Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Dalka Qatar oo xaf lad soo dhawayn iyo xog waraysiya ku qaabilay Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud ( Sheekh Aadan Siiro)
 

 


Doha Qatar (TNN)-Waxa Xalay oo taariikhdu ahayd 21 Feberuary 2010 ka dhacay magaalada Doha ee Dalka Qatar , Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhawaynayay Sheekha Caanka ah ee reer Somaliland Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud ( Sheekh Aadan Siiro) oo dhawaan socdaal rasmiya ku soo gaadhay magaalada Doha ee Dalka Qatar.

Xaflada Xalay oo ay soo Agaasimeen dhalinyarta Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Doha , marki sheekhu soo gaadhay Huteelka xafladu ka dhacaysay ayaa waxa mar kaliya la isla oog saday sacab iyo farxad lagu qaabilay Sheekha oo aad loo ga sugayay magaalada Doha dadkuna ay aad ugu farxeen imaatinkiisa.

Bilawgii hore ee xaflada waxa ka hadlay Cumar Xuseen Ducaale oo ku hadlayay magaca  Jaaliy ada reer Somaliland ee ku dhaqan Dalka Qatar , cumar wuxu aad ugu dheeraaday taariikhda  sh eikh Aadan Siiro iyo kaalinta uu kaga jiro culimada iyo bulshada Soomaalilaand , doorki shariifka ahaa ee uu ka soo qaatay Halgankii dalka lagaga xoreeyey taliskii dhiigya cabka ahaa ee Siyaad Barre iyo kaalinta uu manta kaga jiro Bulshada reer Somaliland , waxa kale oo uu Cumar  tilmaa may Kaalintii uu Sheekhu ku lahaa dibu dhiskii dalka oo ilaa maanta aanu ka nasan mar kaliya sidii uu wax u tari lahaa bulshadiisa hadday tahay aqoon iyo wax qabad ba , ugu danbayntii  Cu mar Xuseen Ducaale wuxu cod baahiyaha si xushmad iyo qadarin leh ugu soo dhaweeyey  Caal imka Reer Somaliland Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo ku bilaabay Hadaladisii kalmado ay ka mid yihiin “ Ilahay baa Mahadleh Ilaha (SWT) nimco inoo siiyey Islaamnimada ee inaga dhigay dad muslimiin ah , wuxu sheekhu si guud u salaamay dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland sida culimada, odayaasha , aqoon yahanka , dhalin yarada iyo haweenka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan wuxu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Qatar gaar ahaan dhalin yaradii soo qaban qaabisay xafladan quruxda badan , sheekhu wuxu halka ka sheegay sababta uu Dalkan Qatar u yimid in ayna  aha yn dan gaara oo uu isagu leeyahay balse ay tahay dan caama oo uu ugu adeegayo shacbiga reer Somaliland wuxu tilmaamay in Islaamnimadu ay tahay in wixi wanaagsan aad ugu adeegto dadkaaga iyo dalkaaga mar kasta iyo goob kasta oo aad joogto , Islaamnimadu waa in naftaada iyo nafta dadka kale aad ku ilaaliso oo aad kaga ilaaliso wixi xun oo dhan , wuxu sheekhu  tilma amay in Somaliland ay tahay wadan jira oo xuduudo sugan leh , Dastuurkiisu ku salaysan yahay Diinta Islaamka , calankeeduna uu ku qoran yahay kalimatul Tawxiid wax ka sareeya aysan jirin.

Sheekh Aadan Siiro oo markii uu hotelka xaflada lagu qabanayay hore ugu arki wayay Calanki Jamhuuiriyada Somaliland ayaa si kaftan ah u yidhi in ayna indhihiisa qaban Calankii Tawxiidku ku xardhanaa ee Jamhuuriyada Somaliland isla markaana uu jeclaan lahaa in goobta la sudho hadalkaasi oo sacad badan ka dhacay aad loogu wada riyaaqay sida wadaniyada leh ee uu u tabayo calankii wadankiisa meel kasta oo uu joogo ( inkastoo dad badan ay xidhnaayeen  shaa dhadh iyo garamo calanka Somaliland ah ) , waxa si cag fudud u dhaqaaqay qaban qaabiyaashi xaflada oo goobta soo sudhay calankii isla markana luqunta u sudhay sheikha Calanka  Jamhu uriyada Soomalilaand halkaas oo marki calanka luqunta loo sudhay uu aad ugu duceeyey  bulsh ada reer Somaliland.

Qudbadii sheekha oo dhinacyo badan taabanaysay waxa sheekhu ku nuux nuuxsaday in  Somal iland u baahan tahay isbedel , isbedelkaasi oo ah mid ku dhisan xigmad iyo caqli oo ah in nolosha bulshada halkan hore looga si dhaqaajiyo, wuxu sheekhu tilmaanay in Islaamku ogol yahay Isbedel ku dhisan xigmad , shareecada Islaamka in lagu xukumo wadankana uu ku baaqayo si gradually ah oo xigmad iyo aqoon ku dhisan , isagoo si faahfaahinaya isbedelku noocu yahayna wuxu yidhi ,” Wixi hore wax ka yar in la keeno islaamku ma ogola ,wixi hore wax ka sii liita in la keeno Islaamku ma ogola ,wixi wax la mid ah Islaamku ma ogola , wixi wax ka wanaagsan ayuu islaamku ina farayaaa oo kaliya “ , – sheekhu wuxu ku dheeraaday nimcada reer Somaliland haystaan oo ay ugu horayso Nabada iyo Khayraadka dihin ee wadanku leeyahay , mar uu ka hadlayay Nabada wuxu yidhi “Hargeysa iyo Magaalooyinka kale ee Somaliland wakhtiga aad doonto ayaad socon kartaa adigoo Ilahay moyee cid kale aan ka cabsoonayn” waxay tani  muu jinaysaa heerka nabada ee aynu haysano oo ay tahay in Ilahay loogu mahad naqo markaad bar bardhigo dhibaatooyinki wadankan soo maray oo ay jirtay wakhtiyada qaar in labada  duhurni mo la xaroon jiray cabsi darted.

