Ka qayb-galka Somaliland ee shirka Soomaaliya ee UK lagu qabtay, Sacab iyo Mashaxarad ayaa ay xukuumada mudana madaxwayne A.M.M ''Siilaanyo'' ku mutaaysatay!

 


Salaama Calaykum.

Tan iyo intii ay soo if-baxday ka qaybgalka Somaliland ee shirka lagaga hadlayo dhibta qarada wayn leh ee haysata dadka aan walaalaha nahay ee ku nool dalka aan jaarka nahay ee Soomaaliya, waxa dadka reer Somaliland qaarkood muujiyeen diidmo iyo dareen cabsi leh, oo ay weliba weheliso tuhun ku jeeda xukuumada oo ah, khiyaaamo qaran! Hadaba marka arimaha aan la xisbiyayn ama siyaasadayn ee si  w adaniyadeed oo dhab ah loo eego, waxa kuu soo baxaya inay arintani tahay Talaabo guul ah oo ay  sac ab iyo mashxarad in lagu taageero xukuumada Somaliland ku kasbatay.



Waxa dalka Somaliland uu kow ka yahay wadamada sida tooska ah ay dhibta Soomaaliya ee had-dhe er/hadda/had-dhawba saamaynta wayn ku leedahay, waxana weeyaan dalka Somaliland dalka kaliya ee garan kara sida rafaadka soyaaasadeed ee haya Soomaaliya loo furdaamin karo. Hadaba maxaa  k aa maqan markaad miiska adiga oo qaran ah ' Somaliland rep'' oo la siman qaramada kale, sida  Itoobi ya, Kiiniya, Ugaandha, UK, usa, Djibout iwm soo fadhiisato ee aad weliba adigu tahay, ka ugu waayo-aragsan xalinta arimaha dagaalada Sokeeye, gaar ahaan kuwa dadka Af-ka soomaaliga ku hadla ka dhex-dhaca, ee loo daba-fadhiisanyo ka talo-baxintiisa?



Hadaba hadii uu caalamkii oo intii hore meelo kale oo durugsan ka raadinayay dawadu ay hada  yiqiinsa deen oo ay runtii u soo noqdeen iyo weliba inay Somaliland wax waydiiyaan, oo kala tashadaan xal u  h alista mashaqada yuururta dalka aan jaarka nahay, waxay iigu muuqataa inay tahay guul siyaasadeed oo u soo hoyatay Somaliland, waana mid in lagu garab galo xukuumadeena u baahan ee Sacab iyo mashxarad ku soo dhaweeya oo eeda ka daaya Xukuumada

 



'Ha jirto Somaliland oo ha joogto'.

 

 

 

 

 

Cali Cumar Xasan