KA DARTAYE MA DAW BAA

 


Waxaan salamaya dhamaan Bahda TIMACADE Groub meel ay joogaan ba, waxaan halkan ku soo lifaaqay Maan so la magac baxday ( KA DARTAYE MA DAW BAA) Wxay daba socotaa Maan sa dii Abwan Ahmwed Aw Geedi Iyo GARBA DIIR.

Waa maan so la magac baxday KA DARTAYE MA DAWBAA, waxay daba socotaa, Deelyduu Bila abay Abwan Ahmed Aw Geedi.


Garaba diire warkeediyo
Deelaydii dheerayd
laliyeen dhabayluhu
Daris uu abwaan dhigay
Daada heeyay waayeel
Dareen kiisu noo yimi
Doog tii qarsoonaynd
Dusha sare la dhayi jiray
Dild-dilaaci nabar kii
Xumihii la dadi jiray
Dooc iyo dareen badan
Dad ku badiba faalee
Diraac dii aqoon tiyo
Nagu doojay garashada

*****

Mahad waxaan u dirayaa
Nin ka didiya dhuur yada
Dhufatadiyo Duumada
Dufan jecesha n Maal mahan
Dam ku tidhi caruur tii
Mahad waxaan u naqa yaa
Xildhibaan ka daakiray
Damqashada xanuun ka leh
Nin ka deel ka la cuskaday
Dan yar taa cidlada wadhan
Darbi jiifa ka maatida
Laga dhaafay dacala da
Dareen kiisa soo dhigay

*****
Nin I dilay, mid ii daran
Damqashad nin kii nacay
Duud siya xaq –qeenii
Daani yaha ilkaha wayn
Iyo diir tan beerihii
Dam ka siisay dalagii
Ila didi abwaanoow
Soo dooji maan sada
Danta guud na ila dhawr
Halkii Daawi lala maray
Dubjir ka iyo maatida
Dabar goyn t lagu wado
Iyo duud si wadareed
Ha dakaamin waayeel
Dayro magacu yuu noqon
Digtoonina ha moogaan
Waan deel horaan tii

*****
Afrta dab kaw xidhay
Dahab iyo mariin saar
Dusha sare ka baandhee
Waa diyaafad maan sadu
Wali boog ta uma dagin
Waa dul xaadsi sheekadu
wali waa digniin culus
Iyo Daacad wada jira
Dilaal kiyo malaal kiyo
Maskan duluc ducleeyi yo
Bahal kaa duda galay
Digaadaa huraysiyo
Dhuxushaa la dadayana
Dambas kano ma qarin karo

*****
Dan yartaa cidlawdiyo
Shacab kaa la duudsiyay
Siigadaa daluun tiyo
Deegaan kan kala dhiman
Dhiilada dad waynaha
Dhalin taa dareer tee
Dabay laha xagaagiyo
Ku dayoobay meel baas
Duqdii ay lahaa yeen
Dabatadu haleeshee
Dusha sare nin liitaa
Iyo Boqol ku daba jira
Daawa-naayo baahida
Dumad doodu madhan tay
Ma wax loo dul qaataa?

*****

Dirir wixii na soo maray
Dab ka reer kan lagu shiday
Diric yadu ku maqan yiin
Deebaaq qadhaadh iyo
Loo leefay dacar taba
Markii dawlad magac liyo
Darajooyin lagu helay
Dimuqraadi mooyee
Maan filyan Diktaytare
Inuu Daar ta noo galo
Mid talada duud siya
Wuxuu diir to mooyee
Aan lahayn dareen kale
Maantana dabkaw shiday
Dirsooc iyo qabiil iyo
Wixii bari I daashaday

*****

Waxaan shalay to diidiyo
waxaan maan ta daawado
Wali Beeshu uuma daban
Ka dar taye ma dabibaa ?
Ma dareen qalaad baa ?
ma wax noo dad naa baa ?
Ma dil noo qarsoon baa ?
Ma dalkaa yaraadoo
Meel kalaa la daya yaa ?
Nin kaa darajo siiseen
Ma DIKTOOR asqoobiyo
Daawo dii Bukoo taa ?
Ma dil baa, Ma danab baa?
Ma deeq iyo wanaag baa?
Ma ha lays dulays tee
Ha damqanin miyaa Talo ?
Ka dart aye ma Dawbaa
Halkuu damacu nala maray

*****

Inaan didiyo mooyee
Uma dudo nin daalina
Durbaan beenta uuma tumo
Daacad daan ka weheshaday
Dan yar taan u hiil ahay
Dambigiyo xumaan tiyo
Sharcigaa dahsoon iyo
Diilal yada dhalaan kiyo
Danta guud xaraash kee
Daba dhoon ka loo diray
Manaxaan damaaci yay
Dad ka ina xaraasheen
Duleeyaan aqoon tana
Didib saan ku leeyahay
Dabar adag haloo jaro

*****
Duqaydiyo wax garad koow
Dareen keena nooloow
Daljir kii dhasoonoow
Nin ka xumaha diidee
Damqanayaaya maan-toow
Dubjir kiyo caruur taay
Darbi jiif ka walaaloow
Naxariista diran iyo
Dumar kiyo dhalaanoow
Dikrigiyo aqoontiyo
Inta Diin ta fidisaay
Daacdiyo islaam nimo
Inta dooji nay see
Dibadaha ku nooloow
Inta dirays ka xidha nee
Dayr ka noo adkay see
Dusha calan ka saar taay
Dariiq oodan baa jira
Dalkii lagu hogaan shee
Dib u eega waayaha
Daluun baa inoo qodhan

*****
Ma ogtahay dad kaygoow
Dulmaniyo xigaaloow
Waxaan doonayaa Wal
Damiir weheshi giisyo
Nin kii diidi laa xume
Nin qabiil ka dumin laa
kii daran yada ka biin laa
Dumar kiyo caruur tiyo
Dubjir ka iyo maatida
Dabaylaha ka hoyn laa
Dan yartiyo masaakiin
Daran yada jidh koodiyo
Danyn laa wax yeelada
Markhaatiga mid daydaya
Dunidaba wax bari laa

*****
Waxaan doonayaa wali
Nin kii diidi laa dharag
Dheeman taa dahsoon iyo
Dahab kiiba heli laa
Biyahaa dalkeenee
Doox yadan hareeraha
Daafaha ka dhaafiyo
Nin Kii Dayri laa wabi
dacalad adkayn laa
Nin kii dakad iyo dariiq wacan
Nin kii ehel daadahayn laa

*****
Waxaan doonayaa Diktoor kii
Dakharada iga bogsiin laa
Nabaradii daloosha may
Iyo Diif ta nagu taal
Daawada nin kii u heli laa
Waxaan doona yaa wali
Damqashada nin magan-sada
Diir ku iigu yaal gacal
Duli iyo xumaan iyo
Nin kii diidi laa been tana
Hadaan deel ka maan du
Soo duubo waayaha

 


Abdulkhaliq Mohamed