ISBEDELKA SIYAASADDA XUKUUMADDU WAA KII LAGU DOORTAY
Axmed
Carwo
La-taliayaha dhaqaalaha,
ganacsiga iyo maalgashiga
Waxa caado ah in dal dimuquraadi ah la naaqisho oo
weliba qofba sida uu doono u fasilo hawlaha iyo
barnaamajka xukuumaddu wado. Soomalilandna waa ka kow
dal dimuquraadi ah oo waliba maqaamay na in badani
gaadhin gaadhay, waxa muuqdana kama foga fikir-cabirka
iyo dhaliilaha goor walba laga filaayo dal dimuquraadi
ah. La yaab ma leh in mucaaridku isku dayo inay u
sharxaan talaabooyinka xuk uumad da mid qaldan iyo mid sax
ahba sida ay ugu badinayso. Waxa taasi tahay qalad iyo
saxba sifaha loogu dhaqmo dimuquraadiyadda. Waxa se mar
walba ka baxsan arrimaha qarannimo iyo kuwa aynu la
wada agno dalalka shisheeye. Waa mabaadi u baahan wada
daafac iyo hadday cidi qalad dareentu in hoos iyo
wada-tashi laga galo. Siyaasadda debedda waa loo
midoobaa si qarannimo ah.
Haddaba waxa waajib ah in xukuumaddu ay yeelato qorshe
iyo barnaamaj wacyigelin ah si ay dadwey naha uga
dhergiso barnaamajka ay wado ooy yeelato hadaf mideysan
iyo bartilmaameed muuqda. Xukuumadda Madaxweyne
Siilaanyo waxa marjac u ah barnaamajkii xisbiga Kulmiye
ee guusha dhaliy ey. Waxuuna ku arooraayaa dhismaha qaran
horumar dhaqaale, dhaqan, iyo bulshoba laga hirgeliyo.
Dal cadaaladdu tahay waajib, dal xuquuqda muwadinku ku
salaysantay sharciga dalka iyo sinaan buls ho.
Haddaba waxa intaba gun dhig u ah dhaqaalaha. Waayo si
bulshada horumar loogu sameeyo waxa loo baahan yahay
dhaqaale, cadaaladda, iyo sinantu iyana sidoo kale ayey
khrash ugu baahantay.
DHAQAALE AYAA HOGAAMINAAYA SIYAASADDA XUKUUMADDA
Waxa xukuumaddu qaaday talaabooyin ay ka mid yihiin
• Kordhinta mushaharka ciidanka iyo shaqaalaha dhammaan
• Dhismaha xafiisyada, iskuulada, iyo jidadka
• Kordhinta miisaaniyadda guud ahaan gaar ahaan
caafimaadka, tacliinta iyo arrimaha bulshada
•Bedelka Lacagta Burco
• Bilaashka laga dhigay tacliinta dugsiyada hoose iwm
Waxa iyana jira barnamajo kale oon miisaniyadda kafayn
kareyn balse bahida loo qabaa tahay mid sida qoraxda u
cad.
Taas waxa ka dhashay in la bedelo siyaasadda xukuumadda
gudo iyo debedba. Waxa la goáansaday in loo tafoxayto si
loo helo taageero dhaqaale iyo maalgashi gudo iyo
debedba. Waxa taas lagu goáansa day in laga hawl galo
shirarka caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba iyadoo
dhaqaale iyo ictiraafba la ga doonaayo.
Waxaana lagu cadeeyey laba qodob oo cad
1. Waa in laga qayb gala shir kasta oo caalami ah si loo
soo bandhigo danaha Somaliland dhinaca ictira afka iyo
baahida dhaqaale iyo bulsho, iyo sidii loo soo jiidan
lahaa ganacsi iyo maalgashi iyo hab maam ul wanaag iyo
kobcinta dimuquraadiyeenta iyo dhaadhicinta nidamka
xukunka.
