kawaankii qaliinka xoolaha tog-wajaale oo xadhiga laga jaray

 


 

Tog-Wajaale (TNN)-Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga ee Somaliland ayaa Maanta (shalay) Xadhiga Ka Jaray dhismaha Kaw aanka Qaliinka ee magaaladda Tog-wajaale kaasi oo uu dhisay Ganacsade ka mid ah Ganacsatada Deegaanka Gobolka Gabiley.


Munaasibadaasi oo ay ka soo qaybgaleen Guddoomiyaha Degmadda Tog-wajaale Qawrax Muuse Xuse en. Guddoomiyaha Xisbiga Udub ee Gobolka Gabiley Mudane Saleebaan Sheekh Maxamed Saleebaan, Guddoomiyaha Degmadda Tog-wajaale ee Xisbiga Udub Cabdi Siciid dhalinyaro aad u tiro badan iyo  wel iba Haween Tiro badan oo ka soo jeeda Deegaanka Wajaale iyo Gabiley oo ku gaashaanaa Astaanta Xisbiga calamada Xisbiga Udub .

Ugu horeyn waxaa halkaasi ka hadlay Haween ka mid ah Hiliblayda Magaaladda Tog-wajaale kuwaasi oo Xusay inay in badanba u hanqal taagayeen siddii ay Maalin uun u arki lahaayeen Kawaan Nadiif ah oo ay ku qashaan Xoolahooda waxaanay haweenkaasi ka shanqadhiyeen inay wakhtiyaddii hore dhib iyo caafimaad darro kala kulmi jireen Goobihii hore ee xoolaha lagu qali jiray waxaanay u mahadnaqeen Ganacsadaha Da'da yar ee Hargaha ka ganacsan jiray ee haatana ku hamiyey wax aanay maamulkii degmadda haystay 20 sanadood aanay noo qabanin sidaa waxaa yidhi haweenkii halkaasi ka hadlay ee Hiliblayda Magaaladda Tog-wajaale .

Waxaa intaasi ka bacdi halkaasi ka hadlay Cumar Maxamed Cige oo ah Ganacsadaha isku hawlay  isla  m arkaana Dhisay Kawaankaasi Qaliinka Xoolaha ee Magaaladda Tog-wajaale waxaanu u mahadnaqay  int ii kala hawl gashay Hirgelinta Kawaankaasi oo ka mid yahay Maxamed Cabaas Jaamac oo hore u ahaan jiray Duqa degmadda Gabiley ninkaasi oo ahaa Qofka ku dhiirigeliyey inuu hirgeliyo kawaankaasi  waxaa nu uu Ganacsade Cumar Maxamed Cige uu sidoo kale mahadnaqa balaadhan u soo jeediyey Maayarka Degmadda Tog-wajaale Mudane Qawrax Muuse Xuseen oo si weyn ugala hawl galay dhameystirka  Ka waankaasi Xoolaha hirgelinta Kawaankaasi .

Cumar Maxamed Cige waxa uu sheegay inaanu hawshan ka dabaasheen haddii aanu haysanin  taagee radda Dumarka Hiliblayda Magaaladda Tog-wajaale .

Intaasi ka bacdi waxaa halkaasi ka hadlay Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland Mudane Abiib Xassan Filfil waxaanu sheegay inay Siyaasadda Dawladdu tahay siddii loo dhiirigelin lahaa Private Sector hantida sida gaarka ah loo leeyahay taasi oo ganacsiga Somaliland yahay mid Xor ah waxaanu intaa raaciyey inay Wasaaradda Ganacsigu ay dhawaan hirgelin doonto Hawlo iskaashi dhinaca Ganacsiga ah oo ka dhaxayn ldoona abada dal ee Itoobiya iyo Somalilad waxaanu ku dhiirigeliyey inay Bulshaweynta Reer Wajaale ay Xil iska saaraan Adkeynta Nabadgelyada Maadaama ay ku Taalo goob Xad ah oo  Taxadirke eda u baahan ayuu yidhi wasiirka Ganacsiga ee Somaliland .

Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland Abiib xassan Mar uu la hadlayay Axsaabta Mucaaridka ah waxa uu sheegay inay ka Luntay Kalsoonidii waxaanu sheegay inaanay Wax tamar ah aanay isla ahayn  Mucaar idku isagoo intaa raaciyey hadii ay Mucaaridku wax isla hayaan looga baahanyahay Kubadda  badhtan ka taala inay Ciyaaraane balse aanay dadka Xag xaganin .
 

 

 


Wariye Mohamed Mussa Inji

Degmadda Tog-wajaale
MObile:4410416
mahamad95@hotmail.com