Isu soo bixii taariikhiga ahaa ee 20 guuradii ka soo wareegtey kala noqoshadii labada dal ee Somaliland iyo somalia wuxuu ahaa fariin ay shacabku u direen cidkasta

 



 


Ilaahay baa mahadleh, ilaahay inaga dhigay dad muslimiin ah. Waxaan muran ku jirin siday shacabk a Somaliland uga go,an tahay inay naf iyo maalba isla garab taagaan jiritaankooda muqadaska ah. Waxaa xusid mudan sida ay shacabku mar keliya u qaateen dhawaaqii iyo fariintii madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Fariinta madaxweynaha oo aan odhan karo waxaa ka muuqdey xeel dheeri siyaasadeed iyo daacadnimo. Madaxweynaha oo ka mid ah inta ka sii nool mujaahidiintii u sacrifies gareysay wadanka, ayaa hadaladiisa iyo stratiijiy adihiisa siyaasadeed waxaad ka dhex arkaysaa inuu weli umada reer somaliland ugu jiro halgan uu doonayo inay ka mid noqdaan bulshooyinka caalamka ee la aqoonsan yahay.

 

Dhaq-dhaqaaqan siyaaasadeed ee ay ku talaabsatey xukuumada somaliland iyo shacabkeeduba wa xay dhirbaaxo xun ku noqotey cid kasta oo ku hawlanayd inay shaki geliso jiritaanka somaliland, isla markaana waxay guul weyn oo siyaasadeed u soo hoysey Somaliland. Shacabka somaliland oo ah s hacab leh qiyam iyo u jeedo fog ayaa caalamka tusay sida ayna marna uga laaban karin go'aankoo da ah inay kala noqdeen iyaga wixii laysku odhan jirey Somalia. Shacabka Somaliland oo ahaa kuwii markii horeba iyagu sameeyey Somalinimada ayaa dhibaato xoog leh kala kulmay midowgii ay iyagu horseedka ka ahaayeen, taasina waxay keentay inay boqsato meeshii u xanuuni jirtey somalinima da, inkastoo aanay shacabka Somaliland dhibaato la jeclayn walaalahooda Somalia, hadana waxaa ka go'an in sidii lixdankii lakala ahaado.



Isu soo bixii taariikhiga ahaa ee shacabka Somaliland sameeyeen wuxuu ahaa dhoolatus iyo fariin ku socota cidkasta. Waxay fariin u ahayd bulshada caalamka oo iska indha tirtey xaqiiqada dhabta ah ee somaliland ka jirta, iyadoo aan arinkaas ku tilmaami karo cadaalad daro iyo hagrasho caalamk u kula kacay Somaliland. Waxay aqoonsadeen meelo aan dawladiba ka jirin sida Koonfurta Suudaan, Kosovo, Erateria iyo wax la mid ah.Waxay kaloo fariin u tahay cidkasta oo ku hawlan shirqoolo ka d han ah jiritaanka somaliland. Shacabku waxay fariintoodaasi u quus-goysey cisaabo kasta oo la da macsanayd inay wax yeelayso nabad gelyada guud ee qaranka, magacay doonaanba ha sidatee.
 

 

 

 

 

Ahmed Nur Fahie
ibnufahie@hotmail.com