“Beelaha Daafaha Iyo Beelaha Dhexe Inta La Isku Diro In Somali weyn La Inagu Daro Ayaa La Doonayaa,Ismaan Lahayn Hadii Siill aanyo Ma daxweyne Noqdo Muddo Kordhin Iyo Saxaafad Caban Doonta”

 



Hargeysa, December 28, 2010 (TNN)- Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumada  mad axweyne Axmed Siillaanyo dhaliilo culus uga soo jeediyay xaaladaha amaan daro ee ka taagan gobolada bariga  S omaliand iyo deegaanada Kal-shaale iyo Ceel-bardaale oo u sheegay in lagu doonayo in lagu colaysiiyo beelaha  d arafyada iyo beelaha dhexe ee reer Somaliland si loogu gaadho in Mustaqbalka la isku daro Somaliland iyo  Sooma aliweyn, waxaanu tilmaamay in xukuumadu ku guul daraysatay inay si deg deg ah wax uga qabato shaqaqooyinka ka aloosan deegaanadaasi, isagoo intaa ku daray in madaxweyne Siillaanyo ku guul daraystay inuu fuliyo  ballanq aadkisii ahaa inuu soo dhisi doono dawlad kooba, balse uu tilmaamay in mid ka tiro badan xukuumadii Rayaale uu soo dhisay kuna soo kordhiyay hay’ado kale oo aan sharciyadoodu dhisnayn.

Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo khudbad ka jeediyay shirweynaha shanaad ee dalada  ur urada dhalinyarada Somaliland ee Sonyo uga furmay Hote Ambasdoor ee magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale  e edo kulul ugu soo jeediyay khilaafka golaha wakiilada la aloosan iyo muddo kordhintii ay iskugu kordhiyeen  Wakiil ada iyo Guurtidu muddada xilka iyo Mushaharka, madaxweyne Siillaanyo-na uu sheegay in aanu ka filaynin inuu mu ddo kordhin aqbali doono iyo in Saxaafada madaxabanaani ay maamulkiisa ka caban doonto.


Source: Haatuf