SHANTII JUNE ( JEBINTII JEELKA MANDHEERA )
JABINTII JEELKA MADHEERRA.


QAYBTII SADEXAAD.…(05- JUNE- 1988.)






Waxaan marka hore halkan ugu mahadnaqayaa, taariikhyahanka weyn Abdirahman Awlo
( Baqdaadi )
oo aan qaybta hore ee taariikhda geliddii cadaadlay, ka soo xigtay diiwaanka uu ku ururiyo taariikhdii SNM.



Waxay ahayd barqadii lixiyo labaatankii may ( 26- 5- 88 ) oo ahayd maalin khamiis ah, mar kii aanu maqallay siidhiga askarta jeelka oo makhsin walba ka dhex qaylinaaya iyo waliba askarta oo maxaabiista ugu baaqaya in laysugu yimaado bannaanka weyn ee jeelka dhex diisa ah.

Haddii mid guri ku jiray, mid musqusha ku jiray iyo mid xamaamka maydhashada ku jirayba ay isugu yimaadeen barxaddaa weyn askartuna ay aad u dhoobantahay  dhinacyada max aabiista, ayaa waxa ka soo galay albaabka u dhaxeeya qaybta maxaabiista iyo xafiisyada askarta, sarkaal labisan dirayskiisii ciidannimo oo ay ku lamaantahay darajadiisiina. Muu a hayn nin aanu hore u aragnay, waxaase jirtay in maalintaa laba, saddex casho ka hore uu geeryooday taliyihii xabsiga dhexe ee Madheera Daahir jubonayn oo xanuun kadis ahi ku soo booday, waxaana kollayba la sugayey in taliye cusub loo soo magacaabi doono jeelka weyn ee Madheera.

Waxa uu noo sheegay inuu yahay taliyihii xabsiga dhexe ee Hargaysa ( waa ninkii Xasan Ji lic ) badalaye iyo geerida ku timid taliyixii xabsiga Madheera iyo waliba in isaga lagu soo a mray inuu sii tago Madheera inta cid loo soo magacaabayo.

Qudbad isagu jirta wax sheeg iyo amar farid kadibna wuxuu noo sheegay inaanu hawlaha yaga qabsanno.Haddii intaani dhacday, waxaa la baadi doonay bal in la helo cid soo mart ay jeelka Hargaysa oo warbixin maxaabiista ka siisa dabeecadda iyo dhaqanka ninkaasil e eyahay, durbadiibana waxaa la helay lana sheegay inuu yahay in aan xilkas ahayn kuna s oo meeraysta xataa raashinka iyo lacagta yar ee dadka maxaabiista ah qaraabadoodu ay u keenaan, waxaana habeenkaa la kala seexday iyadoo laga dharagsanyahay ninkaasi iyo dabcigiisa.

Subaxnimadii hore ee maalintaa ku xigtay oo ahayd maalin Jimce ah bisha Mayna ay ahayd todoba iyo labaatan ( 27- 5- 1988 ) saacaduna ay ahayd abaaro todobadii subaxnimo, ay aa waxaa jeelka soo galay koox saraakiil milatariga ah oo uu horkacayey taliyihii dugsiga milatariga ee madheera Cabaas kuwaasoo fuulay qolka rakaalka, inyar ka dibna waxaad a rkaysay askartii jeelka oo la soo wada baxay kuna gaadhan hubkoodii iyo qalabkoodii dag aalka.

