Kawaanka Maka-Durdure Iyo Kalkii Sheekh Muxumed Raage (IHUN)
 


Markii ciidda ay cagaftu igu rogaysay ayaan qayliyey, dirawalkii cagafta wadey ayaa naxey oo intuu soo degay xadhigii iga furay yidhi........

Duligaan ku noolayn marnaba kama daraateene
daaraha burburay ee madfaca lagu duqaynaayay
dahab iyo damaar iyo intii duunyo lagu waayay
intii diric shahaiidiyo intii danab ku naafowday

inta caydh u soo dibad baxdee daxandaxoonaynin
dir-xunkaad dhamayseen ayaan kaga dawoobaaye
nimankii lahaa duub-casta iyo yayda daba joogta
nimankii daluumaha xabsiga iilka nagu diiqay

nimankii dibnaha eegayee hadalka noo diiday
nimankii dubkoodi gubnaa aragu diidaayay
daymadooda nimankii indhaha dab iga leefaayay
halkaan dabada saaraba kuwii igu dul-meeraayay

magacyada dugaaga ah kuwii darajo moodaayay
dabar-goynti baan nahay kuwii marinka loo daayay
nimankii dadkay soo xidhaan kiish la daba qaado
madax-furasho lagu doonayee duunka ka colownay

~~~ ~ ~~
dimaqaraadi loo simanyihiyo daacad ku hogaansha
dadka waa la naanaabiyee dawga ku hagaaja
milatari baa nasoo daashadee dib uga faalooda
nin kuu digay kumuu dilin sidaa qaba dareenkeeda

damal aan la jarin baan ahee daysta midhihiina
dan qudhaynu wad leenehee daaf u wada jeeda
dabku yii iga seexanine dogobyo weyn saara
daroorimad waan necebehee daadka iga moosa

Maansadii Dardaaran ee Abwaan Cali Xasan Bamfas

“Adiga lee lagu dilaa , go’a ii daana waad leedahay..sii daa hawlaa noo socotee” ayaa ku soo dhacey dhagaha Sheekh Muxumed Raage (IHUN). Sheekha oo ka yaaban wiilkan yar ee dhiiran,aqoona aan u laheyn raganimadiisa ayaa si ay ka muuqato murugo ugu celiyey “adeer go’ a i sii daa kaasaaban haystaa waxaan korka iska saaree” . Intaa markii la is dhaafsadey ayaa dadkii uu Sheekhu la wadaagey muddo ku dhaw 10 cisho xaalad u dhaxeysa nolo iyo geeri ayaa mar kaliya isla booday kuna dhawaaqey “ waar isagoo sheekhu go’iisa sita dil ee ha ka qaadinee u sii daa” ..Horaa loo yidhi libaax nimaan garaneyn baa lax ka ridee, haddii uu ogaan lahaa askarigan sheekh Muxumed Raage (IHUN) wuxuu galo iyo wuxuu guddo go’iisa inuu taabto iska dhaafee, meel u dhaw muu soo istaageen.

Waxay geli-fardoodaba markii la isku soo gaadhay

Guryo-keente Maan-deeq intaad gaydh u dirirteene

Allaylehe abaal baw gasheen gabiga Soomaale.

Waxse iyaba waa guul-darree gorof ku maalaaya

Oo aan Gobaad loogu tegin gaalo-ka-hadheene;

Adigiyo genkaagii halgamay waa ka garanuuge.

Gorayeey dad-weynuhu hashuu gacan ku soo hooyey

Gooraan nimaan raadin baa gaawahaw sida e.

Waa taa candhadi giigsanayd daysay godolkiiye .

Hays odhan wax gaaraa ku helay garasha-dheeroowe

Gasabkoodi may helin raggii kula gudboonaaye.

Maansada Gashi ee Abwaan Maxamed Xaashi Gaarriye (IHUN)


