Shaqaalaha TV-ga Qaranka oo Cod Dheer Ku Soo Bandhigay Fadeexado Ehel u noqday Maareeyihii shaqadda laga Joojiyay, Baaqna u Diray Madaxweyne Siilaanyo

 



Madax-qeybeedyadda kala duwan iyo Barnaamij soo saareyaasha TV-ga Qaranka ayaa Madaxw eynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u gudbiyay Tallo-nasteex ah oo ay kaga dalbanayaan inuu ka dul-qaado ayax aan waxba reebayn oo ku habsaday Maamulka TV-ga.

Shaqaalaha TV-gu waxay sidaas ku sheegeen bayaan dheer oo ay maanta soo saareen oo u dhi gnaa sidan:-

“Annaga oo isuga jira madax qaybyadda, soosaarayasha iyo farsamayaqadda TV-ga Qaranka, Waxaanu Madaxweynaha cod dheer oo nasteex ah ugu sheegaynaa in aanay shaqada TV-gu u baahnayn inan yar oo sida uu doono ugu tagri falaya hantida qaranka kuna caqli keefaya dadkii iyo shaqaalihii uu TV-ga iyo wasaaradda ugu yimid.

waxaan Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ka dalbanaynaa inuu naga bedelo Maareeyaha shaqada laga joojiyay ee TV-ga Qaranka Khadar Cali Gaas oo shaqadda iyo waajibaadka qaranka ku soo kordhiyay dhaqammo fool xun oo ka baxsan milgaha oo uu kula macaamilo shaqaalaha TV-ga Qaranka oo uu u haysto in muquuno loo siiyay isla markaana uu ugu tagri falo inuu waxa uu doono oo sharciga ka baxsan si fudud u dhaqan geliyo isagoo ka faa’iidaysanaya xasaanada madaxtinimo ee dawladdu saartay.

Waxaanu Madaxweynaha doonaynaa inaanu cod dheer oo nasteex ah ugu sheegno in aanay shaqada TV-gu u baahnayn inan yar oo sida uu doono ugu tagri falaya hantida qaranka kuna caqli keefaya dadkii iyo shaqaalihii uu TV-ga iyo wasaaradda ugu yimid.

Waxa uu shaqaalaha u kala qoqobay hanaan qabyaaladeed iyo waji-garasho, taasina waxay saamayn taban ku yeelanaysaa shaqaalaha TV-ga iyo shaqadda aanu qaranka u hayno labadaba. Waa masuulkii u horreeyay ee dawladeed oo si toos ah u muujista kala fadilista shaqaalaha.

Waxa uu sameeyay mudadii sanadka ahayd ee uu xilka hayay inuu shaqaalaha u kala saaro kooxo iyo garabyo taasi oo aan ku haboonayn saaxadda shaqada dawladda, waxa uu caado ka dhigtay in uu wararka iyo Waraysiyadda laga soo qaado wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda uu ku xidho in laga soo shubo lacag sharci darro ah oo uu si shakhsi ah ugu tagri falo, lacagtaas oo aan ku dhicin bog-xisaabeedyadda sharciga ah ee wasaaradda Maaliyadda.

Sidaas daraadeed, Mudane Madaxweyne waxaanu si sharaf iyo milgo badan kaaga codsanaynaa inaad naga bedesho oo aan nalagu soo celin wax matare shaqada ku soo kordhiyay munaafaqad, garabayn iyo fidmo abuurid caalami ah oo uu ka soo waariday qurbaha.

Waxa culayska uu ku hayo shaqaalaha oo uu ku bilba laba ama saddex qof ka jarro gunooyinkoodii ay sababtay in shaqaaluhu ay noqdaan qaar niyad jabsan, waxaanay aamineen inay u shaqeeyaan mukhaaxi uu leeyahay Khadar Cali Gaas. Waxa Maareeyuhu aanu dhiiri gelin in suxufiyiinta TV-gu ay sameeyaan barnaamijyo lagu difaacayo waxqabadka xukuumaddu gaadhay. Waxa intaasi dheer inuu xayaysiisyadda TV-ga dibada ka baxa uu u adeegsado si sharciga ka baxsan .

Sidaas daraadeed, waxaanu Madaxweynahayaga sharafta mudan ka dalbanaynaa inuu wax ka qabto dheg-xumooyinka uu Khadar Cali Gaas bariinsaday. Waxaanu Madaxweyne kaa rajaynaynaa inaad masuulkan shaqada laga joojiyay aanad nagu soo celin.

Waxa kale oo aanu soo dhawaynaynaa hanta-dhawrka galay TV-ga qaranka, waxaanan qabnaa in ay ka soo bixi doonto warbixin dhaxal gal ah oo markhaati u noqon karta TV-gii Qaranka ee nin qudhi ugu tagri falayay sidii hanta gaar loo leeyahay oo hibo loo siiyay.

1-Khadar Maxamed Cakuule Madaxa barnaamijyada Radio Hargaysa ahna soosaare barnaamijka TV-ga

2-Xuseen Cabdilaahi Deeqsi Madaxa barnaamijyada TV-ga Qaranka.

3-Ismaaciil Cakuule Madaxa farsamo-yaqaanadda iyo Editing-ka TV-ga Qaranka.

4- Ugaas Maxamed Mujabir Madaxa qaybta baahinta Dibadda TV-ga Qaranka.

5-Xuseen Kurdi Ku Xigeenka SOLNA ahna soosaare Ducumantry-ga TV-ga Qaranka.

6 Cabdirisaaq Cismaan Ku Xigeenka Madaxa Barnaamijyada TV-ga Qaranka.

7-Xasan Maxamed Jaamac (Baanarooma) Madaxa istuudyaasha TV-ga Qaranka

8-Abwaan Xasan Dhuxul( Laab-salaaax) Madaxa qaybta ducumantryga TV-ga Qaranka.

9 Xasan Ismaaciil Xasan Shaaah (soosaare) TV-ga Qaranka.

10 C/Qani Xasan Faarax ( Gadari) soosaaraha Barnaamijka Waqti ee TV-ga Qaranka.

11- Sidiiq Ismaaciil Axmed Madaxa baahinta gudaha TV-ga Qaranka.

12 Rafiiq Rashiid Bullo

13 Khaalid Sacad Muuse

14 Axmed Xaaji

15 Ciise Shiine Xaashi

16 Khaalid C/laaahi Cabdi

17 Siciid Ismaciil Ducaale

18 Xasan maxamed xarbi

19 Cali Ismaaciil

20 Abokor Axmed Sheekh Aadan

21 Khadar Cabdiraxmaan Muuse

22 Axmed Cabdiraxmaan Muuse

23 Farxaan Finad Faarax

24 Maxamed Cismaan Daahir

25 Maxamed Muxumed Aadan ( Buugal)

26 Khadar Xanan

27 Axmed Aare Aadan

28 Mustafe Gaas Cali

29 Xasan Shugri Aw-Cali

30 Axmed Cumar Cadaawe ( banooni) soosaare

31 Ramadaan Cabdi Ismaaciil

32 Siciid Yuusuf Qaalib

33 Aasiya Jaamac Ciise

34 Sucaad Ismaaciil Maxamed

35 Yaasmiin Muuse Xasan

36 Safiya Cali Yuusuf

37 Axmed Xaaji Cabdi

38 Mukhtaar Caydaruus Cigge( Dhako) soosaare

39 – Maxamed Ibraahim Madar

40 Idiris Aw-Nuur Maxamed

41 Jaamac Cigge Nuur

42 Mushtaaq Cabdi

43 Faysal Cabdi Xuseen

44 Yaasiin Nuur.”