“Arinta UCID Maaha Inay Noqoto Waran-Waran Ku Taag, Hadii Uu Faysal Diiday InuuSharciga Maro, Maaha In Iyaguna Ay Wadada Sharciga Ka Leexdaan, Faysal Cali Waraabe Waxa Lagu Soo Doortay Shirwayne”

 



“Xildhibaanada Kulmiye Iyo Udub Ee Baarlamaanku Laftooda Far Ayaa Ku Godan Oo Dhinac Ayey Ka Raran Yi hiin, Waxaanay Ku Dagaalamayaan In Lacag Qayrul Caadiya Lagu Diwaangaliyo Ururadda
Eng. Ismaaciil Aad an Cismaan

 

Hargeysa (TNN) – Wasiirkii hore ee dawladii Rayaale ee Arimaha Gudaha Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil Yare) ayaa ka hadlay khilaafka cakiran ee ka dhextaagan xisbiga mucaaridka ah ee Ucid iyo halka uu salka ku hayo, isla markaana waxa uu sheegay in guddoomiyaha sharciga ah ee Ucid uu yahay Eng. Faysal Cali Waraabe.

Ismaacil Aadan ayaa waxa uu tilmaamay in Guddoomiyaha Ucid xilka uu xisbigaas u hayo lagaga qaadi karo oo kaliya shirwaynaha xisbigaas, waxaanu tibaaxay in arinka labada garab ee Ucid inay yihiin waran-waran ku taag.

Guddoomiyaha urur siyaasadeedkii dhawaan Hargeysa lagaga dhawaaqay ee PDP Eng. Ismaaciil Aadan waxa kale oo uu ka hadlay xeerka furista ururada ee Baarlamaanka horyaala, kaas oo uu sheegay in lacagta uu ma daxwayne Siilaanyo soo jeediyey in lagu diwaangaliyo ururadu inay tahay lacag culays lagu saarayo siyaasiy iinta rabta inay furtaan ururada siyaasada.

Ismaaciil Aadan Cismaan waxa uu sheegay in xildhibaanadda Baarlamaanka ee xisbiyada Kulmiye iyo Ucid in ay ku dagaalamayaan sidii lacag badan loogu xidhi lahaa furashada ururada, waxaanu sidaaas ku sheegay mar uu shalay waraysi khaas ah Haatuf ku siiyey Hutel Guuleed ee magaaladda Hargeysa.

Wasiirkii hore ee daakhiligu waxa uu ka hadlay dilalka soo noqnoqanay ee ka dhaca Laascaanood iyo waxyaabaha lagaga bixi karo, waxaanu tilmaamay in loo baahan in dadka deegaanadaas la soo dhaweeyo.

