Ilma
samatar aqoontey sheegtan ma waxay kala garan wayaayn
xaga iyo baadilka?. Mise waa ku xumayn reer somaliland !
Nimankan walaal ee
tariikhda beenta ka sheega mar walba, tariikhda leeyihin
umada reer somaliland is idh ahda qari tariikhda sida
dharaarta u cad ee umada somaliyeed aqoonsantahay:
•
Hadaba maxa ku kaalifay inay umadda dhan tariikhdeed ka
been sheegan ?
• Waa
maxay xumaanta u hayaan dalkay ka dhasheen?
•
Ariintani waxay u baahan tahay in lagu sameeyo baadhi
taan (Research).
Haddii aan u daadago dulucda maqaalkan , Axmed Ismaciil
Samatar warraysigii u siiyay BBC, wuxu amaan dusha uga
tuuray Nimankii Somali kala dilay! Sabaabta u ah
burburkii Somaliyeed, waxa kale dhaleeceyay Niman daacad
ah oo la dulmay, marka ilma
Samatar, ariintoodu miyaaney ahayn xaga ka
hiili una hiili baadi lka, bal haddaba akhriistayal waa
kuma Nimanka amaanta aan u qalmin siiyayn Nimankasi waa
Abdirisaq Haji Hussein (
abdirisaq balaq balaq) iyo marxuun
Aadan Cabbdale Cismaan (Aadan cadde), bal in yar
ay nu ka taaban tariikhdooda iyo siday Somali madax isku
galiyeen iyo dadkii Somali wayn jeclaa siday u nacsi
iyeen.
Markii reer Somaliland u soo carfaysay saxan saxadii
xoorriyaddu waxay dhamaan u hanqal taagayn som aliweyn
shantii somaliyeed inay meel wax kula qaybsaddan,haddaba
golihii sharci dejinta ee somaliland l ana soo doortay
17. Feb.1960 kii , ayaa fadhigoodi ugu horreeyay
qabsaday 5 April 1960 kii , kuna qabsoo may hoolka
shiirarka ee Goodirka Hargeysa, shirkaas waxa ka soo
qayb galay 33 Xildhibaan oo ka kala soc day saddexdii
xisbi SNL, USP IYO NUF, waxa kalo shirka marti ku ah
badhasaabkii Somaliland Douglas.
Waxa maalinta
shirgudoonka golaha loo doortay Jaamac Cabdillahi Qaalib,
markii la gudo galay ajandihii ugu horeeyay ee goluhu ka
doodi doono ka soo uu soo jeediyay Xil. Maxamuud Biixi (shuuriye)
oo ka soo baxay Hargeysa Xusbiga SNL ka mid ah, ajandaha
oo ah xornimo iyo midnimo, kadiba waxa la guda galay
doodi ajandaha bal door xildhibaan hadaaladoodi aynu soo
dheegano, xildhibaan micheal mariano oo ka tirsanaa
Xisbiga NUF, lagana soo doortay Ceel Afwayn ayaa yidhi “
Soomaali oo dhanba doonaysa midow ga koonfure iyo
waqooyi waxay midowga Somalia iyo somaliland u horseedi
doonta Somali oo dhan siday u midoobi lahayd”.
Waxa kalo isna
madasha isla soo tagay xildhibaan Ibraahim Cismaan Food
(basbaas) , oo ka soo baxay deg mada Cadaadley isna wuxu
yidhi “ shanta Soomaaliyeed waxay doonaya hal dawlad ,marka
Soomaaliya wa xay xornimadeeda qaadanaysaa 1 july ,
annakuna waa in aanu maalintaasi qaadana xornimadayada
si ay u suurto gasho inaan la midowno soomaaliya” iyo
xildhibaan X. Ibraahim Nuur, oo ka tirsanaa xisbiga USP
lagana soo dortay degmada Dila ,isna ariinta wuxu ka
yidhi “ waxay Soomaaaliya qaadanaysaa xornimade edi
kowda bisha Julay ,annakuna waa inaynu isku maalin
qaadan si ay suurtogasho in isla maalintaasi aanu
midowno”.
Waxa halkaas ka caad
inay xildhibaanadi reer Somaliland isku raacsanayn in
lagu biiro Somaliya bila shur uud , markiiba waxa wafti
loo diray muqdisho 15 April 1960 , u hogaaminayo Mohamed
Xaaji Ibraajim ciga al , Cali Garaad Jamac , Xil. Xaaji
Ibraahim Nuur , Axmed Haji Ducaale , Xil yuusuf Iman ,
Xil Mohamed Ali Fa arax , Xil. Abdillahi Maxamuud Qablax
iyo Xildhiban Muse Rabile Good .
