ILA QOSOL
Nabad akhristaal,
Xilligii
Ingiriisku dhulka Soomaaliyeed xukumayey, ayuu nin
Soomaaliyeed oo shiddaari
ahaa damcay; in uu ka qayilo nin reer miyi
ah. Ninka reer miyiga ahaa oo dacwadi maxkamad kaga
socotey, ayuu shiddaarigani ku yidhi, "
Anigaa gaalka af-aqaanna oo
arrintaada ka dhammaynaya ee inna keen u tagnee."
Ninkan reer
magaalka ah ee gaalka arrinta ka soo dhammaynayaa, wuxu
Ingiriisigaba ka yaqaannaa; xuruufta (the
alphabet) iyo dhawr erey oo uu meelahaasi ka
bowsadey!
Haddaba, markii
ay ninkii Ingiriis u tageen, ayuu ninkii xariifka ahaa
ku yidhi ninkii Ingiriis; " Sir,
ABC." Kolkii uu arkay, in uu gaalkii u soo
jeedsadayna; xaggii damba ayuu xuruuftii uga bilaabay oo
wuxu ku yidhi, " Sir,
XYZ!" Gaalkiina intuu
xaggood soo eegay, ayuu ku yidhi, "Good" waanu
qoslay!
Dabadeedna,
labadii nin xafiiskii ayay ka soo baxeen oo bannaankii
ayay yimaadeen. Ninkii reer magaalka ahaa oo u arkay, in
ay shaxdii u hagaagtey; ayaa ninkii miskiinka ahaa ku
yidhi, " Sow maad arkayn, in aan
kaga gedhgedh siiyey (qosliyey)? Wuu godlanyahee,
berrito ayaan ka dhammayn inta hadhaye; aynnu weliba
maanta u soo qayilno!"
Tabtaa iyo xeeshaasi,
ayuu ninkaasi maalintaasi qaadkiisii ku bislaystay!
Tab reer magaal dheh!
|