Ugu horayna isaga oo arinta ururada hadlaya, waxa uu yidhi “Waxaan Madaxwaynaha uga mahad naqayaa sida uu uga badheedhay qadiyadda furista ururadda siyaasada, kaas oo si sharciga waafaqsan ka dhawaajiyey rabitaanka shacbiga reer Somaliland, isla markaana u gudbiyey golaha sharci dajinta si ay waajibkooda iyaguna ugaga soo gutaan. Waxa kale oo aan madaxwaynaha ku amaanahay sida uu cidii ku shaqada lahayd ugu diray wax ka badan inay ku soo sameeyaan shuruucda xeerkaas, arintaasina waxa ay cadaynaysaa inuu madaxwaynuhu oofiyey qayb ka mid ah balanqaadadii uu hore u galay. Hadaan u soo noqdo su’aasha ah waxa aan ka qabo qadarka lacagta ah ee lagu xidhay furashada ururada, madaxwaynaha Somaliland Axmed Siilaanyo wakhtigii uu diwaangalinayey xisbul xaakimka wakhtigan ee Kulmiye waxa lagu diwaan galiyey wax ka yar $700, taas oo lagu qiimaynayo sarifku wakhtigaas halka uu taagnaa, laakiin hadii la raaco Rate-kii dawladda u yaalay sarifka wakhtigaas waxa uu noqonayaa $400. Go’aankan uu madaxwaynuhu ka qaatay lacagta lagu furanayo ururada ee uu soo jeediyey in lagu furto $25,000 waxa ay iila muuqataa culays la saarayo daneeyayaasha ururadda siyaasada, isla markaana waa arin u dan ah cid ala cid wal oo markii hore-ba ka soo horjeeday in urur la furto sida Udub, Kulmiye iyo Ucid-ba. Waayo sadexda xisbi ee hada jiraa waxa ay doonayaan in $100,000 in laga dhigo si aanay cidiba u hungurayn oo aan iyagana meesha looga saarin. Laakiin marka aynu dib ugu noqono xisbul xaakimka Kulmiye oo lagu diwaan galiyey wax ka yar $700 in maanta madaxwayne Siilaanyo uu yidhaahdo $25,000 ha lagu diwaangaliyo waxaan u arkaa arin aan macquul ahayn, kamanaan filaynin madaxwaynuhu inuu qadarka lacageed ee intaas leeg inuu yidhaahdo ha lagu diwaangaliyo ururadda siyaasada, waxaanay noqonaysaa arin ka liicday ninka muwaadinka ah ee jecel inuu dalkiisa u shaqeeyo. Anagu hadii aanu nahay daneeyayaasha ururadda gudida arimaha gudaha ee wakiiladda waanu la kulanay, waananu u sheegnay in arintani ay tahay culays wayn oo la saarayo muwaadiniinta xaqa u leh in ururo ay furtaan, intayadii badnayd waxa aanu soo jeedinay in ugu badnaan $5,000 lagu diwaangaliyo, isla markaana waa macquul $5,000 ilaa ugu badnaan $10,000 laakiin waxa caqli gal noqon wayday afar jibaarka uu madaxwaynuhu wixii macquulka ahaa ku afar jibaaray. Waayo cida rabta inay urur furato waxa jira shuruudo kale oo aan lacag ahayn oo lagu xidhayo, arintaasna kolay hada baarlamaanka ayaa gacanta ku haya iyagana kama filayo in wixii madaxwaynuhu soo jeediyey wax ka duwan ama inay ku dhawaaqi doonaan, waa marka laga tagi waayo ee xaqiiqda lagu sii siqo waxa u badan tahay wax aan wax wayn ka duwanayn dhawaaqaas madaxwaynaha in iyaguna ay la shir iman doonaan. Xaga Baarlamaanka waxa la isku haystaa oo ay raga qaar leeyihiin $20,000 ha laga dhigo qaarna waxa ay leeyihiinba $30,000 ha laga dhigo, markaa iyagana waxa ii muuqataa waxa ka soo bixi doonaa inay intaas aynu soo sheegnay inta u dhaxaysa uun ay noqon doonto. Sababta oo ah aniga iima muuqata in ay Baarlamaanka laftigooda ay arinta ka eegayaan dhinaca cadaaladda ee waxa ii muuqata inay dhinac ka raran yihiin qudhoodu, gaar ahaan xildhibaanada Kulmiye iyo Udub waxa ay ku dagaalamayaan lacag Qayrul caadiya oo badan, si aan cidinaba ula tartamin, inkasta oo aanay ii muuqan-ba Udub soo bixi karta oo dhisani. Sababta oo ah inta la isku diyaarinayo tartan Udub malaha gole dhexe iyo mid fulineed-ba, shirkii anaga barigii nalaga saaray sadex nin ayuun-bay wax ka go’ayeen oo xisbiga afduubtay walina kuwii ayuunbuu xisbigu u afduuban yahay”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana oo Ucid ka hadlayana waxa uu yidhi “Xisbiga Ucid waad aragtaan halka ay iyaguna marayaan oo tii shalay oo ugu danbaysay gacanta la iskula tagay ee laba garab noqdeen. Waxaanay u muuqataa in garabka leh Faysal Cali Waraabe meesha ka dhaadhac inay badan yihiin, isla markaana ay yihiin nimankii isaga la shaqaynaysay oo majooratiga leh. Laakiin arintu maaha inay noqoto waran-waran ku taag, hadii uu Faysal diiday inuu sharciga maro maaha in iyaguna ay wadada sharciga ka leexdaan, waayo Guddoomiyaha Ucid Faysal Cali Waraabe waxa lagu soo doortay Shirwayne isaga iyo madaxwayne ku xigeenkiisaba, xoghayahana shirwayne markaa waxa loo baahan yahay in la fahmo asbaabaha xilka lagaga qaadi karo waxay noqonayaan shirwayne, inkasta oo aanan anigu xeerkooda aanan haynin hadana sharci uma arko in guddi fulineed oo fadhiisatay ay tidhaahdo waanu kaa qaadnay guddoomiye-nimadii. Qolada kalena waxa ay ahayd inay shirwayne ku dhawaaqaan oo ay dhaqaale-na samaystaan sidaas ayuun bay xil ka qaadista Faysal inay ku xalaaloobaysa aan u arkaa.

