JAWAAB KU SOCOTA CALOOL XUMO SOO TAHRIIBTAY OO TURKIGA JOOGTA

Tani waa jawaab qaaliya oo ku socta ninka magiciisa layidhaado C/Qani Diiriye Cali oo aan filayo inuu soo tahriibay oo jooga Turki.Waxaa uu yidhi oo maqaalkiisa cinw aan u ahaa,"Maxaa U Dan Ah  H/YOONIS.".Hadaba taasi waa caadi inkasta oo wax laga xishoodo ay tahay in nin dhalinyaro ah uu reer ku dha dhabo magaca reerkii sa ku soo xardho war baahinta waayo,  waa wax ku xun caqliga dhalinta soo  kora ysa .

Qofka dhalinyarada waxaa la gudboon inuu horumar ka shaqeeyo oo la dagaalamo qabyaalada iyo xumaanteed iyo naxliga dadka waaweyni beeri jireen.Aniga oo Ho oyo weyn,  oo aan jeclayn inaan qoraalada dadka ka jawaabo , ayaan hada u qaj ilaya ninkaasi aan filaayo inuu soo tahriibay Turkiga joogo , waxa uu ka soo  shee keeyey, MR CALOOL XUMO , taariikh madaw , ee dagaalo sokeekeye oo la  soo mar ay, kuwaaso dhacay sanadihii sagaashamaadkii oo dhexmaray dad walaala ah oo isku qabtay fikir siyaasi ah , taaso laga heshiiyey.

Waxaa uu war baahinta ku soo qoray magacyada dad ay isku reeryihiin oo badan koodu taariikh noocyo badan ku lahaa dalka iyo kuwo kale oo ku  bartil maameed saday colaad iyo naxli uu uurkiisa ugu jira awgii .Waxaa uu soo qaatay magac  raqi is oo dadka qaar ku hadaaqi jireen xiliyadii dagaalka sokeeye oo aan aniga oo Dum ar ahi  ka xishoodo inaan idhaado oo MARYO ALOOL ma ciidanka qaranka ayaa  Su uf Alool ah.

Waxaa uu sheegay oo yidhi,  isaga oo reerkiisa malaa waa ninaaya DOORTA  FAYS AL CALI WARAABE , waa sax qofku inuu dadkiisa la hadlo oo tilmaamo halka uu  is agu arko in dani ugu jirto,  iyada oo maanka lagu hayo in somaliland u gudubatay QARAN iyo Xisbiyo, hadana MR CALOOL XUMO , waxaa ku joogi waayey tilmaantii u u ku yidhi Faysal doorta, hadana waxaa ku xejiyey hadii kale RIYAALE DOORTA .

Taasoo  uu cid gaar leeyahay ka leexda,beri baa REER hebel laysugu tegay iyo si aynu hebel iyo hebel boqonta aan u goyno .Taasi waxaan filyaa inay tahay colool xumadii RIYAALE KU FAA,IIDAY 2003 .Waxaa uu soo qaatay oo xusay RAG ay ku jiraan Cawil ,Waran Cadde iyo  ina Sulub .Ragaas marka laga reebo Waran Cadde, waa lugooyada Dalka Somaliland.

Waxaan inaga dumar ahi la yaabay caqliga wiilka yar ee soo tahriibay ee dadka w alaalaa ah isku yidhi kala kaxee,  eedo waxaad ilowday malaa tahriibta ayaa ku  ja ahwareerisaye in dadka aad ledahay colaad iyo naxligiisa u midooba walaaliyihiin.

Kuwa aad leedahay xumaantooda u midooba , waa kuwii markaad  beelaha aad sh eegayso isku dileen DAROOR,  waa kuwii galbeed iyo bari uga soo gurmaday ee  k ala qaboojey colaadii dhextiil .Waa laga haboonyahay in qof damiir lihi sidaa u  fik iro,  taasi adiga ayey damiirkaaga cay u tahay ee ka noqo.Midda kale markaad  ba awaynayso AFARTA DAAQUUD , ee ina RIYAALE HOOS JOOGA , waxaad dulmiday kuwii NABADA AY WASIIRADA KU NOQDEE KEENAY EE HORMUUD U AHAA SIDA DR GABOOSE DR CABDI AW DAHIR

