Madaxweyne Siilaanyo oo la sheegay inuu Cafis u fidiyey Siyaasiga
Jaamac Maxamed Qaalib oo Dhawaan dalka ku soo laabanaya
Adis Ababa (TNN) : Warar laga helay Ilo ku dhow weftiga Madaxweynaha
oo dib uga dhacay shalay Safar ay ku tagi lahaayeen dalka Shiinaha
ayaa sheegay Madaxweyne Siilaanyo intii uu ku sugnaa magaaladda
Addis Ababa inuu Cafis u fidiyay Siyaasiga reer Somaliland
Jaamac Maxamed Qaalib ,kaasoo la filayo
inuu Dalka dib ugu soo laabto.
Illaa hadda ma jiro War rasmi ah oo
xaqiijinaya arrintan, laakiin waxay Wararku sheegayaan inuu
beryahanba jiray xidhiidho dhex marayey Madaxweynaha iyo Jaamac
Maxamed Qaalib, mana cadda inuu jiro Cafis uu soo weydiistay
Madaxweynaha sidii ay horeba u yeeleen rag ay isku fikir ahaayeen oo
ay ka mid yihiin Cismaan Kaluun iyo Sifir.
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
iyo wef tigii uu hoggaaminayay ayaa la filayey inay xalay saqdii
dhexe ka dhoofeen dalka Itoobiya una kicitimeen dalka China, iyaga
oo shalay a kulan kula yeeshay Magaalada Addis ababa safiirka
dawlada Ingiriiska u fadhiya Itoobiya Md, Norman Ling. Sidaasi waxa
lagu sheegay war saxaafadeed uu xalay soo saaray
Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed
Daa hir (Cukuse) oo sidoo kale ka
hadlay sababta dib u dhigtay Weftiga waxaanu u dhignaa sidan:-
“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo
Weftiga uu hogaa minaayo ayaa caawa (Xalay) Saqda dhexe ka duulaya
Magaalada Addis-ababa ee Dalka Eth iopia iyaga oo u sii jeeda
Magaalo Madaxda Wadanka Shiinaha.
Safiirka Wadanka Ingiriiska u fadhiya Magaalada Addis-ababa ee
Ethiopia Mr. Norman Ling, British Ambassador ayaa isaguna waxa uu ku
soo bookhday madaxweynaha iyo weftigiisa Hotel-ka uu degan yahay ee
Addis-ababa waxaanay Safiirka iyo Madaxweynuhu kulankaa kaga wada
hadleen Arrimo Muhiim u ah xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada
wadan ee iskaashiga dhinaca nabad-gelyada iyo dhaqaalaha.
Sidoo kale wasiirka arrimaha debada ee Somaliland mudane Maxamed
Cabdilaahi Cumar ayaa saaka gelinkii hore kulan la yeeshay wasiiru
dawlaha Arrimaha debeda ee wadanka Ethiopia kulankaas oo daba
socotay kulamadii ay wasaarada arrimaha debedu la yeelatay weftiga
Somaliland ee kusugan Addis ababa.
kulankan waxa ay labada dhinac kaga wada hadleen meel-marinta
qodobadii ay labada dhina c hore isugu afgarteen ee dhinacyada
nabad-gelyada, ganacsiga iyo isu socodka labada shacbi ee labada
wadan.
Weftiga madaxweynaha Somaliland mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
oo ay hore u qorshaysnayd in ay habeen hore ka duulaan Addis ababa
ayaa dib u dhac maalin ah oo ku yimid safarka madaxweynuhu uu caawa
ugu kicitimayo wadanka shiinaha waxa uu ku xidhiidhsan yahay dib u
dhicii hore ee ay sababtay diyaaradii uu madaxweynuhu ka raacay
hargeisa oo keentay in uu habeen ku dhaxo Madaxweynuhu dirir-dhaba
taas oo sababtay in ay is riixaan balamihii uu madaxweynuhu la lahaa
Masuuliyiinta iyo dawladaha uu kula kulmay Addis ababa.iyada oo ay
kulamadaasi ahaayeen kuwo muhiimad weyn u leh danta dalka Somaliland
oo aan la lumin Karin.”
Source: Wargayska Hargaysa Star
|