WARSHADDA SIBIDHKA BERBERA

 

 


JAMHUURIYADA SOMALILAND

WAR-SAXAAFADEED

Ref. js/ws/001/07/2012 Tar: 30/07/2012

UJ: JAWAAB CELIN


Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 30/07/2012 kulan isugu yimi xubno ka tirsan Salaadiinta, xubno ka mid ah golayaasha qaranka (Wakiilada, Guurtida iyo Deegaanka), Guddida Dan iyo Duco, Cuqaasha iyo aqoonyahanda beesha reer saaxil, si ay uga jawaab war saxaafadeed kusoo baxay warbaahinta kala duwan, kaas oo lagaga been abuurayay xaalada wershada sibidhka Berbera laguna sheegay in sulaadiin matalaya beesha SUBEER AWAL ay go'aan ka gaadheen hirgelinta wershadaas, taas oo me el ka dhac ku ah nidaamka dawladnimo iyo shuruucda wadankeena u taal.

Hadaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa:-

In aanay jirin Salaadiin loo xil saaray xal-u-helida arinta wershada sibidhka, mana jirto wax kalsooni ah oo cidi ku siisay hawshaas, anaga waxaa noogu war dambaysay warshada sibidhka iyadoo ay guddida beesha ee Dan iyo Duco Ku wareejisay Madaxweynaha JSL si uu go,aan xukuumadeed uga gaadho .

Kama war qabno mana ogin goorta uu Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Max'd Max'ud(Silanyo) uu taladii iyo go'aankii warshada sibidhka ku wareejiyay Salaadiinta SUBEER AWAL, warkaas ay Salaadintu sheegeena waa mid aan sal iyo raad toona lahayn.


Sida dastuurka JSL dhigayo waxaa hantida qaranka iyo khayraadka dalkaba umada waxa wakiil uga ah dawlada, distoorka qaranka iyo dawladnimadeena waxaanu u horseedi karaa bur bur iyo sharciyad la'aan.

Waxaanu cambaaraynaynaa cid kasta oo ka qayb qaadatay warsaxafadeedkaa aan salka iyo raadka toona lahyn, umadana fidnada iyo khalkhalka ka dhex abuuraya, inagoo ku jirna bisha barakaysan ee ramadaan.

Waxa nasiib daro ah aadna aanu uga xunahay in Suldaankii Guud ee Beesha Subeer Awal Suldan Xasan Suldan C/lahi Suldan C/raxman iyo Suldan Cisman Suldan Cali Kooshin oo ay beeshu aad ugu hanwaynayd, qadarin badna aanu u haynay labadaa Suldaan oo ahaa kuwa hogaaminayay war-saxaafadeedkan marin habawsan ee ay fidmada badani ku gedaaman tahay.

Waxaanu Xukuumada JSL ugu baaqaynaa inay talaabo sharci ah ka qaado cid kasta oo qaanuunka wadanka ku xadgudubta , kana ilaaliso Madax-dhaqameedyada beelaha Somaliland wax ka baxsan shaqadooda, hadii kale waxa berina dhici karta inay Madaxdhaqameedyo isku wada beel ah soo saaraan go'aan ku lidi ah gooni isku taaga Somaliland.

Hadaba waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanan kasoo hor jeedin cid kasta (ajanabi iyo muwaadinba) oo maalgashanaysa guud ahaan gobolka saaxil si waafaqsan shuruucda dalka u taala aan deegaankana dhib ku ahayn, talo ahaan waxaanu ku soo jeedinaynaa in sidii horeba xukuumadu Jamhuuriyada Somaliland ugu talisay in la isugu tago hal (1) wershad sibidh oo Ganacsatada Somaliland u dhantahay cidna aan gaar u ahayn si cadaaladana loo wada gaadhsiiyo, Anaga oo ka soo horjeedna in cid gaara loo xidho buuraha sibidhka Berbera shakhsiyaad iyo qabiil toona.


Waxaanu ka war-qabnaa in ay gacmo shisheeye adeegsanayaan sulaadiintan warsaxafadeedka soo saaray.


Wabilaahi Tawfiiq

Suldan Maxamud Suldan Axmed-Sheekh_____________
Suldan Sharif Batun Muxumed_____________________
Suldan Cali Saleban Maxamed_____________________
Suldan Sayid Aw Jamac Warsame__________________
Boqor Maxamed Axmed Yasin (Tuulo)______________
Xil. Sicid Cilmi Rooble___________________________
Xil. Sicid Cartan Cisman__________________________
Xil. Maxamed Farax Qabile________________________
Xil. Axmed Xasan Aden (Wayso-cade)_______________
Xil. Saleban Garas_______________________________
Xil. Dayib Xasan Boobe__________________________
Xil. Mubarig Maxamed Carab_____________________
Xil. Maxamud C/lahi Aden (Bidhidh)_______________
Xil. Yusuf Cali Nuur____________________________
Xil. Cabdi Jamac Ducale (Musbar)_________________
Xil. Cawil Cali Sugule________________
Xil. Jama (gidhi-gidhi)__________________________
Head of Chiefs Axmed Caqil Yare__________________
Chief Caqil Jamac Caare Samatar___________________
Caqil Yusuf Mire Ducaale_________________________
Caqil Max'ud C/lahi Faarax________________________
Caqil C/raxman Jama Liban(Jirise)__________________
G/ku xigeen Max'ud X. Aden Guled________________
Xoghaye C/Rashid Maxamed X. Yusuf______________
Md. X. Shide X. Diriye Farax______________________
Md. Aden Cali Yonis_____________________________
Md. Saleban Jama Jibril (Saleban Mijir) ______________
Md. Ibrahim X. Cabdi Cilmi _______________________
Md. Abdi Elmi Max'ud(Cabdi Nijaar)________________
Dr. Idiris X. Nuur Sarmaan________________________
Dr. Axmed Maxamed Dirir________________________
Md Ibrahim Cisman______________________________
Md. Khadar Maxamud Gahayr______________________
Md. Max'ud Farax Ducale__________________________
Md. Mustafe Axmed C/lahi_________________________
Md. Saleban Cawil(Ceerigaabo)_____________________
Md. Xamud Xusen C/lahi__________________________
Md. Max'ed Aw Adan Wayrax______________________
Md. Maxamed Axmed Xusen (farare)_________________
Md. Max'ud Max'd Cabdale (Dayr)________