Jiftadani waxay soo baxday 9.9.09 waxayna ka dhalatay su,aal lay waydiiyay

Waxaan dhamaan idinku salaamya salaanta muslinka meel aad joogtaanba ,
waxaanan idin leeyahay ramadaan kariim.jiftadani waxay soo baxday 9.9.09
waxayna ka dhalatay su,aal lay waydiiyay miyaanay dadka ama madaxda reer soomaliland ahayn kuwa ku dayasho mudan iyo sidee ninkii barlamanka ku jiray ula soo galay baaskolada muxuuse doonaya ,waxaan marka jeclaystay inaan u shego dadku unuu badan yahay qolofta sarena layskaga wada egyahay mark ay noqoto midabka laakiin aan cidi ogayn ilaahay mooyee qalbiga ruux kasta.

Maanso hore ayaan waxaan ku idhi [qoloftu waa sideena,garaadku waa qudhooda]

Waxay ku bilaabmanaysa:
 

 

waa quruun dhaniyo
kumaan qofoo
kala qaybsanoo
qaarba noocyihiin

*****
waa quruun dhanoo
qoobadaa ilaah
qaadir siiyay iyo
qaybtay dagaan
qalibigaba ku hayn

*****

waa quruun dhanoo
wadda qoodh ahoo
qaalimada didshoo
qalaacadda ku dila..........................qalaaco xaga awrtuun ka daya hadaad igu dhaantaan
 

*****

waa qoon dhanoo
qalladkii horiyo
qadafkay galeen
qalbigaba ku hayn

*****
waa qoon dhanoo
waxay quudayaan
intay qaadhsadeen
qolqol-lada ku xidha

*****
waa qoon dhanoo
is qaniinsanoo
qool iyo mareeg
isu dhiga qodxa

*****
waa qoon dhanoo
qaran doonayoo
qabiil iyoo xunkii
qalbiyada ku sida

 *****
waa qoon dhanoo
qushi wada ahoo
xilka qabashadii
nina qira ku hayn

*****

waa qoon dhanoo
qarax miino iyo
jalaafaa qubkood
isku wada qiroo
qarqarsiya ninkood

*****

waa qoon dhanoo
qalqalooca iyo
laaluush qariban
qandiyada ku sida

*****

waa qoon dhanoo
il qarsoonidiyo
xanta wada qastoo
qosolkana ku dara

*****

waa qoon dhanoo
ballo qaadatoo
quudkii jinkiyo
qaadkiyo barjaha
qarash galiya oo
qasnadaa camiran
qollo kale u rara

*****

aan kuu kale qoree
kuman kuman u qabo
kuman qaawanoon
qaydsare lahayn

*****

kuman qaxoo
qaaradaa aduun
dawarsiga ku quban
kuman qolof dhacoo
diftu qalatyoo
ishu qabanahayn

*****

iyo kuman qaracan
qalqaloocsamoo
qawlkiiba xidhay
kuman wali qalayl
qorigii sitoo
qayrkood higsada

*****

iyo kuman qusuur
ku qaxweeya oo
quraac subag leh iyo
qaddo wacan ku cuna

*****

kuman qarafsadoo
daasad qaata oo
qaybtiyo xaqood
lagu qowlaloo
quful lagu jabsaday

*****

iyo kuman qunbaha
qadaar buuxsadoo...............qadaar waad garanaysaan baan filaya]
haamaha qotama
qasanadaha gashaday

*****

kuman qurus aduun
qaadir siiyayo
qaybtiyo filkood
ogoon quudiyo
ceebi qabanhay

*****

kuman quudhsigiyo
qarqarsiga abiid
ka qatoobinoo
qaysaraanta jecel

*****

kuman wali qamuun
qoortuun luloo
quduradiyo la yaab
qaadan waayay oo
ka qashdhaca hankood

*****

qardajeexa kuman
qoor kale maroo
tallo qabanqabkeed
ku qabowdayoo
teenaba qawada

*****

kumanaan qas iyo
qandaraas sitoo
qoon kale warkood
qiilkow horkaca

*****

iyo kuman qarwoo
dhufaysyada qotoo
qarni hore halkii
qamadidda xasuus
qalax joga wali

*****

iyo kuman qaldhaba
iyo kuman qarsadda
iyo kuman qaldama
iyo kuman qudhoo
amar qaata oo

*****
qalaaddaa sidii.........................qalaad orgiga qayladiisa
qayladuun wadoo
qabqabtay yaqaan

*****

kuman quustayoo
qalwaduun gallo
qiiq foox shitoo
quraan kuun akhriya

*****
kumanaam qofoo
kala qaabadoo
qumanuhu dhamaan
qoortowgu jiro

*****
kuu qeexayoo
kuu kal qalee
aan soo qobtolo
ido qaawan baa
riyo qoonsadoo
ka qashaafayee
qudh u fiirso taa

*****

qallad kuma hadline
markay qawlayaan
waa qoonka kali
is qaadqaade ee

*****
quruumaha dhamaan
inay qurux sidaan
qubanaha ka dara
isu qabe qof ihi
uma qabe hor joog

*****

qaadirkeena wayn
kibir kaadan waa
noloshaan qiyaas
qorshe lagu salayn
habna loo qormayn
qabyo weeye abid

*****

joogto qabatinkeed
qabri baa ka dhaw
qoraxdii dhacdana
qoonyahow annuu
qoomamaan ahoo
qiiraan mutaa

*****

waxaan quudayaa
inaad qaran jiriyo
......................................inta ogaan baan u baneeyay inaan ku xidho inta baarlamanka la furayo mahadsanid
 

 

Mowlid Aden
qolqol3@hotmail.co.uk