Maalinta Jimcuhu waxay ahayd maalinta dadka maxaabiista ah ay soo booqdaan qaraaba doodu, waxaana salaadii horeba loo sii diyaargaroobay soo dhaweyntii dadka, iyadoo maa lintaasi tahay maalin ay maxaabiistu helaan wararka todobaadkaa la soo dhaafay. Waxaa loo yeedhay maxaabiistii u horraysay ee loo yimid ( sida caadadu tahay maalintaa maxaa biista badankoodu waxay tubnaan jireen albaabka maxaabiista looga yeedho iyo aga gaar kiisa ) markii ay soo noqdeena waxaa la weydiiyey sidii caadadda ahayd cidda u timi iyo w ar wixii ku soo kordhay. Waxay maxaabiistii sheegeen inaan habayaraatee cidna la tusin ee lagu yidhi oo kali ah raashinkan ayaa laydiin keenee qaata. Waa wixii lagu sheegayey iyo tolow ma wuxuu ina moodayaa "Abu jeerin " miyaanu ogayn in ragga meesha ku jiraa yihii xabsi daa' in ayaa markiiba laysla dhex qaaday, iyadoo aad arkaysay raggii siyaasad da u xidhnaa oo afar - afar iyo sadex - sadex geedaha hoostooda isagu imanaya kuna faq aya. Yaanu jirin nin qudha oo  raashinka soo qaataa, haddaan layna tusayn dadkeena ay nuu ahaa waxa kali ah ee maxaabiistaa siyaasadda u xidhani ay is faraysay, waxaana mar kiiba saraakiishii jeelka la gaaadhsiiyey in uu jiro kacdoon ka dhan ah raashinka khaliga ah ee aanay cidina sidin ee maxaabiista loogu yeedhayaa.

Waxaa noo yimid nin kabtan ah oo ah taliye kuxigeenkii jeelka anagoo ah afat ilaa shan aa n ka xasuusto Cabdi Ismaaciil, Maxamed Baashe iyo Yuusuf maxamed ciise.Maxaa dhacay ee aad xam-xamta lahaysaan ? ayay ahayd wixii uu markii u horraysaybana weydiiyey, w axaanan u sheegnay inaanay ahayn waxan ay la yimaadeen wax ka soconaya, anagoo wa liba u raacinay inaanu raashinka dawladda ku leenahay ee maalintaa aanu xaq u leenayah in dadkayaga nala tuso.Waxba ma ogidin iyo wax maxaya ayaanu haddana is weydaarsan nay.


Waar nimankii SNM ayaa saaka magaaladii Burco soo galay oo saraakiil baddanna ku laay ey badankeediina haysta ee hayswaalina iyo aniga oo ugu jawaabay " bal waxaad noogu sheekaynayso eeg SNM tu ma sidii likihiibay Burco saaka uun ka soo dhex baxday ) iyo wa ar raashinkiina iska qaata oo uu sarkaalkii isagoo sii socda nagu soo tuuray ka dib ayaa w axaa nagu soo xoomay maxaaabiis kale inyar ka dibna waxaa yeedhay siidhi ah hala xero odo iyo askartii oo maxaabiista dhangad xagga danbe sidii adhiga kaga soo wadda.



Waxaa ii yeedhay anigoo sii galaya makhsin aan ahayn kaan u hoyanayey oo aan is lahaa inta labada xero u dhxaysa waa sidii caadada noo ahaan jirtaye turub ku soo ciyaar Xas an Cabdi oo ahaa askarigii maalintaa gaadhka haystay. Xasan Cabdi wuxuu ahaa nin dhali n yaro ah waxaanu markii hore maalin haysan jiray gaadhka qaybta dilka ee loo yaqaanno ( Qabta ) wakhtigaasi oo aanu halkaa ku jirnay.

Wuxuu ahaa nin aad u fur - furan maalintiisuna waxay run ahaantii ahayd maalin noo tirs an, isagoo maalintiisa xerada nooga soo qaadi jitay ciyaaraha dubnadda iyo turubka oon dadka dilka ah loo ogolayn, waxaa kale oo uu noo samayn jiray in uu qolalka naga furo ma rka aanu u baahano musqusha laba amma sadex jeer maalintii halka maalinta kale mar qud haata nalooga ogolyahay inaanu musqusha gallo, ugu danbayntiina markii aanu u wareeg nay jeelka weyn wuxuu ahaa ninkii noo soo galiyey Radio aanu markaa haysanay oo jeel ka mabnuuc ka ahaa.



Turub ayaan qolkan ku soo ciyaarayaa iyo Alphow qolkaagii gal in layska furiba Allaa oge ayaanu aniga iyo Xasan Cabdi iswaydaarsannay. Maxaa dhacay ( inigoo afka u soo dhuu baya ) iyo SNM tii ayaa Burco saaka soo gashay oo qabsatay oo dagaal ilaa diyaarddo lay sku adeegasaday ayaa ka socda ayaanu haddana su' aal iyo jawaab isagu celinay anigoo garan la' in SNM tu iyana diyaaraddo ku dagaalamayso iyo in kale, waxaanse xaqiiqsaday in warka labada nin ee faqashta ahaa isku raaceeni uu yahay wax jira, taasi oo ahayd wa xaan hore looga baran askari ku yidhaa SNM baa meel soo gashay.