Faysal Cali Waraabe waa guddoomiyaha xisbiga Ucid, isla markaana waxa uu hore ugu dhawaaqay mar uu Ceeri-gaabo ka hadlayey inuu xisbiga ku wareejin doono C/raxmaan Ciro. Waxa fiican in dadkeenu ay fahmaan in ninka Guddoomiyaha xisbiga ahi inuu mar iyo laba iyo sadex iyo afarba uu isa-soo taagi karo waa hadii uu haysto kalsoonida xisbigiisa, waxa taas ka duwan oo ay dadkeenu inta badan isku khaldaan madaxwaynaha ayaa marka uu tartan galo isaga oo madaxwayne ah oo uu mar iyo laba helo madaxwayne-nimada aan mar sadexaad distuurkeenu u ogolayn inuu isa soo sharaxo. Waxaanan aamin-sanahay in waxa qudha ee ay maanta ku kala bixi karaan garabyada isku haysa xisbiga Ucid inay tahay sharciga iyo Maxkamadda oo ay iskula noqdaan, isla markaana ay shirwayne qabsadaan oo uu Faysal isa soo taago lagagana helo tartankaas xisbiga dhexdiisa”.

Ismaaciil Aadan Cismaan mar uu ka hadlayey qabyaaladda iyo saamaynta ay Somaliland ku leedahay, waxa uu yidhi “Waxa aad moodaa in kolba dawladii timaadaa ay Qabyaaladii ay soo foqayso oo ay boodhka ka tumayso, waxaan qabaa in aynaan taas waxba inoo soo kordhinayn oo aan dib u dhac ahayn, sababta oo ah hadii aynu qabyaalad wax ku qaybsano oo aynu isku taageerno halka aynu maanta taaganahay in aynu dib uga dhacno mooyaane waxba inoo soo kordhi maayaan. Qabyaaladda marka xaga diinta loo noqdo Ilaahay ayaa yidhi waxa aanu qabaa’il idinka dhiganay si aad iskugu kala garataan oo dee qabaa’il kala duwan waynu kala nahay, laakiin waxa aan quruxbadnayn inaynu xaga xun kaga dhaqano oo aynu dadka ku soo kala dhawaysano. Anigu madaxwayne Siilaanyo waan kala taliyey arintaas, waxaan ku idhi madaxwayne maanta kol hadii aad ku guulaysatay taladii dalka, maadaama oo deegaan walba la odhanayo ha loo magacaabo Badhasaabadda u dhashay gobolkaas, taas ka daa waxaad u magacawdaa gobol walba nin aan u dhalan Badhasaab uga dhig. Taliye-yaasha qaybaha ee mid walba la odhanayo hebel baa u dhashay deegaankaas ka daa oo si dadku isku dhexgalaan nin walba deegaan aanu u dhalan u magacaw, taasi waxay keenaysaa in dadkeenii is dhexgalaan oo qabyaaladiina meeshii ka baxdo”.

