Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Oo Xilkii Ka Qaaday Gudoom iyihii gobolada Awdal Iyo Salal Mudane Ismaaciil Geele Cadarre

 


 


Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka waxa uu aqoonsanyahay jiritaanka iyo gooni isu taaga Jamhuuriy ada Somaliland,yahay-na dal madax banaan.Waxa uu xisbiga ucid rumaysanyahay inay dhibaatoo yin ka jiraan dalka gaar ahaan gobolada Awdal,Salal,Sool iyo Sanaag oo ay xukuumada kulmiye ku fashilantay.

Xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID waxa uu shacabka jamhuuriyada Somaliland u cadaynaya a in Gudoomiyaha gobolada Awdal/Salal Mudane Ismaaciil Geele Cadarre shirka jaraaid ee uu ku baahiyay warbaahinta keli ku yahay,tahayna aragtidiisa u gaarka ah balse aanu xisbiga ucid la qabin,kana soo hor jeedno gabi ahaan aragtiyahiisa.

Xisbiga Cadaalada iyo daryeelka waxa uu rumaysanyahay dalku inuu u baahanyahay isbedel dhab ah oo ku salaysan dimuqraadiyad iyo sinnaansho balse dalku aanu baahnayn isku dhac iyo in dhiig lagu daadsho.

Sidaa darteed Gudida fulinta ee UCID shir ay ku yeesheen xafiiska xarunta xisbiga waxay xilkii ka xayuubiyeen Gudoomayahii gobolada Awdal/Salal laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 02/01/2014 kadib markay yiqiinsadeen inuu jebiyay qodobada dastuuriga ah ee kala ah qodobka 1aad iyo ka saddexaad,isla markaana jebiyay qodobada 7aad,8aad iyo 35aad ee xeerka xisbiga UCID.



Gudida fulintu waxa ay gudida anshaxa u gudbisay inay ka fadhiistaan xubinimada Mudane Ismaaciil Geele.



Allaa Mahad Leh



Guddida Fullinta ee Xisbiga UCID,

Xarunta Xisbiga Hargeysa