Waftigan oo siday
ajandii xildhibaanada reer ka soo doodayn iyo
raabitaanka reer soomaaliland, waftiga reer somaliland
waxa Air Port Muqdisho ku qaabilay Gudoomiyihii
Barlamaan ka Somalia, Aadan cabdalle Cismaan (aadan cade),
oo waardiye (bodyguard ) Siyaad Barre watay, markii
shirkaas soo dhamaaday midoowgi bila shuruud ah ayaa
hadan wafti loo diray London bishi May 2 1960 kii ,waftigan
waxa hoogaam inayay Mohamed Xaji Ibraahim Cigaal , Cali
garaad jaamac , Xaaji Ibraahim Nuur , Axmed Xaji ducaale
iyo Maxamuud Cabdi Carrale.
Mmarka Ingiriiskii la
kulmay soona hordhigeen ajandii xornimada ee
xildhibaanadu ka doodayn iyo inay uma dda reer
somaliland doonayso xornimadooda qaatan 1 july ,marka
gumaysii Ingiriisku ka aqbaly inay xorni mada siiyan 26
June , sidii ayuu Mohamed Xaji Ibraahim Cigaal ,
gacantiisa ku saxiixay inay xornimada qaat an 26 June .
Mohamed Xaji Ibraahim Cigaal oo BBC waraysatay ,markii
heshiiska soo saxeexay ayaa hadal dheer jeediyay hadii
aynu in yar kasoo qadano wuxu yidhi “ waxaynu u
qaylinayney dawlad, maanta dawl adnimadii helnay, markas
inaagu maanta ajinabi dibadda u saarna ama wadanka ka
erina dhammaatay, ta si oo u inaga baxaya, maalinta July
aynu israacayn inaagaa dalkeena iyo diinteena u talin
doona niman So maliyeed hogaanka u qaban doonan ,marka
caalamku waa ina eegayaa bal siday isku taalino”.
Waxa kalo inoo
caadaynayaa inay balansan yihin markii Dougless u
Hargeysa yimid 27/5/ 1958, waxa gab ay kula garnaqsaday
Cumar Xuseen Gorse ( Cumar Australia), geerarkii beens
heeg oo ula jeeday Ingiris ka been noo sheegay ,markii
bixiyey dhulka hawdka (reserve area). Hadii tuducyo ka
soo qaadanno khuse eya Somaliya wuxu yidhi.
Albaabkaa Xamar weyn
Iftiinka ka baxaaya
Indhaahaygu jiraan
Abtiirsiina ma guurto
Uunkay noogu xigaan
Arwaaxdayadu iyo kooduna
Waa ushaa iyo diirka
Odayna waa ka walaalo
Lixdankan is ognahay
Markaas waa inoo cad bulshadda reer Somaliland
dhamaantooda inay doonay midowga jiibo Somali madax
martay.
Haddaba caadaalad daaradii u samayeeeyey Aadan
Cadde aynu eegno, markii reer somaliland bila shuru ud
la’aan ku biirany Somalia 1 july 1960 kii ,waxa malmo ka
bacdi la dhisay dawladii somalia, barlaamanka waa laga
dhigay 120 xildhibaan reer waqooyiga waa la siisay 33
xildhibaan reer koonfureedkina waxay qa atayn 87
xildhibaan gudoomiya barlaamkan waxa loo doortay nin
reer koonfureed ah isla malmahas dhex dooda ayaa
wax barlamaanka iska soo sharaxay aadan cade oo
aqlaabiyadda haysta balmaanka cidi kula may
tartamiin sida ayuu madaxwayn ku noqday aadan cadde
wuxuu ku dhaqaaqay cdaalad daridii ugu ho rraysay
waxannu raysal wasaare u magaacabay c/rashiid cali
sharmaarke oo reer koonfureed ahaa.Halk ay reer
somaliland ka sugayeen mar hadii madaxwayn iyo
gudoomiyaha baarlamaanka noqdeen reer koon fureed
in la siiyo raysal wasaaraha tiina maxay dhiciin, ka dar
oo dibi dhal dawladii cabdirashiidna soo dhis ay
wasaaraddii ugu waa wayn sida wasiirka maaliyada ,
wasiirka dibadda , Taliyaha ciidanka qaranka iyo boliska
, wasiirka dhaakiliga etc reer koonfureedka qaatay
somaliland wuxu siiyey sadex wasaaradood oo aan markaa
jirinba sida difaaca iyo beeraha iyo reer miyiga , aadan
cade ariinta kamu hadal oo waa sidu doonayay laba nin ee
u waatay waa cabdirisaaq xaji xuseen( abdirisaq balaq
balaq) iyo siyaad bare (afw eyn) labadiina midna
wasiirka ariimada gudaba laga dhigay midna tali ku
xigeenka somalia sidii ayaa barl a amka lagu horgeeyay
xildhibaanadi reer somaliland way diidayn in la ansixiyo
lakiin waa laga codbana 87 xildhibaan reer koonfureedka
ansixiyey. Maalinta reer somalilandkii ku faraxsan
somaliwayn gabaal baasba u duumay muruq iyo dabiinto
ruugan.
