WAR-SAXAAFADEED

 

 

 



Taariikh:05.02.2012 Sumad:JSUK/01./02


Kaalay oo nagala soo qaybgal isku soo baxan balaadhan ee lagu Muujinayo Midnimada iyo Madax-banaanida Somailand oo u hiiliya dalkiina Hooyo

Dadka reer Somaliland sida aynu la wada socono waxay meel kasta oo ay joogaan dareen siman ka muujiyeen shirka arrimaha Soomaaliya ee London, taasi oo horseeday in masuuliyiinta ururada Jaa lliyada UK, Guddidii 18-ka May (Somaliland Working Group), wasiir u dowlaha arrimaha guddaha Dr. Maxamed Rashiid Sh xasan iyo xubno firfircoon Jaalliyada ka tirsani in ay shir balaadhan ku yeesha an xarunta Ururka jaalliyada ee SLWC.

Kullankaasi oo dood dheer ka dib lagu go’aamiyay in cariga Iniriiska lagag qabanqaabiyo isku soo b ax balaadhan oo lagu taageerayo qaddiyada madax banaanida Somaliland maalinta taariikhdu taha y 22 Febr,2012, kaasi oo ujeedadiisu tahay sidan hoos ku xusan;



* Isku soo bax balaadhan waa mid beesha caalamka lagu weydiisanayo in ay aqoonsadaan jiritaan ka Somaliland, isla markaana ixtiraamaan rabitaanka shacbiga Somaliland sida uu dhigayo qoddobka caalamiga ah ee aayo ka tashiga ay ummaduhu xaqa u leeyihiin (self determination).

* Muujinta Madax-banaanida Somaliland iyo Qaranka Somaliland waxyaabihii u qabsoomay muddad aa 21-ka sanno ah ee JSL jirtay.


Haddaba guddida qabanqaabadu waxay dhamaanba shacbiweynaha reer Somaliland ee ku dhaqan UK iyo qaarada yurub guud ahaanba ugu baaqaysaa in aanay u kale hadhin isku soo baxan lagu mu ujinayo qaranimada iyo jiritaanka JSL.

Ugu danbeyntii waxaanu idin leenahay “Kaalay oo nagala soo qaybgal isku soo baxan balaadhan ee lagu Muujinayo Midnimada iyo Madax-banaanida Somailand oo u hiiliya dalkiina Hooyo.

Kaalay oo nagala soo qaybgal isku soo baxan Balaadhan oo lagu Muujinayo labaatan Guurada ka s oo wareegtay maalinta Qaranimada Somaliland ee 18-ka ”.



Maalinta (Arbaca) : 22.02.2012

Goobta : 10 Downing Street (ka soo horjeedka xafiiska Raysal wasaraha ) London (SW1)

Wakhtiga: 11:00-17:00

Gaadiidka: Charing Cross tube Station iyo Westminster Tube Station

 



Wa Bilaahi Tawfiiq. Wixii faahfaahin ah fadlan kala soo xidhiidh Guddiga qabanqaabada xuska 18-Ka May emailkan hoos ku xusan g20guuradasomaliland@yahoo.co.uk Tel: 07961131014