Intaa markii la is dhaafsadey ayaa askari kale oo meel aan sidaa u fogayn joogay yidhi “xadhig an aan hayo ayaa wada gaadhaya ee iska sii daa go’a odayga”. Sidaa ayuu go’ii Sheekh Muxu med Raage (IHUN) ku badbaadey maalintaa. Askariga kale wuxuu markaa isku xidhxidhayey tiro ku dhaw ilaa 9 qof oo sida xoolaha inta la iskugu xidhxidhayey ka dibna xaajiyad agtaagneyd sidii gadbad sonkora oo la rarayo lagu tuurayey.

Xaajiyada waxay u dhaqaaqeysay dooxa Maka-Durdure oo dadkii isku xidhxidhnaa lagu tuuray ey, ka dibna ciidamo u diyaar ahi xabbad ooda kaga qaadayeen ilaa dhaqdhaqaaq la waayo. Waxaa sidoo kale meel aan ka durugsaneyn joogtay cagafta Buldoser-ka ah oo dhinaca u durki naysay ciiddana ku rogaysay. “ Markii ciidda ay cagaftu igu rogaysay ayaan qayliyey, dirawalkii cagafta wadey ayaa naxey oo intuu soo degay xadhigii iga furay,iguna yidhi oradoo intaaney soo noqon geedahaa qaad oo Isha Boroorama meel aad ku gabato ka raadso” ayuu yidhi wiil ka badbaadey.

Xaggaagii 1989kii ayna bisha Juun 9dii oo aheyd maalin Jimce ah ayaa ciidanka SNM ee ku jiray biyo-mareenka dhinaca woqooyi ka xigga dhakhtarka weyn ee Hargeysa ay ku soo siqayeen xaruntii nabad sugida. Waxaa soo gaadhey ciidanka oo ku soo biiray ciidan ka yimid dhinaca Idaacada soona dhex maray xaafada Goljano.

Maamulkii ka joogay dawladii jamhuuriyadii Soomaaliya degaanka ayaa go,aan ku gaadhey in si aaney u dhicin dhacdadii Madheera maxaabiista la geeyo badhka Maka- Durdure. Waxaa marka a joogay wasiirkii gaashaandhiga Aadan Gobyo, Ra’iisal wasaarihii Ina Cali Samater, Taliyihii qay bta 26aad Dad-qalkii Hargeysa Morgan, taliyihii nabad sugida G/Dhexe Jaamac Xasan Aadan (Shaafi),iwm.

Waxaa aad loogu kalsoonaa hawsha dilka ah ee ka socotay kawaanka Maka- Durdure inay yare yn doonto kaalmada dad ahaan ay heli karayeen ciidamadii SNM oo hargeysa inta badan marka a maamulayey.Halkaa waxaa xilka hayey oo hawshaa loo caleemo saarey saddex xidigle Ducaa le Ganaane iyo hal xiddigle Axmed yare.


Sheekh Muxumed Raage(IHUN) wuu ka badbaadey dilkaa loo qorsheeyey oo bishii Juun 10, 1989 ayuu ka mid noqday koox la yidhi u gudbiya jeelka magaalada Hargeysa ee ku yaala dugisa baraawe agtiisa. Sheekha oo aad u anfariirsan, wajigiisan ay ka muuqato argagax iyo yaab iskaalmeystay ayaa soo galay qolka. Askartii wadey markay gudihii ku hubsadeen ayey iska noqdeen, quful weyna albaabkii ku dhufteen.Sheekhu wali wuu didsan yahay.

Wuxuu isagoo daal maskaxeed ka muuqdo dabada la helay gogol jawaan, buste iyo go’ la isdul-saarey ka koobnayd. Dadkii qolka kula jiray dhan ay u qaadaan way garan waayeen,cidna waydiin kulama dhicin ee qof waliba niyada ayuu ka yidhi “Bal Sheekhu ha nasto oo neeftuurku ha ka yaraadee yara suga”

la soco qaybaha danbe.

 



Ururintii iyo tifatirkii

Fu,aad Sheekh (somaliland@farshaxan.com )
Bahda mareegta Farshaxan
www.farshaan.com iyo www.farshaxan.org