Dhinac kale bal isna aynu eegno cabdirisaaq xaaji
xusseen oo ah Ninkii bilaabay fidmada somaliyeed , hada
aladiisan ka dareemayso cuqdaad gar ah uu ila waligii u
haya isaago maanta 90 jira been sheega, Bal had
daba marii wasiirka ariimada gudabaha somalia ah, markii
xukumada la dhameeyay ummada reer somalila nd ka
cadhootay sida wax loo gaybiyey.xumaanti ay waday
kooxdii aadan cade iyo cabdirisaq markay ciid
amadii qaranka ee madaxda laga wada dhigay reer
koonfureed oon lahay tobobar milatari, halkay kuwa reer
somaliland tobobar milatari haystay oo ku soo gaatayn
ingiriiska, taasina abuurtay cadho saraakiisha iyaago u
arkay wanaag ahi ka soo jeedin maaamulka
koonfureed,waxay saraakiil dhalinyaro ahi go’aan ku
gaadheen inay qori caaradii ku soo celiyaan
madaxbanaanidii ka luntay immada reer somaliland
17/12/1962 kacdoonka military waa ka fashiilmay markii
la dilay hogaamiyihii Abdillahi siciid caabi intii kale
waa la qabqabtay markii ariintasi dhacday abdirisaaq
xaji xuseen ( balaq balaq) ayaa ka hadlay bbcda wu
xu yidhi reer waqooyin waalan ee bila shuruud iska yimid
inay wadan dib u kala jaran ka yeeli maayo, sar
aakiishan yar yar khiyaamo qaran ba lagu qaaday dil
toogasho ah, maalinta wixi ka dhanbaysey wuxu soo saray
qorshe ku salaysan sidii cagta hoosteeda loo galin laha
somaliland wuxuu soo jeediyey
1. In dhamaan
saraakiisha ciidamada milatari , booliska , macalimiinta
, shaqaalah dawladda cidkasta oo masuul ahuna dhashay
somaliland loo soo badalo koonfure .
2, in si hoos
hoos ah loo curyaamiyo dhaqaalahooda , oo aan mashaariic
badan laga fulin, dadkoodana cii danka lagu badin
, waraaqaha ganacsiga ay xamaar usoo doontan ,wixi shaqo
ahna xamar laga qoro, Arii nta waxa ka gows adeegay
abdirashiid ali sharmarke una arkay khalad laga galaayo
ummad dhan marka abdirisaaq oo saaxiib la ah aadan cade
kana midka ah Ninkii 87 xildhibaan u qorsheyay koonfurta
ayaa u arkay inaan qorshihiisa fulay intu cabdirashiid
jooga loona arkay abdirashiid nin u arkay in reer
somaliland la xumeeyey balan qaadya haga horumarinta u
balan qaaday waxna u qaban doono ,markiiba aadan cade ,
cabdirisaaq balaq balaq iyo afweyn ayaa shiray.
Maddaxwayne aadan cade wuxu raysal wasaare u magacaabay
c/risaaq xaaji xuseen( balaq balaq) 1964, magaacaabista
la magaacaabay Abdirisaaq balaq balaq raysal wasaare
waxay naxdin wayn ku riday reer somaliland iyagoo u
arkayey nin isaaqoo wasiirka daakhiliga ah saaray cuna
qabataynta iyo cadaadiska mar haduu noqday raysal
wasaare inay xeradood ba’day.
Markii cabdirisaaq balaq balaq laga ansixiyey barlaamka
reer koonfureed ah 87 xildhibaan ayuu bilaabay sidu u
bahdili laha reer somaliland wuxu cabdirisaaq ku
dhaqaaqay sidu u sharciyayn laha midnimada , si uu gacan
birr ah ugu qabto reer somaliland, c/risaaq balaq balaq
wuxu markiiba soo bandhigay shan qod ob oo uu ku
doonayay inuu sharci u helo cadaadiska reer somaliland ,waxannu
baarlamaankii reer koonfureedka u badna soo hor dhigay
shantan qodob.
