Jaamacada Burco oo Maanta Xaflad Qalinjbina loo Sam eeyay Ardaydii Ugu Horaysay ee Heer Degree ah

 

Burco , March 12 , 2010 (TNN)-Waxaa maanta Xaflad qalinjebina loogu sameeyay hoolka  shir arka Jaamacada Burco arday gaadhaysa 93 arday kuwaasi oo ka qalinjebiyay kuliyadaha  ka la ah Shareecada iyo qaynuunka,Ganacsiga iyo Maaraynta,Xanaanada Xoolaha iyo Kuliyada Tababarka Macalimiinta.

Xafaladan ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay waxaanaka ka soo qaybgalay Madaxada Axsaabta Qaranka , Maamulka Gobolka kan Degmada ,Araday ,Waalid,Xildhibaano iyo Dadweyne aad u tira badan.

Ugu hoarayn waxaa halkaasi ka hadalay Gudoomiyaha Jaamacada Burco proffeser  C/raxma an Jaamac Ducaale waxaanu u hanba,yeeyay aqoonyahandan cusub ee u soo baxay Gobolka iyo guud ahaanba Somaliland waxaanu mahadgaara u soo jeediyay waalidiinta ku tabcay.

Waxaa isaguna xafladan ka hadalay Proffesorka guud ee Jaamacadaha Somaliland  Saleeba an Maxamuud Guuleed waxaanu sheegay inuu kala qaybqaadanayo farxadan ardayadan  wa xaanu si gaara u tilmaamay muuhiimda ay leedahay macalinimado taas oo uu tusaalooyin u soo qaatay sida inaan macalinku hore u gaboobin.

Waxa kale oo uu Saleebaan sheegay in jaamcadaha dalku ay tartan ku jiraan sidaas  daraad eedna ay kala hadhidoonaan markaana waxa uu tilmaamay in jaamacadaha dalku oo bataa ay faaido badan u leeyihiin.


Geesta kale waxaa isaguna madashan ka hadakay Duqa Degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan Dhegalaab oo sheegay in loobahanyahay in Gobolku uu gacamaha ay is qabsadaan oo wixii u dana ay ka fakaraan waxaanu sheegay in loo bahanayahay in lootago madaxweynaha oo la weydiiyo balanqaadkii uu u balanqaaday inuu u dirayo 3arday oo ka tirasan kuliyada xanaadnada xoolaha ee jaamacada Burco Dalka Malasia taasna looga fadhiyo gudiga  horum arinta iyo Maamulka Gobolka.

Waxaa isaguna erey sharafeedkii la siiyay waa Faysal Cali Waraabee ku amaanay Jaamacada Burco kuna tilmaamay mid horu socodweyn samaysay waxaanu Faysal ka dhawaajiyay in  xili gan ay jaamacada Burco tahay Jaamacada sadexaad ee dalka ugu horaysa marka la eego xaga aqoonta.

Waxay hadaba Madashii is bedeshay Faysal ka dib markii Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Xibiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi uu si farsamaysan u gada galay siyaasad dalka oo markii horeba intii aanay furmin xafladani layska waaniyay in wax aflagaado ah aan lays  odh an balse Muuse ayaa isaga oo ku misaalya dhanka ciyaarista kubada cagta sheegay in   ciya  arta la ciyaaro 90 daqiiqo markay dhamaatana lagu daro waqtidayac taas oo uu uga jeeday sida uu hadalkiisa u dhigay weeye in xukuumada hada jirtaa ka dhiganaahay taaa oo waqti daayacyo badan loogu daray balse ay weli taaganatahay oo tartankii diidantahay.

Waxaa isaguna hadalkaa ka xanaaqay oo jawaab ka bixiyay Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Jaamac C/Laahi Biin oo sheegay in xukuumadu u diyaartahay inay doorashada ka qayb  qaa dato cidwalbana ay la tartamayso doorsho xaq iyo xaalalna ay galayaan marka ay  komiisha nka qaranku asteeyaan maalinta ay dhacayso.

Waxaa kale oo uu gudoomiyuhu aad u dhaliilay dadka is qarxiya oo ku sheegay inay yihiin belaayo laga magan galo ilaahay sidaa daraadeedna loo baahanayahy in culimadu ay xaqa sheegaan.

Waxa hadaba sidii hore looga baratay aan manta u jaawaabin hadaladii ka soo yeedhayay madaxda axsaabta Mucaaridka ah xoghayaha guud ee xisbiga Udub Mudane Jaamac Yaasiin faarax oo isagu maanta ku bedelay hadaldii ay isweydaarsanjireen axsaabta mucaaridka tix gaaban oo uu ku amaanayo Jaamacada Burco.

waxaa soo xidhay xaflada Gudoomiyaha barlamaanka ee Golaha Wakiilada jamhuuriyda  Som aliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/Laahi (Cirro) oo isagu u hanbalyeeyay ardaydii  dha maysatay jaamacada sheegayna in isaga oo ku hadlaaya magaca Golaha wakiilada  Jamhuu riyada Somalilnd ay ugu deeqayaan Jaamacad Burco lacag Qadarkeedu dhanayahay 3000$.

Waxa iyana lacag gaadhaysa 1000$ ugu deeqay jaamacada burco labada xildhibaan ee kala ah Cali Mareexaan iyo Xildhibaan Waabeeye oo runtii lagu tilmamo inay yihiin xildhibaanada ugu dada yar Golaha wakiilda ee jamhuuriyada Somaliland asal ahaana ka soo jeeda Gobolkani Togdheer.

Ugu danbayntii waxaa gudoonsiiyay shahaado sharafyo dad loo aqoonsaday inay wax ka  qa bteen horumarka jaamacada Burco Wasiiro Dawlaha wax barashada ee Somaliland Mudane Maxamuud Garaad.

Isku soo wada duuboo xafladani ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee nooceda ah oo lagu  q abto magaalada Burco taas oo ah mid ay isku arkaan dad intaa leeg oo ku kala aragti duwan dhanka siyaasada.

 



Maxamed Cawad Maxamed

Free-lancer Burco Somaliland
E-mail:cawad05@hotmail.com