ILA QOSOL
Barinaye ma barideen
akhristayaal,
ku soo dhawaada sheeko
kale oo ka mid ah sheekooyinkeennii
Ila Qosol.
Wadaad socoto ah ayaa habeen reer u soo hooydey. Intii aanu reerka immana, casarkii ayuu adhigii reerka
oo duleedka daaqayey soo dhexmaray -
ishana soo mariyey. Wuxu adhiga ku soo arkay, wan weyn
oo
gala alan.
Wankii ayuu wadaadkii soo ishaaqsaday oo is yidhi,"
Allaylehe kaasi ayaa kugu habboon ee subaxa la ambabax!"
Markii habeenkii si fiican loo sooray, ayaa subaxii markii salaadda la tukadey shaah loo keenay. Kolkii uu shaa hii cabbay, ayuu sheeko bilaabay. Wuxu ka sheekeeyey, manaam (riyo) habeenimadii la tusay oo ahayd; isaga oo reerka kala ambabaxay, wan galaalan oo ay isagana duco ka dhacday. Waa kii uu shalay casarkii soo arkaye garo!!
Dabadeedna, waxa
loogu jawaabey; sheekh haddii wankaasi xalay lagu tusay,
waa lagu siini. Shaaw waxa is na adhiga ku jirey, wan
yar oo galaalan
oo aanu shalay wadaadku soo arag. Halkii ayaa lagu
ducaystey. Wadaadkiina markii adhigu dareerayey, ayaa
loo soo xidhay wankii yaraa ee galaalnaa!!
|