ILA QOSOL
Nin baa beri la
guursaday xaas wanaagsan oo uu qabey. Haweenaydii ayaa
hinaastay (masayrtay) markii ay maqashay, in ninkeedii
naag kale la guursadey. Markii ay in muddo ah, yaab iyo
dhabanohays la aamusnayd na; waxa ku soo xumaaday
hinaasihii!
Dabadeedna, xaaladdeedii
ayaa maalin walba ka sii dartay oo waxay gaadhey heer ay
isla hadasho.
Odaygii oo arkay
xaaladdeeda caafimaad iyo sida ay uga sii darayso, ayaa
waaniyey oo isku dayey; in uu dajiyo! Markii ay cabbaar
wada hadleenna wuxu ku yidhi, "
Way hagaagi oo waxba inaga xumaan maayaane, orod oo soo
weyseyso oo inta aad shaydaanka iska naartid; laba
rakcadood tuko."
Wax yar kaddibna, inta
ay gabadhii kacday; ayay soo weyseysatey - waxayna
xidhatay salaaddii uu ninkeedu kula taliyey.
Haddaba,
markii ay rakcaddii labaad maraysey, ayuu shaydaankii u
sheekeeyey. Markaasay sarajooga ku ataxiyaadsatay.
Ninkii oo maqlay ataxiyaadka ay taagnida ku akhriyayso,
ayaa yidhi; "
Sarajoogga lagu dhammaysaye, tolow maxaa
lala fadhiisan?!!"
Inta ay
waaleen, ayay waaninayaan!
|