Eng. Ismaaciil Aadan Cismaan mar uu ka hadlayey kala duwanaanta dawladii Somaliland iskaga danbeeyey ee hogaaminayayaashoodii waxa ay dalka ku soo kordhiyeen, waxa uu yidhi

“Xaga kala duwanaanshaha dawladihii dalka soo maray hadii aynu ku yar hakano, dawladdii Marxuum Cigaal Somaliland wax wayn ayuu ku soo kordhiyey oo waxa uu inoo sameeyey aas aaskii dawladd-nimo. Waxyaabaha maanta keenay in aynu halkaa joognana waxa keenay hanaankii uu inoo jeexay, sababta oo ah waxa uu inoo soo sameeyey Inkaa’niyaadkii dawladd-nimo oo dhan, haday noqon lahayd Qaramaynta ciidamadda, lacag inoo gaar ah oo aynu helno, dib u heshiisiintii beelaha Somaliland, astaantii iyo calankeenii iyo dhamaanba hanaanka dawladdi ku shaqayso. Rayaale laftiisa inkas oo uu ahaa nin aanu siyaasada in badan ku soo wada jirnay oo aanu isku jeclayn siyaasada in badan, kuna colownay markii uu diiday waxa aanu xaqa u leenahay muwaadiniin ahaan, intii aan xilka hayey waxaan ula shaqaynayey si daacad-nimo ah, markii uu xilka iga qaadayna kumaan mucaaridin ee waxaan siin jiray wixii talo oday-nimo uu iiga baahdo oo dhan, laakiin waxaanu kala fogaanay oo aanu kala tagnay maalintii aanu nidhi xaq ayaanu u leenahay in aanu isla kaa soo taagno oo aanu kula tartan, waa kii taas noo diiday ee albaabada naga xidhay ee yidhi ilama tartami kartaan oo ay isaga iyo Axmed Yuusuf Yaasiin iyaga iskugu dhawaaqeen inta ay soo urursadeen dad aanaan garanayn oo aan xisbiga ahaynba. Isku soo wada duuboo Rayaale mudadii uu joogay wax ayuu qabtay tamartay doonto ha leekaatee oo dalka meel ayuu soo gaadhsiiyey. Madaxwayne Siilaanyo-na mudadaa sanadka ah ee uu joogay wax ayuu qabtay inta u hadhayna waxaan Ilaahay uga rajaynayaa inuu wax uun qabto. Run ahaantii ma jecli in mucaaridadu ay inaga noqoto mid wax burburisa ee waa in ay noqoto mid wax dhista”.

Eng. Ismaaciil isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya isbadal ku yimid dad aan Kulmiye ugu ololayn jiray oo hada ku mucaarid ah, waxa uu yidhi

“Hadii aanu nahay qolooyinka is-badal-doonka ee daneeyayaasha ururada waxa aanu xukuumadda ka horjoognaa qolooyinkii wakhiyadii Kulmiye uu ahaa mucaaridka ee aan anaguna ka tirsanayn Udub ee xataa inay Ajal u gooyaan ay ka suurtoobaysay heer ay Kulmiye jacaylku ka gaadhay ayaa maanta meel walba ka leh waar waxani dawladna maaha tii Rayaale ayaa dhaantay. Waxaanu ku nidhaahdnaa waar waa xukuumadii aad shalay doorateene u kaadiyo ha laba jirsatee, Waxaanan madaxwayne Siilaanyo ugu baaqayaa inuu ilaaliyo cadaaladda iyo sinaanta.

S: Maadaama oo ay u dhawdahay in ay golaha sharci dajintu ay soo fasaxaan furista ururada siyaasada, rajo intee leeg ayaad ka qabtaa in ururkaaga PDP uu ku soo bixi doono tartanka ururadda siyaasada?

J: Run ahaantii wax walba waxa uu ku xidhan yahay qadarka Alle, qof walba waxa uu Ilaahay u qoray ayuu calfanayaa oo maalintii uu dhashay loo qoray, markaa taasi waa Qaybka oo anigu ma garan karo oo xaga Ilaahay ayey ku maqan tahay. Laakiin hadii aan ka hadlo fikirkayga binu-aadam-nimo iyo waxa aan filayo, waxaan 100% ku rajo waynaha in ururkaygu soo bixi doono oo uu ka mid noqon doono sadexda xisbi ee ku soo baxa, Ilaahayna waxaan ka rajaynayaa inuu taas iga aqbalo.

