KABAHAYGA XIDHO
Xasan C. Madar


 



Bal hadda mar qudha kabayga xidho, tijaabi inaad ugu socon karto xaggaan u socday  wa xaba laga yaabaa inaad garan weydo halkaan u socday, aniga qudhaydu ma garanayo halkaan u socdo. Markaad kabahayga xidhato ugu yaraan waxad garan doontaa inaanan garanayn meel aan u socdo, waxad dareemi kartaa sidaan dareemayo. Markaad  dhinac ayga iska taagto ayaad arki doontaa quruxdeeda ama foolxumadeeda. Anna hadda inta aad kabahayga xidhantahay cagaagnaan maayee kuwaagaan xidhan. Immikaba anigoo kuwayga xidhan ayaan marmar xidhaa kuwaaga. Markasta oo aad arrin ka hadlayso  ku waaga ayaan xidhaa, sidaad ugu socoto ayaan arkaa, siday kuu hayaan baan arkaa ee aad cidhiidhiga u dareemayso. Markaynu kabaha isweydaarsanno ayeynu garan doonnaa midkeenba halka kabtu ka hayso. Waynu isku garaabi doonaa, isla garan doonaa, isa soo hor fadhiisan doonaa, ogaan doonnaa inaan hebel xumayn, heblaayo xumayn, ree hebel xumayn…. Waxaynu kala saari doonaa qofka iyo dhibaatada, halka immika aan qofka iyo dhibaatada israacinayno ee isku dilayno. Waxa laga yaabaa in qofkuba mushkiladda u afduuban yahay oo u baahan yahay in laga badbaadiyo. Qofkii oo mawjadda baddu sidato maaha inaynu ku colaadinno muxuu u dabbaalan waayey, saa dabbaashaba ma yaqaan, gacanta gacantiisa haysana sow la degi maayo.

Qofka sharka wadaa wuu dhibban yahay, umase baahna in isaga iyo sharka la israaciyo ee waa in sharka lala dagaallamo isagana laga badbaadiyo. Haddii musuqmaasuq jiro, cad daalad darro jirto, dulmi jiro, maaha in dagaalka lagu qaado ka intaba samaynaya balse waa in dagaalka lagu qaado dulmiga, caddaalad darrada, eexda, iwm. Haddii aan kuwaa wax laga qaban oo qofka uun la abbaaro iyagu way jirayaan, qofka kale ee yimaaddana sidii kii hore ayey afduub ku qabsanayaan. Waa in la abbaaro siyaasadaha iyo  qawaaniin ta qofka ku daafacaya inuu falalkan ku kaco. Qofka yaan lagu mashquulin. Dhibbanaha yaan la sii dhibin.

Haa..qofka waa in xanuunka laga daweeyo. Haddaad qofka disho dawadu waxba ka tari mayso xanuunka, si kale haddaan u dhigno dawaynta xanuunku maaha qofka oo la dilo.

Waa sidaase ilaa aad kabahayga gashato arki maysid sidaan wax u arko. Haddaan adiga ahaan lahaa sidaasaan yeeli lahaa!!, oo aniga miyaad tahay?, Miyaad noqon kartaa?, Diyaar ma u tahayse inaad noqoto? Aniguse adiga ma noqon karaa?

Waa halkii abwaankee:

 


Maxaa iga qabyo ah hawl

Wax ka qabashadeeduna


Qayrkay ku xidhan tahay

 




Waa innoo mar kale, kulanti dambe, adigoo kabahayga xidhan iyo anigoo kuwaaga  gash an.

 

 

Xasan C. Madar
nabaadiino@yahoo.com