Maalintaasi waxay ahayd maalintii debed iyo albaab layska furo noogu danbaysay, Xasan Cabdi oo mar danbe qolkii aan ku jiray iigu yimidna waxuu ii sheegay in baskii raashinka no o siday la celiyey isagoon wax raashin ah laga soo dajin, waxaanu ii raaciyey inaanu ku far ro adaygno waxaanu imika haysanno. Kow iyo sodonkii bishana waxaan furay warqad uu buuri ku jiray oo uu yuusuf Max'd Ciise oo qolkale ku jiraa iigu soo dhiibay askari, warqad daasi buurigu ku jiro oo uu hoosteeda iigu soo qoray inay BBC-du waraysaray Ax'd Siilaa nyo iyo in Hargaysaba la soo galay.



Siciid Sara kac oo ahaa askarta jeelka ahaana askari u dhashay deegaanka madheera ah aana nin iska da' weryn oon dhibaato badnay ayaa soo hoos maray daaqadda aan hoos jiifsado oon markaa taagnaa, iyadoo maalintaasi dagaal xumi uu ka socday meel aan jeel ka aad uga sii dheerayn, gariirka iyo xabaddubana ay ahaayeen kowo aad noogu soo dha w. Siciid maxaad sheegtay iyo waa nabad ka dib ayaan Siciid weydiiyey meesha gariirkaasi ka dhacayo intii aanu Siciid ii sheeginna wuxuu i weydiiyey bal inaan wax raashin ah haysa nno iyo in kale. Wax yar baanu haysanaa iyo kiiloo bariis ah ayaan ku siin doonaa haddii a aad ii sheegto meesha dagaalkaasi ka dhacayo iyo waa Cadaadlay oo waliba ay nimankii qabsadeen ayaanu subaxaana aniga iyo siciid Sarakac isweydaarsannay anigoo siiyay lab adii kiiloo ee bariiska ahaa ee raashin noogu danbeeyey mid ka mid ah.



Waxay ahayd shantii iyo afar iyo toban daqiiqo markii xabaddu ay ka dul qaraxday todob a boqol iyo konton maxbuus oo ku jiray jeelka Madheera, waxaan ku jiray qol ay ku jiraan beelaha dawladda taageersan halka anagu aanu ka ahayn lix nin intayada ka soo jeeda beelaha taageersan ururka SNM. Waxaanu isku qol ahayn nin la odhan jiray Max'd dhegaw eyne oo ay Max'dCali ( labadoodaba Alla ha u naxariistee ) ay saaxiib ahaayeen, ninkaasi oo Max'dCalina u wadi jiray gaadhi dhafoor qiiqle ah markuu Max'd Cali watay jabhaddii afr aad ee dagaalkii soomaali galbeed, waxaana Alla ha u naxariistee Dhagaweyne iyo nin is na jeelka nagula jiray oo Hawiye ahaa lana odhan jiray Xaashi la soo xidhay markuu Alla ha un naxariistee Max'dCali goostay.



Markii ay cabaar xabddu dhacaysay ayaanu shantayadii nin ee kale ee Isaaqa ahaa isu gu nimid booskii Dhagaweyne, anagoo Max'd weydiinayna bal inuu nooga warramo waxa uu u malaynaayo dagaalka dhacaya. Alla ha u natariistee isagoo markaa gacanta ku hayey kit aab quraana oo uu akhriyayey ayuu Max'd intuu dhoolo cadeeyey nagu yidhi " waar illayn qolbaan idinkula jiraa waxba ma arkayee orodoo ninwalawba booskaagii ku noqo oo in Ilaa hay nimankaa guusha siiyo quraanka akhtista.



