ILA QOSOL

Nabad akhristayaal, 

 
Illayn tuug tab ma waayee, beri hore ayuu meel miyi ah tuug ku arkay; gabadh yar oo kelideed adhi la joogta. Tuuggii ayaa damcay, in uu adhiga wax ka xado. Wuxuse arkay tii yarayd oo foojigan oo adhigii dhextaagan. Dabadeedna wuxu dejiyey qorshe uu yarta iyo adhiga ku kala kexeeyo - si muraadkiisu ugu hirgalo!
Markii uu adhigii iyo yartii ku soo baxay, ayuu si fiican u bariidiyey oo uu tooydey. Markii ay isku sheegtayna, wuxu isaga dhigay; nin adeer ugu toosan oo garanaya iyada iyo reerkoodaba.
 Haddaba markii uu arkay, in ay aamintay oo cabsidii ka ba'day; ayuu ku yidhi, " Adeer waa maxay gacantan ku laalaadaa?" Wuxuna u raaciyey, Sowtan ku jaban!"
Inantii yarayd ayaa ku tidhi, "Adeer ima jabna, imana xanuunayso!" Dabadeedna, intuu gacantiisii adkeeyey, ayuu dhaqdhaqaajiyey oo uu ruxay. Markaasuu iyadana ku yidhi, " Bal sidaasi dheh gacantaada." Markii ay sidii tuugga tidhina, gacanteedii yarayd  dhawr meelood ayay ka liicday! Markaasuu ku yidhi, " Adeer sow ma aragtid?" Dabeetana, " Haa" ayay tidhi.
Markii uu arkay inay rumaysatay, ayuu ku yidhi, " Anigaa adhiga dugaagga ka sii ilaalinaye, orod reerkii tag oo i kaba ku dheh." Tii yaraydna iyada oo ooyeysa ayay xaggii reerka u carartay. Intii ay maqnaydna, adhiga intii ka macayd oo ahminkii u badan; ayuu sii kaxaystay.
Tuug iyo tabtii dheh. weligaa ayaan lagula gaadhin!
 

 



Cabdullaahi Maxamed Cumar
Email: timacadde56@hotmail.com