Dear Somaliland's websites,



Ugu horayn waxaan idiin soo gudbinaya salaanta islaamka oo aan idin leeyahay asalaama aleykum w araxmatulaahi wa barakaatu,


Inta ka dib walaalayaal waxaanu idinka codsanaynaa inaad nagala qayb qaadatiin ololaha aanu ugu jirno in dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalkan UK ay noqdaan dad muuqda oo ku abtirsada  qar ankooda si jiritaankeena loo ogaado oo uu u taabo gallo qarankeenu. Hadaba walaal waxa dalkan ka qabsoomaya tirokoob lagu tirokoobayo dadka ku nool dalkan UK oo markaa 10-kii sanadoodba mar la sameeyo. Tirokoobka waxa ku jia su'aal ku saabsan qof-ka ahaanshihiisa iyo halkuu kasoo jeedo.

Sidaa daradeed waxaanu u ololaynaynaa in dadka reer Somaliland su'aalahaas kaga jawaabaan inay Somaliland ka yimaadeen oo ay Somalilander-na yihiin.


Hadaba waxaanu idinka codsanaynaa walaalayaal in aad naga taageertaan gaadhsiinta fariinta la  g aadhsiinayo dadkeena ku dhaqan dalkan UK oo waxaad website-yadiina meel joogto ah ka dhigtaan leaflet-kan fariinta xambaarsan. Insha Allah TV HCTV waanu isticmaalaynaa oo weegan ayaa la  bila abi doona. Fadlan hawshaas nala galla, ilaahayna ha idinka jasaa'i siiyo, aamiin.

 



Waad mahadsantiin,

 



Iid Xasan Aw Muuse,
Isuduwaha West London Somaliland Community