S: Hadii ay dhacdo in ururkaagu ku soo baxo sida aad sheegtay inaad rajaynayso, maxaad is leedahay waad ku soo kordhin doontaa Somaliland?

J: Anagu hadii aanu ku guulaysano tartanka ururadda, isla markaana aanu ku guulaysano talada dalka wax badan ayaanu ku soo kordhin doonaa hadii Alle yidhaahdo, shaqo abuuris badan ayaanu samayn doonaa oo dhalinyarada ayaanu siyaasada u ogolaan doonaa inay ka qayb galaan rag iyo dumar-ba. Waayo waxa loo baahan yahay ee aduunyadu maanta isku dhaaftay waa hadba sida looga faa’idaysto maskaxda cusub iyo dhalinyarada. Maanta anigu nin yar ma yihi waxaan ahay dhawr iyo kontan jira, isla markaana waxaan garan karayaa wakhtigii aan 30 jirka ahaa wixii aan qaban karayey in aanan maanta qaban karaynin, sababta oo ah barina waxa aan maanta qaban karo way igu sii adkaanaysaa oo da’daydii ayaa sii kordhaysa. Insha Allaah hadii ay dhacdo inaanu taladda dalka mar uun ku guulaysano dawladda-yadu waxa ay noqon doontaa mid ay dadku fajacaan oo dhabanka gacanta la saaro, waxa dhici doonta in la arko nin dhalinyar ah oo aqoonyahan ah oo wasiir ah oo 30 jir ah. Masuuliyiinta waawayn ee dalka waxa ay noqon doonaan dad la taliyayaal ah oo khibradooda laga faa’idaysto.

Hadii ay dhacdo inaanu taladda dalka ku guulaysano waxaanu mihiimad wayn siin doonaan waxa ay tabanayaa shacbiga goboladda Sool, Awdal iyo Sanaag bari, sababta oo ah waa milixda Somaliland dhamaan deegaanadaas oo dhami.

S: Sideed u aragtaa socdaalkii dhawaan madaxwayne Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminayey ay kaga qayb galeen wanqalka dalka cusub ee Koonfurta Suudaan iyo saaxiibkaas cusub ee ay Somaliland ku yeelatay Afrika?

J: Run ahaantii xidhiidhkaas cusub ee aynu la yeelanay Koonfurt Suudaan waa mid aan soo dhawaynayo,isla markaana meeqaamkeenii kor ayuu u soo qaaday oo madaxwaynaheenii sida meeqaamka madaxwaynayaasha kale ayaa loo soo dhaweeyey. Hadana waa in xaqiiqda loo sheego shacbigeena, anigu wax wayn oo soo kordhay uma arko in dal Afrikan ah ah oo waliba hada aduunyada ku soo biiray oo aan saamayn wayn-ba ku lahayn Afrika. Dalkan cusub ee Koonfurta Suudaan-na wax ka duwan mawqifka ay dawladdaha kale ee African-ka ahi ay Somaliland ka taagan yihiin ilama aha inuu ka istaagayo qadiyadeena, laakiin siyaasiyan hadana marka dhinac laga eego waa wax lagu farxo in madaxwaynaheena meeqaamkaas lagu soo dhaweeyo. Waad ogayd wakhtigii aanu anagu xukuumadii hore ka tirsananayn si aan loo soo dhawayn madaxwaynihii wakhtigaas ayaa loo soo dhaweeyey madaxwayne Siilaanyo, sababta oo ah waxa madaarka ku soo dhaweeyey madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana waxa loo dhigay Rooga cas ee loo dhigo madaxda caalamka, waxaana loo garaacay Muusigeenii oo ciidamadii ayaa salaamay, markaa anigu waxaan u arkaa wali in darajadaas mid la mid ah oo lagu soo dhaweeyo madaxwaynaheena inaanay jirin. Soo dhawayntaas uu madaxwayne Siilaanyo kala kulmay wakhtigaas dalka Djibouti waxaan u arkaa in ay ahayd Meeqaamkii ugu sareeyey ee madaxwayne ay Somaliland leedahay lagu soo dhawayn lahaa tii ugu saraysay. Run ahaantiina waan uga mahadnaqayaa madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle iyo shacbigiisa-ba, xaqiiqdiina waa madaxwayne ina jecel oo mar walba ka taliya xasiloonida mandaqada, isla markaana mar walba ku hawlan sidii uu dabka uga bakhtiin lahaa shacbiga walaalaheen ah ee reer Somalia ee dhibaatadu haysato mudada 20-ka sano ka badan.