2. Waxa shirarkaas ka reeban, kuwa loo qabto
heshiisiinta Soomalida , iyo arrimaha la xidhiidhah
dhism aha dawlad Soomaliyeed. Taas oo ah mid ka xaaraan
ah ka-qaybgelkiidu xukuumad iyo shacbiba.
Haddaba waxa Wasiirka arrimaha debeddu ku shaqeeyaa
labadaas qodob, waxuuna guulo waaweyn ka soo hooyey
furfuridda iyo dhaqaajinta xidhiidhka caalamiga ah
isagoon xuduudka loo dhigay gudbeen. Waxa in marar ka
badan xukuumadda oo uu kow ka yahay Madaxweynahu lagu
celceliyey sharaxaadda qodobadaas…Waxaynu xusuusanaa
hadalkii madaxweynah ee ayaamihii ugu horreysay xilkiisa
arrinta n lagu weydiiyey…iyadoo xiligaas mucaaridku
wedweday in Hargeysa Soomalida shir loogu qabanaayo.
Madaxweyne Siilaanyo waxuu ku jawaabay..’’ Soomali waa
walalahayo..nabad iyo wanaag ayaanu la jecelay…bal se
nin aan ku oggoleyn, ku aqoonsanayn oon jiritankaba
diidsan sideed wax ugu qaban kartaa……Kolkay na
aqoonsadaan ayaanu wax u qaban karnaa”
Waxa sidoo kale uu ku cadeeyey barnamajkii shaqo ee uu
labada Gole u gudbiyey…waxaana ugu dambeysay qudbadii
qiimaha badnayd ee uu ummadda u jeediyey 18 May …waxa
qalin dahab ah lagu qoray ereyada … “’ Soomaliland wey
jireysaa, dib u noqonmeyso…haddaan 100 sano (BOQOL) aan
la aqoon san….
WAA MAXAY ISBEDELKA DHACAY
Waxa isbedel ku dhacay siyaasadda xukuumadda oo waaba
waxa loo doortay. Waxa meesha ka baxay xukuumad gaabis
ah, oo qafas ku xidhnayd. Xukuumaddani waxay noqotay mid
dhaqdhaqaaqda oo ku talabsata si dhiiran si ay u
hirgeliso horumarka ay bulshadu u baahantay loogana
doortay maamulkii fadhiidka ahaa.
Waxa la dhaqaajiyey:
• Sidii dawladaha jaarka ah xidhiidh wax-ku ool ah oo
sharaf iyo maamus ku dhisan labada daraf loo heli lahaa.
Waxaa guul laga gaadhay xidhiidhka Jabuuti iyo Itoobiya
oo markii ugu horreysay kor loo qaaday protokoolkii soo
dhoweynta ee dalkeen ay u hayeen.. mantana uu xisbi
xaakimkeena Kulmiye ku joogo Itoobiya..maqaam la siman
xisbi xaakimka Itoobiya.
• Waxa dhaxanta laga duuliyey xidhiidhka aynu la leenay
dalalka Carabta si gaar ah kuwa inoogu dhow ee
khaliijka. Waxaad ka dheregsantiin soo-dhoweyntii iyo
heshiisyada lala galay Kuweyt iyo Imaaradka.
• Waxa iyana la dardar-geliyey ka-qaybgalka shirarka
caalamiga ah ee ay hore ugu keliyeysan jirtay dawladda
Xamar oo si qaldan caalamka ugu odhan jirtay anagaa
Somaliland matalna…Waxa la tusay inayna matalin,
maqnaanshihii ay ka faaídeysasn jirtayna waa la soo
duubay.
• Gudaha, waxa iyana la furay ilaha dhaqaale, iyadoo la
dhaqaajiyey mashaariic gaabis ahaa. Waxa la bixiyey
mashruuca kaybalka iyo wershedda sibidhka si shaqo loo
abuuro oon dib loo dhigin .