1) in distoorkii ay somaliland codka ku diideen la
ansixiyo si midnimadu ansax u noqoto.
2) in 1 July loo aqoonsado maalintii midnimada iyo
maalin qaran, 26-ka June maalin gobol.
3) In dakada iyo madaarka Xamar laga dhigo meelaha laga
soo dajin karo, laga dhoofin karo(Caalami) inta kalena
laga dhigo daakhili aan waxba laga soo dajin Karin
isagoo u jeeda dakada bebera iyo madaarka Hargeysa.
4) In xisbiga SYL laga dhigo xisbi kaliya oo qaran
isagoo u jeeda in SNL oo dhalisay xornimadii somaliland
taariikhda laga saaro.
5)In dalka wixii
Gaalkacyo ka hooseeya loo aqoonsado Waqooyi, isagoo uga
danlahaa laba arimood in uu taariikhda ka tirtiro
xuduudii mustacmarka ee u dhaxaysay somaliland iyo
Somalia iyo in uu ku xalaashado jagadan reysal wasaaraha
uu haysto oo loo aqoonsado nin reer waqooyi ah.
Iyadoo dadkii reer somaliland yaaban yihiin ayuu
cabdirisaaq balaq balaq airport hargeysa ka soo dhagay
waxaanu ummadii reer waqooyiga kala kulmay waji gabax
iyo mudahaaradyo lagala hor yimid dhinac galb
eedku u dhaafay isaago sii maray gabiley reer gabileyna
mudaharad iyo gabayo ayaay kala horyimaadayn eerayadii
abwaanadu kaga turjamayeen aragtida shacbigooda waxaa ka
mid ahaa erayadii C/laahi
Sulda an Timacade(AHUN) isaagoo af mugii ugu
sheegay goob fagaaro ah kula garnaqsaday ayuu waxa yidhi
Sul dan Timacade “ dawlad soo
gashay manihiine, danteenna
laba diiday, dakadii
xamarbaa leh, Berbera daad
ku ha qaado, labaddaa kala daaya,
oo yaan loo daymo la’aan”
halkaas wuxu ku cadeenaya dakadii barba re reer
waqooyiga laga cuna qabateeyay, abdirisaaq balaq balaq
isaago gafuurka buuray oo waji gabax kala soo kulmay
hargeysa iyo gabiley ayuu u dhaafay borama markuu borama
gaadhay reer borama dhab arkey u jeediyayn cadho
kaga dhoofay somaliland isla markiiba safarkiisa waa soo
gabo gabeeya muqdhi so dhib ugu noqday , hadan
wuxu soo saaray qaraar ah inaan laga dhisi karayn fooq
saddex dabaq ah wa qooyi, in ganacsadu muqdisho dagaan ,
in basaabooradda laga bixiyo muqdisho marku sii laba
jibaaray ca daadiskii ku hayaay reer waqooyiga
ayuu C/laahi Suldaan Timacade
Muqdisho kaga dabo tagay si u cabaa shadii dad wayn reer
Somaliland u gudbiyo marku arkay inaan cidba dan ka
lahayn oon aan dhag loo dhug ayn cabashadooda ayuu
Cabdillahi Suldaan Timacade ,si
cadho leh ugu cabiray gabay uu ku tilmaamayo
waxay u socdeen iyo waxay la kulmey, bal dhoor tuduc ka
soo qadano “ Halkaan dawlad soo
koradhiyo,da r ajo eegaaayey ,ayuun baa sidii buul
duqeed daaha loo rifaye,
ninowna dawlad baa Xamar fadhida,
haw durbaan tumin” .Waa
kaloo ka mid ah gabayagii u ka tiriyey sida cadha leh
gabaygii Maandeeq, ee C/laahi Suldan Timacade ku lahaa:
Annagoo gantaalaha dhaciyo ,haysan
qori gaaban
Hashaan gaadda weynow libaax ,u
gabaan waayey
Inaan Gorato Cawl uga tagaa
,waa hal soo gudhaye.
Markii gaadhay 1967kii oo ah tartankii doorashada ayaa
waxa iso sharaxay c/rashiid cali sharmaarke iyo aadan
cabdule cismaan( aadan cade), dadka reer somaliland way
ku kacsanaayan dawladii aadan cadde waxay si aan kala
hadhlahay ugu codeeyan c/rashiid cali sharmaarke
tartanka doorashadu waxay guushu ku raacday c/rashiid
ali sharmarke, waxaanu raysal wasaare u magaacaby
mohamed xaji ibraahim cigaal oo reer somaliland ah.
