Aqoonayahan Somali ah Oo La Siiyey Abaal-gud “AWARD”
Weyn Oo Dhanka Baananka ah.
London (TNN)-Aqoonyahanka
weyn ee Jamaal Cali Xuseen oo u shaqeeya Baanka weyn ee
Caalamiga ah ee City Bank ee laga leeyahay wadanka
Maraykanka, ayaa ku guulaystay "Banking Award" oo ah
abaal marin dhanka baananka ah.
Abaal-marintaasina waxa uu aqoonyahankani ku mutaystay
kadib markii Baankii uu maamulaayey qaybtii sa
wadamada Tanzania iyo Ivory Coast uu noqday ka ugu tayo
fiicnaaday uguna macaashka batay.
Waa markii labaad ee isla sannadkan 2010-ka gudihiisa la
guddoonsiiyo abaal-marintaasi (Award), taasi oo
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ku kasbaday Baankii uu
isagu hoggaaminayey oo noqday Baanka ugu fiican “Besta
Bank” iyo waliba “Best Investment Bank”.
Hadaba xaflad ballaadhan oo si weyn loo soo agaasimay
ilyartuna isqabatay oo ka dhacday hotelka weyn ee Hilton
Hotel ee magaalada London ayaa 8-dii bishan December
lagu guddoonsiiyey abaal-marintaasi aqoonyahan Jamaal
Cali Xuseen.
Xafladddan oo ahayd mid heerkeedu aad u sarreeyey ayaa
waxaa soo qaban-qaabisay Jariiradda caanka ah ee la
yidhaa EMEA Finance oo wax ka qorta arrimaha dhaqaalaha
iyo maaliyadda ee wadamada Europe, Middle East iyo
Wadamada Africa.
Hadaba xafladdan oo loogu magac daray “African Banking
Awards Dinner 2010” ayaa ah mid sannadkiiba mar la qabto,
waxaana kasoo qayb galay madaxda caalamka ee dhinacyada
Baananka, Dhaqaalaha, Diblo maasiyadda iyo madax ka
tirsan dawladaha qaar.
Madashaasi oo wadamo kala jaad ah Baanan waaweyn lagu
guddoonsiiyey 25 Abaal-gud (Award), Aqoon yahan
Jamaal Cali 3 (Saddex) ayuu u kacay, isagoo metalaaya
Baanka Caalamiga ah ee City Bank iyo wad amadii uu
madaxda uga ahaa sannadkaasi 2010-ka ee Ivory Coast iyo
Tanzania.
Guushaasi uu soo hooyey Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen
waxa ay yididiilo ku abuuraysaa dhammaan Afr
ikaanka, Soomaalida iyo gaar ahaan reer Somaliland oo
Aqoonyahanku asal ahaan kasoo jeedo.
Maaha markii ugu horeysay ee Aqoonyahan Jamaal ku
guulaysto ama uu helo abaal-marintan, balse tan oo kale
waxa uu helay sannadkii kan ka horreeyey ee 2009-ka.
Hadaba Aqoonayahan Jamaal Cali Xuseen oo dhanka kalena
ah Abwaan hibo Ilaahay u siiyey curinta nooc yada
kala duwan ee suugaanta sida Gabayada, Maansada (Jiiftada)
iyo Heesaha oo dhammaantoodba laga dhagaysto si wayna
looga xiiseeyo dalka gudisiisa iyo dibadiisaba.
Dhanka kale Abwaan Aqoonayahan Jamaal Cali Xuseen waa
Qoraa aan qalinkiisu dhul u dhicin, buugaagta uu qorayna
waxay safka hore kaga jiraan buugaagta loogu xiisaha
badanyahay ee sida wayn loo gato.
Heerarkaasi aadka u sarreeya ee nolosha uu ka gaadhay
Aqoonayahan Abwaan Jamaal Cali Xuseen, wax ay
dhammaanteenba inagu baraarujinaysaa in qofka
bani’aademka ahi ka midho dhalin karo wax kasta oo
dedaalkeeda uu la yimaado una dhabar adaygo.
Ugu dambayntii haddii aanu nahay bahda Hadhwanaag Media
waxaanu Hambalyo u diraynaa Abwaan Aqoonyahan Jamaal
Cali Xuseen guushaasi qiimaha badan ee uu soo hooyey.
Waxaana hubaal ah inuu dhalinyarada u yahay la hiigsade
(Role Model).
Source:Hadhwanaagnews
|