Ninbaa laga hayaa ku kaadshaan nin u aqaanaaye, xaggee buu jiraa quraan akhrisku rasa astaa intay hadh beeshay ayay maxaabiistii noqotay wax beerka dhulka ku haya iyo wax shuban musqusha ugu jira mana jirin cid- cid la hadlaysa iyo wax isweydiintoona. Sheekh Daa'uud oo ahaa nin da'diisu kontonka kor u dhaaftay ahaana nin gacan ku dhiigle ah ku na xukunnaa xabsi daa' in ahaana sheekha jeelkaba tukiya oo aanu isku gogol xignay laba dayada maxadna soo kala horjeedaan ayaa kor ula soo toosay tusbax uu ku wardisanay ey isagoo markan faal ula kala baxay. Hadii uu riday kuna celiyey oo uu yidhi markhaatig aa anna aan isleeyahay sheekh Daa'uud baa wax la tusayaa ayaan ka soo hinqaday gog oshii aan dhabarka ugu jiifay waxaanan hadal aan hoos u dhigayo ku idhi " sheekh Daa'u ud bal bahalka iiga warran" .



Cabdow iska jiifso iyo anigoo isla markiiba dub ugu noqday jiifkaydii ayaa is xigay, waxaa nay xabaddu dushayada si aan kala go' lahayn uga dhacaysay ilaa kow iyo tobanadii.



Wakhtigaasiayaa waxaad arkaysay xabadda oo aad moodo inay naga sii fogaanayso siina joogsanayso anigoo dhagahaygana ay ku soo dhacayeen dhawaqa siidhi aan is idhi  mal aha siidhigaasi waa jabhaddii oo sii baxaysa, iyodoo markaa haddii lay saro aan bar dhiig ahi iga timaadeen . Haddii ay xabaddii istaagtay ayaa mar labaad

intayadii Isaaqa ahayn waxaanu haddana isugu nimi gogoshii Alla ha u naxariistee Dhaga weyne kitaabka ku akhrisanaayey, waxaanan ku idhi " Maxamadow maxaad u malaynay saa siidhigaasi malaha kii dawladda maahee waa nimankii oo la jabiyay. Intuu haddana qos lay aynuu nagu yidhi " maxaa aniga i weydiinaysaan hadii laynaga jabiyo meeshana waynu arki haddii kalena awalba weynu ku jirnaye" waxaanu hore ka sii watay quraan akhriskiisii.



Waxaan ku noqday booskaygii, waxaana iigu yimid Fircoon jaamacoo oo aanu isku qol  aha yn horena aanu isku iskuul u ahayn, isagoo sita arbaca turub. waxaa nagu soo biiray laba nin oo kale waxaanuna la kala baxnay arbaca turubkii. haddii ninkii u horreeyey d egay ay aa waxa dib u bilaabmatay xabaddii waxaanad arkaysay afartayadii nin oo nin waliba yee ke yeeke ku daray, ninwalibana intuu turubkii dhulka dhigay ayuu gogoshiisii dib ugu noq day anna waxaan dib ugu jiifsaday gogoshaydii. Waxaa mar labaad faalkii la soo sare fad hiistay sheekh Daa'uud oo intuu dhigay haddana yidhi markhaatigaa, anna intaan markan hadal soo diyaarsaday ayaa markii uu dhameeyey sheekhu faalkii aan ku idhi sheekh dee bahalka nooga warran. " Cabdow nimanku waxaan dhib ahayn inoolamay iman oo waxba inaga jabinmaayaan " iyo ma dhibtan aynu ku jirno mid ka daranbaa inoo hadhay oo aan sheekha si cadho ku jirta uga hor geeyey ayaa waxaan raaciyey istaag aan sare isu taa gay anigoo daaqaddii aan hoos jiifay is kor taagay.



Waar Cabdirisaq iska warran iyo waa nabaddii aanu is dhaafsanay Daahir Max'd Jaamac oo guriga iga soo hor jeeda ku jira daaqaddana soo taagan, ayaa waxaa dhexdayada soo maray nin ka mid ahaa askarta jeelka lana odhan jiray Cabdillaahi Biric oo markaa wajiguu su aanu qurux badnayn.



