JIL JILAYCA KA SOO IFBAXAYA KOMISHANKA IYO JAHA WAREERKA BULSHADA SOO FOOD SAARAY

 

Waxaa dalka fooda ku soo haya doorashadii madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka ee  dal ka. Waxaana la gudogalay qaybintii kaadhadhka. Waxaa hubaal ah in madaxda komishanka culays badan lagu hayey oo la lahaa ha la dadejiyo , culayskaasi wuxuu inta badan kaga imanayay la taliy ayaasha ajanabiga ah iyo haydaha kharaska bixiyey taas oo dabada ka riixayeen xisbiyada  mucaa radka ah. Waxaan shakhsi ahaan aaminsahay in arinkaasi sababay in komishanku iska garab maro sharciga iyo xeerarka dalka iyaga oo mudeeyey xiliga doorashada meeshana ka saaray ololihii  doo rashada ee loo baahnaa.isla markaa gadaal ka codsaday in xeerka labaatan wax laga bedelo. Sida aan la wada socono waxaa kominshanku ku dhawaaqay in doorashadu dhici doonto bisha june  26k eeda iyada oo hawlo badani u baahanyihiin turxaan bixin iyo diyaargalow cad oo aan madmadaw  l ahayn. Waxaan ku hambalyeynayaa madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland oo maanta soo  saar ay tigreetada maalinta doorashadu dhacayso. Oo ku began 26ka June 2010.isaga wax kasta oo dh acay indhaha ka qarsaday isaga oo ka door biday wax wax walba sidii doorasho xaq ah oo xalaal ahi u dhici lahayd.

Hawsha doorashadu way bilaabantay, waxaa lagama maarmaan ah in komishanku qaladadiisa si degdeg ah u saxo kana faaiidaysto qaladadii hore ee ina soo maray.

Maxaa ka mid ah waxyaalaha aan dhamaystireen.


1). Waxaan komishanka dalku sheegay in seerfarka la saxay lakiin wali khalad ku jiro.Waxay  qalad kaa ku qiyaaseen boqolkiiba toban. Taa macneehu waxa weeye in boqol iyo labaatan kun oo cod ku qaldami karaan seefarka. Tirada intaa le’eg ma aha tiro yar waxayna keeni kartaa murug iyo  mad madaw codeynta ka soo dhex baxa. Maxaa kalifay in komishanku qaato qalad la wada arkayo. Muxuu yahay qorshaha u dejisan komishanka ee uu arintaa waxkaga qabanaaoyo


2). Sida aad la socotaan wali hadalo ayaa ka taagan gobolada iyo cida hawsha doorashada  qaban aysa sida Ceerigaabo,Gebilay,Saylac iyo Laascaanood. Arintaasi waa mid u baahan turxaan bixin, k omishanka oo aan turxaan bixintaa samayn maxaa kalifay in doorashada lagu dhawaaqo.

3).waxay deeq biyayaasha qaarkood ku doodaan inaan nahay dal aan wali la aqoonsan. Sidaa  dar teed dastuurkeena iyo xeerarkeenuba waa waxba kama jiraan. maxaa yeelay aqoonsi ma  haysat aan. Arinkaasi waa arin meel ka dhac ku ah jiritaankeena iyo ummadnimadeena, cidii aan  xeerkee na iyo dastuurkeena xaqdhawrayn waxaa haboon in la yidhaahdo raali naga ahaada. Interpiece  w axaa loo jebiyey xeer dhan oo laba gole ansixiyeen. Maantana waxaa muuqata in komishanku  cods anayo in xeer ansaxsan wax looga bedelo.iyada wakhtigii doorashadaba wax yari ka hadheen. Waxaa iswaydiin leh wakhtiga doorashada ma cid kale ayaa inoo soo yeedhisay maxaa komishanku marka horeba xeerka u raaci waayeen sharciga dalkana u xaqdhawri waayeen. Waxaan leeyahay inta degdegsiimo doog dhalo Kaadsiimana kiish lacagay dhashaa.

4). Doorashooyinkii hore ee inoo qabsoomay iyo habka loo qabtay waa mid qof kastaa fikrad ka  ha ysto. Dalku wuxuu ka codeeyey tiro ka badan 1030 goobood.kun iyo sodonka goobood wali laguma tijaabin qalabka aan doorashada ku galayno.xataa lama samay tijaabo sida qalabku u  shaqaynaa yo. Komishanka ayaa looga fadhiyaa siduu arinkaas u faahfaahin lahaa. Dadkana uga jaahil bixin lahyeen.

5). Wakhtigii tirikoobta waxaa dhacay qaladyo badan , ciladaha xaga farsamaduna way badnaaye en, maxaa tabaabusho arinkaas laga sameeyey oo dadwanaha manta loo sheegi karaa?

6). Sida aad la socotaan coputer ku wuxuu halkii qof ku akhriyey mudo labaatan daqiiqo ka badan. Arintaasina waa mid carqaladayn karta xiliga doorashada iyo wakhtiga loogu talagalay. Maxaa  ko mishanku arinkaas ka qabtay oo manta dadka u sheegi karaa.

7).Qof kiasta oo muwaadin ahi xaq buu leeyahay inuu codeeyo waana qodob dastuuri ah. Muwaadinka u diyaara inuu is diiwaangeliyo si u codeeyo. Komishaku muxuu ka qabtay arinkaas.

8).Mudo intee le’eg ayaa seerfarku ku dhamaystirayaa kala saarista kaadhadhadhka. Maalin , laba maalmood, Bill Imisa.

Waxaan Guddomiyaha Komishanka ka codsanayaa in Sideedaa Qodob jawaab cad ka siiyo ummada Somaliland. Waxanan leeyahay Illahay ha idinku garab galo hawsha adag ee ummadu idiin igmatay.

 

Allaa Mahad Leh

 

 

 

Mahdi Jama Roble
mahroble@hotmail.com