Ka Gil gillo Gabileyeey

 


 

Dhan walba ka eegoo maxaynu kutilmaano garan mayno.....



Waxa laga joogaa muddo sanad ah intii ay jirtay dawlada madaxweyne Ahmed Mahamed Siilaanyo, hada ba hadaynu dib uraacno mudadaa,wax qabad la taaban karo oo aynu nidhaahno waynu aragnaa majiro . waxa kaliya ee aynu aragnaa waa qabyadii ay dawladii hore gacanta ku haysay iyo kootooyinka reer kul miye loo xidhay iyo Hayaduhu waxa yaryar ee ay siminaarada ku qabtaan .



Waxa soo raacaa waa googa'a qurbajooga laga soo qaado ,wax kale oo la taaban karaa ma jiraan.Hada an ka waramo Gobolka Gabiley waxaan garan laayahay waxa ay lahurdaan, ee iyuga jawaabi laayihiin sanadkaa halka ay ku maqnaayeen.



Dhan walba ka eegoo maxaynu ku tilmaano garan mayno . Malaha Gobol nimadooda ayaanay rumaysnay n,anigu waxaan idin odhon lahaa waad lug go'deen ee hays odhanina dawlad baa idiin maqan, sidii aad dar dar aad u bilaabi la haydeen , ee aad cashuurtiina Tog-wajaale , ugala hadhi lahaydeen 20%, sida Gobolada kale , tiina maxaa idika xaaraantinimeeyay.



sanadkaa soo socda hadii Alle yidhaa , waa inaad wax muuqda kala hadhaan sida Mashruuca Beeristiisa wadada isku xidha Kala-Baydh iyo Wajaale, adeegyo caafimaad ,Jaamacada oo la dhameystiro,jeelka oo laga mudaharaado,  laguna badalo meel farsamada gacanta lagubarto.

Waxaanan si gaara ula hadlayaa Ganacsatada ka soo jeeda Gobolka inay ka dhisaan meel iyagana anfa cda dadkoodana anfacda.

 

 


 

1-Gabilayeey Guurti talisiyo,  Geesi baan kugu ogaa.

Gabilayeey ,Gafuur cade aan wax tariniyo, Garaad laawaan arkaa


2-Gabilayeey, Gorof buuxa iyo Gadhoodh baan kugu ogaa
Gabilayeey ,Gorofkoo madhiyo,  Gaajaan arkaa


3-Gabilayeey ,Garoonkoo Beeraniyo , Gasiin baan kugu ogaa
Gabilayeey ,Garoonkii mashruucoo gubtiyo,  Gontanaamaan arkaa


4-Gabilayeey ,Gamboolay Haween iyo Garaad badan baan ogaa

Gabilayeey, Gadh wadayaal Haween iyo Guul daraan arkaa

 

5-Gabilayeey ,Gagadii mash xaradiyo , Gobol baan kugu ogaa
Gabilayeey , Gaga doo cidliyo , Gobola’an baan arkaa


7-Gabilayeey,
Geesigii Bade iyo Guushii Xabiib baan ogaa.
Gabilayeey ,Geelle xukunkiisii iyo Gasaar baan arkaa.


8-Gabilayeey ,Golle Dawladnimo iyo Gogol wanaag baan ogaa

Gabilayeey,  Gurxan aan la maqal iyo Gadood baan arkaa.


9-Gabilayeey ,Gaadhkii xadkana ,Gaardigiisaan ogaa

Gabilayeey ,gilgikii Axmaariyo Gujadii Tigree baan arkaa


10 - Gabilayeey , gurmad heer sariyo Gaashaan baan ogaa

Gabilayeey, Gaashaan dalooliyo, Gudun af daran baan arkaa


11-Gabilayeey,  Guhaankii
Xaruuriyo , Gabaygii Timacadaan ogaa

Gabilayeey ,Gaf kaagii horiyo,  Gaws qabsi baan arkaa.

 

 

 

Haliimo Yusuf Aw Faarah
Bristol UK