Eeyaa Cabdillaahi inyar oo bariisa ma ku siiyaa malaha ilaa saaka waxba maad cunine  iy o waar bariiskaabe dhacye daaqadaha ka fadhiista xabaddii xagaasay ka soo dhacaysaa yaanay daaqadaha idinkaga dhicine, haddii Daahir iyo Cabdillaahi is waydaarsadeen ayuu Cabdilllahi meel noo muuqata fadhiistay isagoo qorigiisii intuu labada lugood dhexdiisa gali yey madaxana afkiisa hore saaray, waxaanad jawigiisii hore iyo fadhigiisiiba ka arkaysay niyad jab weyn. Markan waxaa lagu dagaalamayaa meel naga yar durugsan iyadoo mara rka qaar haddana xabadu dushayada ka dhacayso, waxaanad moodaysay in dagaalku la ba aag ka kala socdo. Daahir Max'd Jaamac oo aanu wali sheekaysanayno aqalka uu ku jiraana iga soo horjeedo isagu arkayana waxa ka dhacaya banaanka weyn ee jeelka iyo gidaarka danbe ee jeelka ayaa mar qudha kor ugu dhawaaqay " Wallaahi waa kuwa gid aarkii danbe jabiyey " isagoo inyar ka dibna ku xigsiiyey waar waa kuwaa ayjeeshiina bad hna meeshii dalooshay ka baxay badhna maadka (maadku waa qayb jeelka ka mid ah laa kiin aan cidi galin oo ay ka dhisan yihiin guryo aad u gaboobay ) galaye meesha inaga ja biya.



Haddii aqal walba aad ka maqlayasay garaaca albaabada laakiin aanu jirin aqal kaliya oo albaabka iska jabiyey, albaabada jeelkuna ay ahaayeey kuwo xadiid ah, ayaanu aniga iyo Daahir iskaga soo noqonay daaqaddii aaanu ka wada hadlaynay iyo bal inuu Daahir gidaa rkii la dumiyey dhaq-dhaqaaqiisa la socdo. Intaa ka dib waxaad maqlaysay baasuukayaal faro ku tiris ah oo xaggayaga u soo dhacayey halka dagaalka qaybtiisii badnay naga sii fogaanayso.



Waxaa mar qudhaata nagu kulmay iyadoo markaa saacaddu ahayd labadii duhurnimo oo gaw ah, raxan ka mid ah mujaahidiintii SNM oo jeelka ka soo galay xaggii danbe, ee ay jab iyeen iyo koox kale oo ka soo galay albaabka hore iyo qaybta dilka oo uu Illaahay naxar iistii janno isaga iyo intii dagaalkii xaqa ahaa ku shahiidayba ha

siiyee uu ka mid ahaa MaxamedCali oo ahaa sarkaalkii watay hawl galkaa jabintii  jeelka m adheera, waxaanan ku soo baxay ninkii sarkaalka ahaa ee Hargaysa nalooga soo badalay oo bahal curiya oo illaa maalintii Burco la soo galay, anagana albaabada nalagu xidhay wa ayey hilibkii uu maxaabiista la cuni jiray oo saruuradaysan oo margiga oo xabadi kaga dhacday ka hiigaaya.



Wuxuu ahaa dagaal aad u culus iyadoo ciidamada faqashta ee goobtaa jeelka ka  dagaala may tiradooda lagu qiyaasay in ka badan sideed boqol oo askari kana mid ahaayeey ciida madii laga qabsaday Cadaadlay, kuwii xerada madheera iyo kuwii qaybta kaydka hubka ee Barta iyo waliba ciidamo ka mid ah daraawiishta Hargaysa oo ahaa kuwii soo qaaday kont omeeye odayaal ah oo laga soo xidhay magaalada Hargaysa.



Waxaad arkaysay maydka askarta faqashta oo raxan-raxan madaxa iskula jira halka jabkii firxadkoodu ay ka soo jeesteen dhankaa iyo dhinaca magaalada Berbera.



Waxa maalintaa soo gabo-gaboobay, kun, afar boqol iyo kow iyo lixdan maalmood (1461) oo u dhiganta afar sanno iyo laba maalmood oo aanu gacanta ugu jirnay aniga iyo saaxi baday, taliskii siyaad barre, mudadaasi oo kun, sadex boqol iyo sagaal iyo sodon maalm ood (1339) oo ka mid ah una dhiganta sadex sanno iyo badh aanu ku jirnay jeelka madh eera.

Dhamaad.
 

 

 

 

 

Abdirizak Ibrahim Koshin
Alpho