Hadaba , malaa kuwaas ayaad ku bee rlaxawsanaysaa qoraalkan iyagaa yaqaana qofkii albaabkooda istaaga inay yidhaadaan RIYAALE QORAAL KU TAAGEER,  oo q arashkii baa kaa goy aad ku soo talo gashay inaad YURUB KU TIMAADO .Haddaba eedo hadii taasi jiro waxaan kugu talinayaa ka noqo qoraalkaa oo noo sheeg  ana ga in qarash la,aani ku hayso anaga (account) kuu furayna oo qarash kuu baadi doonayna, qoraal aan kugu xidhayne sida Cawil iyo ina Sulub kugu xidheen ilaa sidan umaad hadasheene.

Waxaa kale oo kugula talinyaa inaad faraa iska jirto inaan Giriigu kaa qaadan inta aad munaafaqadda  iyo cunsuriyada ku hawlantahay,  waayo  hadday  KUWA AAD DIFAACAYSAA KHAYR KUU LEEYIHIIN , KAMAAD SOO TAHRIIBTEEN DALKII HOOYO OO MAANTA GIDAARADA TURKI KUMA DHAX MOOTEEN OGOOW.

Anigu waan layaabay naxliga intaa leeg.Waxaad ogaataa maah maahda ah : Hooyadii Ka Guure Aayadii Uma Negaado. RIYAALE WAX TARI MAYSID HADI KUWA KU XIGA AAD DIIDO

Waxaa jirta murti Abwaan yidhi: Sokeeya Hadii Aad Diido, Shisheeyana Ku  Gelima ysid, Abwaan ADAN TARABI JAAMAC.IYO MURTIDA KALE EE TIDHAADA :

 

INKASTA OO IS GUMAADO
AMA UU IS GU HAADSHO
ISAAQ GUUDKA SAREETIYO
GONDAA WAA KA WALAALO

*********

MIYAAD ILOWDAY TAAS
KITE FIQI AYAA LAGA HAYAA
MURTIDAAS CULUS

 

Anigu Fahiima ahaan ma odhanayo cid reer somaliland ha loo midoobo  xumaantee da , waayo afka gobta ah maaha eray ku haboon odhaahdiisu.Gebo gebo C/Qani waxaan ku leeyahay ha noqon qoladii tolkeed ka tagtay ee markii danbe  dumarko odii laga qadaay ,gamuute wixii lagu sameeyey qaadan waayey ee inta xididkii ka soo guuray tiriyey tixdan:


CAYNAAN SHIHII NAGA DURKAY
EE DOOXA TADA RAACAY

*********

NIMANKII DU DADA
REER ISAAQ DAYRO
KA AHAADAY

*********

REER DAL DAL DIRAAC DABA
KA QAAD
DAHABO AW NUURE

 

Waxaad maqaal kaaga ciwaan uga dhigtay" Maxaa U Dan Ah H/YOONIS." Hadii ta asi kaaga jawaabo anigu oo caqli gaab dumar ah H/Yoonis, waxaa u dan waxaa u dan ah  bulsho weynta reer Sheekh Isixaaq Binu Haashim,  reer Sheekh Isixaaq wa xaa u dan ah ,waxaa reer Somaliland u dan ah,  reer somaliland u dan is bedel siya asadeed oo buuxa, oo dalka ka  dhaca , kaas oo lagu bedelo hogaanka maanta  da lka xukuma ilaa M/Weyne ilaa DG.


Dad taageeri jiray SNM , waxay leeyihiin cadaw malaa waad ilowdaye shalay bay ONLF , ayaa dad ku laynaysay Habaasweyn iyo Gaashaamo agteeda , shalay  Boor ama Calanka Somaaliya laga taagay,  Puntland baa soo bu aysa .Waxaa jira  waxy aabo badan oo  u baahan inaad ka hadasho , kuwaa aad meesha magacyadoda  k usoo qortay intii dhimatay alle haw naxariisto kuwa noola alle halkooda khayr  ha ku siiyo aaaammmmiiiiiiiinnnnnn

EEDO DIB USUGU NOQO OO FIKIR SALIIMA KEEN NIN NATOLKII LOOMA DHAAMO

 

 

 

WAA QALINKII FAHIIMA AXMED
OSLO NORWEY
fahiima2011@hotmail.com