobnaa Feedhadh la is weydaarsaday, gaar ahaa wa xa Wajiga Maareeyaha ku dhacay Dhawr Feedh oo Miisaan leh, mana jirin Wax dhaawac we yn ah ama Khasaare Halkaasi ka dhacay.

Maareeyaha ayaa intaas ka dib Dalbaday in La Xidho Wariyaha, balse inyar kadib ayuu Had dana ka walaacay inuu Xidho, waxana uu Haatan Wariye Saleebaan Si xor ah u dhex joog aa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta ee uu ka TIrsan yahay.

Dagaalkan ayaa si weyn looga Hadal hayaa Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, waxana In ta badan shaqaalaha wasaaraddu ay Hambalyo u dirayaan Wariyaha Xaqdarrada ka Daga alamay, maadaama Shaqaalaha intooda badani ay si weyn uga soo Horjeedaan Maareeya ha Telefishanka qaranka.

Ma aha Saleebaan oo Kaliya cidda Xaqdarrada ka Tirsanaysaa, balse waxa jira Shaqaale ti ro badan oo Dhibkan oo kale ka Tirsanaya Maareeyaha, balse aan wax tallaaho ah qaadin.

Dhibka dhex yaalla Wasiirka warfaafinta iyo Maareeyaha Telefishanka qaranka, ayaa si we yn saamayyn ugu yeeshay Shaqaalaha Telefishanka, waxana uu taas kaga jawaabay Maar eeyuhu inuu lacagaha ka jaro dhammaanba shaqaalaha uu ku Tuhmo inay La Safan yihiin w asiir Cukuse.

Wasiir Cukuse ayaa isagu dusha ka daawanaya Dhibaatada lagu hayo Shaqaalaha warfaafi nta, umana muuqdo inuu Tallaabo qaadi doono, maadaama Haatan dhinaca Madaxtooyada aanu Awood ku lahayn oo Maareeyuhu Haatan Yahay shakhsiga Ka soo shidaal qaadanay Aqalka dalka looga arrimiyo, waxana ay taasi ku keentay inuu Maareeye Khadar Cali Gaas uu siduu Doono ugu Takri Falo Xuquuqda Shaqaalaha Wasaaradda.



Source:SDN