• Waxa iyana socda dardar gelinta nidaamka cashuuraha si
cadaalad ah iyo waajibka saran muwaadin ku noqdo mid lagu
helo cashuurta ku wajibka ah dakhliga qofka..oo aynu ka
korno cashuurta dadban e e culeeska gaarka ihi ku saran
yahay dan-yarta. Waa in cashuurta lagu bixiyaa sida loo
kala dakhli ba dan yahay…barnamajka horumarinta cashuurta
tooska ah..(Income Tax).
Haddba miyeyna intaas oo dhammi ka marag fureen
isku-xidhnaan siyaasadeed gudo iyo debedba oo dhammaan
ku salaysan danta guud ee shacbiga iyo barnamajkii ay ku
doorteen xisbiga Kulmiye, guus ha weynina ku raacday
Madaxweyne Axmed Maxamed. Miyeyna ahayn isbedel
hadafkiisu yahay dhism aha dhaqaalha si loo hagajiyo
nolosha muwaadinka, si loo helo bulsho cadalad iyo
sharci ku noolaata. Miyeyna ahayn mid inaga furaysa
xabsigii qaranku ku xidhnaa, miyeyna xidhiidhka dalalka
Khaliijku aha yn mid dhalinaya kobcinta dhaqaalaheena
isla markaas furaya isbarsho muftaax u noqon doonta
ictir afka.
Waxaan safar shaqo ku soo maray Imaaradka iyo Qatar,
waxaanan u dariiq xaadhay sida jaaliaydda So maliland ay uga qaby qaadan lahayd maalgashiga iyagoo abuuraaya
sharkado, iyo siday door wax ku ool ah uga qaadan
lahaayeen isku-xidhka dalka hooyo iyo dalkan ay joogaan.
Waxaana ii iftiimay xidhii dh maalgashi iyo dhaqaale
sidii looga soo heli lahaa. Waa mudnaanta kowaad ee
xukuumaddan in la he lo dhaqaale dalka lagu dhiso.
Kolkaad xidhiidh ganacsi iyo dhaqaale dalalkan la
yeelato waxay noqonay aan dad aad is-taqaaniin isla
markaas waxay yeesheen dano ay dalka gudihiis ku
yeeshaan kolka ay m aal gashadaan…miyeyna ahayn dariiq
keenaaya ictiraaf…halkaas ayey xukuumaddu ka duushay,
hada fkuna waa ictiraaf iyo horumar.
Dhaliisha iyo mucaaridka oo si kale u arkaa ma aha wax
cusub mana aha wax la diido, waxa se habboon in
xukuumadduna ay waajibkeeda gudato ooy si cad u
bayaamiso hawlaha ay qabato iyo duruufaha ku gaadaaman.
Waana in la hawl galiyo xisbi xaakimka oo hawl weyn ka
qaban kara wacyigelinta iyo iftiimi nta siyaasadda
xukuumadda. Xisbiga ayaa goob kasta jooga bulshadana
xidhiidh toos ah la leh. Yaan laga gaabin inaynu
bayaamino guusha aynu muddada yar hantinay.
Waxa leysu bedeley waa danta guud iyo horumarinta
bulsho. Bulshada Kulmiye guusha siisay ayaa dhalisay
isbedelka siyaasadeed gudo iyo debedba. Xukuumadduna
taas ayey ku shaqaynaysaa ooy diiradda saaraysaa.
Tan iyo dhambaal kale nooli kulantee, Insha Allah.
Ahmed Arwo
La-taliyaha Madaxweynaha ee
Dhaqaalaha,Ganacsiga iyo Maalgashiga
07 904020 679 UK
Eci.advisor@gmail.com
Join me in Facebook Group
Somaliland Presidential Economic Advisor
http://www.facebook.com/home.php?sk=group_133994193326163&ap=1
http://samotalis.blogspot.com/
|