Sheekhu waxa kale oo uu aad ugu dheeraaday , Xoriyada diinta Islaamka ee ka jirta Somaliland oo ku tilmaamay in ayna ka jirin wadamo badan oo waa wayn oo Islaam ah , wuxu tusaale u soo qaatay waagii sideetameeyadii isagoo Hargeysa Cashar tafsiir ah ka dhigaya in loogu hanjabay marar badan in la dili doono haddii aanu joojin duruuska Islaamiga ah ee uu wado , maantana ay ka dhisan yihiin in ka badan 380 Masjid oo 28 cashar oo tafsiira ahi ka socdaan magaalada  Har geysa oo kaliya maxaad u malayn magaalooyinka kale ee Somaliland , Waxa Dugsiyada  Islaam iga ah oo kaliya ku jira 120,000 oo arday oo 60.000 oo hablood oo xijaabani ay ku jiraan , waxa jooga in ka badan 30,000 oo qof oo xufaada waa nimcooyinka Ilahay in loogu mahad naqo ay tahay manay suurto gasheen la’aanteed haddii aanay amni iyo dawladnimo ka jirin Somaliland.

Sheekhu mar uu ka hadlayay , baahida wadanka taal waxa ka mid ah biyo la’aanta Hargeysa oo uu ku tilmaamay in si dag dag ah wax looga qabto “ Magaalada Hargeysa oo caasimadi  Somalil and ah waxa biyaha u soo qaada laba pipe oo duugoobay oo u baahan in la badalo , caasimada oo hadda ay ku nool yihiin 1.5 Million qof kuma filna in laba bayb oo duugoobay biyaha u soo qaadaan.wakhtigi la dhisay , dadka manta magaalada ku nool na ay ka badan yihiin dadki ku noolaa wakhtigii la galiyey biyaha magaalada Hargeysa.

Sheekhu wuxu kula dardaarmay Bulshada reer Somaliland ee qurbaha ku nool in ayna Iloobin wadankoodi oo ay tahay halka kaliya ee ay sharaf tooda iyo karaamadoodu taalo , wuxu ku waaniyay bulshada inay diintooda iyo wadankoodaba ilaashadaan kuna dadaalaan sidii ay wax ugu qaban lahaayeen meelkasta oo ay joogaan.

Qudbada sheekha oo aad u dheerayd socotayna in ka badan laba saacadood , ka dib waxa la guda galay in hadalka lagu wareejiyo xubno ka mid ah Jaaliyada Reer Somaliland ee Qatar  wa xana halka ka hadlay Yuusuf Maxamed Faarax ( Buux) iyo Axmed Bare oo ku Hambalyey  shee kha booqashada uu ku yimid Dalka Qatar iyo qudbada qiimaha badan ee uu halkaa ka jeediyey sidoo kalena tilmaamay geesinimada sheekha iyo wax qabadkiisa tirada badan.

Ka dib waxa la guda galay in suaalo dhawr ah uu sheekhu halkaa kaga jawaabay dhamaantood si farxad iyo qaneeco leh uu uga jawaabay , su’aal ka mid ahayd suaalaha xiisaha leh ayaa  wa xay ahayd in Somaliland xidhidh la samaysan karto Israil iyo inkale wuxu sheekhu kaga  jawaa bay “ Maadama oo Somaliland tahay Dal Muslim ah in ayna banaanayn in xidhidh lala samaysto Israil inta ay haysato dhulka Muslimiinta” Somaliland na sida dastuurka ku qoran ee ku cad ilaa Charter ki ururka SNM ee dalkan xoreeyey, shirarkii nabadaynta ee kala duwanaa ee dalka ka dhacay mid walba waxa sal u ahaa in wixi Diinta Islaamka ka hor imanaya ayna banaanayn.

Waxa kale oo suaalaha sheekha la waydiiyey , ka mid ahaa midnimada umada Muslimiinta ah ?? , waxaanu ku tilmaamay in midnimada umada muslimiinta ahi ay tahay waajib la ina faray , laakiin ay jirto duruufo badan oo ay ka mid tahay maalinta 57 ka dawladood ee Islaamku ay midoobaan haddii Somaliland ka hadho ay qaldan tahay , wakhtiga aynu maanta joogno maadama oo ayna rajadasi muuqan in nin walba gurigiisa hagaajisto ayaa waajibku yahay.

Gabo gabadii , xaflada waxa sheekha lala boobay salaan iyo mucaanaqo uu qof walba is  leeya hay sheekha yaanu kaaga horayn , waxaana xaflada ka muuqatay gacal siyaado ah oo loo  qab ay Sheekh Aadan siiro oo ah sheikh muujiyey Wadaniyad iyo wax qaban joogto ah ilaa  yaraa ntiisiina ku can baxay firfircooni iyo inu u adeego danta umada markasta , Ilahay ha ka Abaal mariyo wanaaga uu bulshada mar walba ka dhex wado Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud ( Aadan Siiro) cimrigana ha u siyaadiyo.





By:Maxamed Dubbe

Doha,  Qatar
mohamedkhadar@msn.com