Maalinta reer somaliland waxa usoo noolaatay rajaadi ,
xaga maamuulka ciidanka iyaago qayb laxaad leh ka helay
sida taliya ciidaanka booliska laga dhigay janaraal
jamac ali qoorsheel oo reer somaliland ah iyo taliye ku
xigeenka ciidamada qaranka oo laga dhigay sareeyo guuto
maxamed cayn aanshe oo isna reer somaliland ah,
xaga horumariinta mashaariic oo au ka mid ahay biyo
gaalintii Hargey sa , biriishka iyo wadad dheere
ee burco ila baladwayne ah , iskuul iyo ceelal biyo ah.
Dhinac kale markii dawladii abdirashiid reer waqooyigu
meela fiican ka helayn ayaa wax ka xanaaqay
C/ri saaq balaq balaq ,oo ahaa
ninkii curyaamiyay
Gobal waqooyi , una arkay in shantii qodob ee
muda soo dhi say daaqada laga tuuray ,waxanu aad uga
cadhooday booska Taliyaha Booliiska ee loo magacaabay
Qoorsheel, markiiba u
bilaabay sidu dib uga sifayn laha
Ninka reer waqooyiga, markiiba cabdirisaaq wuxu
bilaabay shiraar Isaago la shiray saaxiibkii Aadan Cade
iyo Afwayn Barre, waxay ka doodayn in
C/rashiid
ama
ina Cigaal dilaan, lakiin dilka
ina cigaal , waxay u arkeen
in reer Somaliland cadhoon doonan, ka dibna iyagu halis
ku gali doonaan, marka waxay go’aan ku gaadhayn
in la khaarajiyo Abdirashiid Cali
Sharmaarke isagoo lagu dilaayay reer Waqooyi ayuu
la saaxiib yahay.
Kooxdii C/risaaq
hogaaminayay, Cabdillaahu Yusuf iyo Siyaad Barre u
xilsaaray fulinta hawsha ,waliban c/risaaq ,wuxu
go’aamiyay inay Ninka dilay Cabdirashiid noqdan nin
Majeertayn ah ,si aan loosii dabo galin oo la yidhahdo
laba nin oo isku reer is dilay, sidii ayuu hawsha Siyaad
Barre ku fuliyey laguna dilay Cabdira shiid Cali
Sharmarke, laascanood 15.10.1969,
isaago ku guuraya nin reer Somaliland ah oon fahansanayn
Ninka fikirka dilka iyo inqilaabka keenay
Cabdirisaaq Balaq Balaq yahay.
Haddaba Ilma Samaatar ,Nimankay
ku sheegayaan daacadda iyo dadkii ugu wanaagsan ,miyaanay
ahayn kuwa Tariikhda Madoow
leh, ee Somali kala dilay. Waxan aad ula
yaabay marku Ninka aqoonyahanka isku sheega Axmed
Isamatar BBC ka yidhi “
Doorashadii 1967 kii ,Abdirashiid
iyo ina Cigaal way ku
shuubteen” cajiib!!
Waa su’aal , mucaarid
iyo muxaafid keeba ku shuban kara doorashada? , dee
illayn waxa tartaamayay Aadan Cadde ,oo ahaa
madaxwaynaha Somaliya iyo cabdirashiid , oo ahaa
Musharax mucaarid ka hogaami nayay, bal caqligiisa eeg
Ninka leh Aadan Caaddo madax wayn ah iyo Cabdirisaaq
Balaq Balaq ,oo Raysal w asaare ah, ayaa laga shuubtey
kk.
Waxa ariin aad looga
xumaado ah ,Qof u hiilinaya
Baadilka
kana fiilinaya Xaqa.
Maanta inay been ka sheeg aan Tariikhda
Mohamed Haji Ibraahim Cigaal
, oo xag darro lagu xidhay 8 sanno, Tariikh wayn ku leh
Soma alia iyo
Somalilandba, iyo
Cabdirashiid Cali Sharmarke,
oo gacan ka gar daran dhishay
,oo doonayso inaad tariikhdooda
sida qoraxda u cad, inay gariyaan.
Budh cadka Tariikhdu , waa
Ila Samatar,oo mar
kastaba ammaanan Cabdirisaaq Balaq Balaq , Aadan
Cad de iyo Afwayn Barre, siiba Cabdirisaaq , oo labada
walaalihii u haystaan Boqor
, bal ha soo sheegan Cabd irisaaq
Balaq Balaq wuxu Soomaali u qabtay?.
Fiiro gar ah : Qofkii dhibsada maqaalka ama qoralka
raali ha iga ahaado tariikhda somaliland wax maqal iyo
buugaag lagu soo koobi karo maha.
Mohamed Cabdillahi (Mohamed Dheere)
Malaysia KL |
|