S: Shalay (doraad) markii uu madaxwayne Axmed Siilaanyo u ambabaxay magaaladda Boorama ee uu sii maray Gabiley, waxa la sheegay in dad ay kala hortageen markii hore mudaharaad, markaa sideed u aragtaa waji-gabaxaas uu madaxwayne Siilaanyo kala kulmay deegeenkii uu codka ugu badan ka helay?

J: Reer Gabiley waxa ay ka mid yihiin reer Somaliland, gobolka Gabiley-na waa tii loo magacaabay hadii aynu eegno shuruudihii gobol looga baah-naana waa gobol wada buuxiyey, markii hore-na waxa uu ahaa Degmo A ah. Waxaanu kaalinta koowaad kaga jirtaa Gabiley meelaha goboladda loo magacaabay meesha ugu horaysa ee shuruucdii gobolnimo buuxisay hadii ay noqoto xag dhaqaale iyo xag kale-ba. Hadii aan dib ugu soo noqdo intan yar ee dhacday shalay anigu wax wayn uma arko, madaxwayne inuu meel tago oo cidi qaylisaa waa mid meesha ku jirta. Waayo adigaaba hadii aanay taasi dhicin wax kale isa siinayo, waayo taasi waxay keenaysaa in madaxwaynaha iyo dadkiisu ay is xaal waraystaan oo uu yidhaahdo soo fadhiista oo maxaa jira sida dhacda oo uu madaxwayne Siilaanyo-ba sameeyey shalay markii uu ku dhaxay Gabiley.

Waxay aniga iila muuqatay in inyar oo ka mid ah madaxda Kulmiye oo ah kuwa yar cadhaysan inay inyar wax yar gashatay oo ay arinta ka danbeysay.

Laakiin markii siyaasiyiintii ruug cadaadiga ahaa ee Abiib Diiriye iyo ay ka midka ahaayeen markii ay tageen waxay sameeyeen oo aan aad ugu amaanayaa waxaan ugu yeedhay Gurmadkii guusha ahaa ee Abiib Diiriye uu ka galay soo dhawayntii madaxwaynaha ayaa ahayd mid si wayn loogu diirsaday.

Markii ay siyaasiyiintaa gobolka ka soo jeeda ee uu Abiib ka midka yahay markii ay tageen Gabiley ee uu madaxwaynuhuna ka soo noqday Boorama waynagii arkaynay sidii uu loo soo dhaweeyey ee qiimaha lahayd. Waxaanan aad ugu farxay markii aan Tv-ga ka daawaday madaxwaynihii oo goob kasta lug ku soo maray. Waxa kale oo aan hambalyeynayaa wax qabadka ay maayarka degmadda Gabiley Marwo Khadr Xaaji Gaydh ay ku soo kordhisay gobolka mudadii yarayd ee ay xilkaas haysay.

S: Sideed u aragtaa dilalka soo noqnoqanaya ee markasta ka dhaca magaaladda Laascaanood, sideese ha loo abaaro arinta gobolkaas ayaad odhan lahayd?

J: Inkasta oo wakhtigii aan anigu wasiirka daakhiliga ahaa aan la galin Laascaanood oo ciidamadeenuna aanay sida ay maanta u dhaafeen aanay u dhaafin, hadana anigu waxaan qabaa in dhibaatadda ka soo noqnoqanaysa gobolkaas in lagaga bixi karo iyada oo la soo dhaweeyey dadka gobolkaas, isla markaana la dhagayso waxa ay tabanayaan oo cid walba iyaga looga sad buriyo.

 

Source:Haatuf